Waxaa si guul ah ku soo gaba gaboobay shir waynihii sanadlaha ahaa ee jaaliyada Ogadeniya ee k/afrika. Shirkan oo saan saankiisa laga dareemayay guud ahaanba wadanka k/afrika, Xubnaha jaaliyada ayaa si xoogan ugu soo qul qulayay gobolka Eastern cape gaar ahaan magaalada Uitenhage ee xarunta u ah jaaliyadda.Shirka ayaa bilawday maalintii 15/03/2010 abaarihii 11 ka subaxnimo shirka ayaa ku bilawday xasilooni iyo daganaan isla mar ahaan taana waxaa hoolka buuxiyay xubno aad ubadan halkaas oo shirki lagu furay wacdi diini ah oo ka hadlaya alle kacabsiga iyo kudhaqanka shareecada islamka oo uu soo jeediyay hogaankii dacwada ee jaaliyadda mudane Sheikh Cabdala Sheekh halkaas oo si talan taali ah maamulka jaaliyada iyo ergooyinkii goboladu ay warbixin sanadeedkii kusoo bandhigeen taas oo ay xubnuhu ka maqsuugeen horukaca iyo dar dar galinta hawlaha halganka ee k/Afrika Waxaa shirka qayb wayn ka ahaa war bixin waafi ah oo uu khadka taleefonka kusiiyay shirka Hogaanka Arimaha Gudaha & Amniga ee JWXO Halgame Cabdi C/laahi isagoo kusugan xarunta dhexe ee JWXO, taas oo uu kaga haqabtiray kazoo qaybgalayaashii shirka xaalada halgan,bulsho iyo xaalada dhabta ah ee uu cadawgu maanta marayo.




Jaaliyadda soomaalida Ogaadeeniya ee Koonfurta Afrika waxay kamid tahay jaaliyadaha iyo shacabka Oga...