Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Wednesday
Feb 08th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Community Events Switzerland Ogaadeenya: Daarfuurtii kale. Geneva, Switzerland

Ogaadeenya: Daarfuurtii kale. Geneva, Switzerland

E-mail Print PDF
Magaalada Geneva ee dalka  Switzerland ayaa maalintii Sabtida ee Juy 25 lagu qabtey shir lagaga hadlayay xadgudubyada isa-sootaraya ee Itoobiya ka wado wadanka Ogaadeenya. Kulankan oo eey soo abaabulaan Ururka isku xidhka dhalinyarada Ogaadeenya (OYL) iyo jaaliyada soomaalida Ogaadeenya ee Switzerland ayaa waxaa marti ku ahaa Marwo Drs Fowsia Abdulkader oo ka socotay ururka xuquuqul insaanka Ogaadeenya (OHRC) oo ka timid wadanka Canada iyo Mudane Cabdi shukri oo ka yimid wadanka UK kana socday urur aan dowli ahayn oo ku hoowlan sidii xasuuqa iyo xadgudubyada lagu hayo umada Soomaalida Ogaadenya loo soo banaandhigi lahaa iyadoo maqal iyo muuqaal ah si markaa dhibanayaashu u helaan cadaalad kuwii danbiyadan bini’aadanimada ka baxsana geeystay danbigooda loogu qaadi lahaa.

Shirka ayaa waxa sidoo kale ku marti qaadnaa kana soo qeeyb galeen heeyado badan oo caalami ah kuwaa oo si khaas ah u daneeya uguna howlan sidii dhibaatadan ka taagan Ogaadenya ee ka daran mida ka taagan Daarfuur  loogu soo jeesan lahaa isla markaana danbiyada bini’aadanimada ka baxsan ee Ogaadeenya laga geeystay lagula xisaabtami lahaa dowlada itoobiya oo iyadu masuulka ka ah is la markaana geeysatay gabood faladan.

Drs Fowsia ayaa waxeey sheegtay in waxyaabaha ka dhacaya Ogaadenya aanay ahayn masiibo is ka timid balse tahay waxa afka khalaad loogu yeedho  (State Terror sponsored) oo micnaheedu yahay in dowlada itoobiya qorshe gareeysay is la markaana ku dhaqaaqday kuna guda jirto fulinta qorshe arxandaro ah oo aay goor hore ka soo baaraan dageen ujeedadooduna tahay in dadka Soomaaliyeed ee Ogaadeenya lagala wareego dalkooda iyadoo isticmaaleeysa wado walboo mamnuuca. Marwo Fowsia oo hadalkeeda sii wadata waxeey sheegtay in tan iyo markii itoobiya sharci darada ku qabsatay Ogaadeenya dadka soomaaliyeed ee dhulkaa dagan lagu waday xasuuq aan kala go’laheeyn kuwa hada itoobiya ka taliyana ka daran yihiin kuwii horey xukunka u soo maray waxeeyse rajo wanaagsan ka muujisay in tacadiyada umada lagula kacayo aanay ahaaneeyn kuwa qarsoon oo aanay xisaab iyo ciqaab ka danbeeyn.

Dhinaca kale Mudane C/shukri oo soo bandhigay hordhaca filim laga soo duubay dhibanayaasha Ogaadeenya laguna magacaabo (Silent cry) oohintii aamusneeyd, oo sharaxayay sida fikradani ugu dhalatay ayaa sheegay in eey ahaayeen koox dhalinyaro ku baartay wadanka UK isuguna jira Soomaali iyo ajaanib una dalxiis tagay Afrikada Bari iyagoo baadi goobaya filimo laga soo duubo umada Afrikada Bari ku dhaqan ka dibna la kulmeen taxi wade ka sheekeeyay in uusan arag xaaskiisi, caruurtiisii iyo waalidkii dhalay meel eey ku sugan yihiina ka warheeyn ka dibna dhalinyaradii go’aansadeen raadraaca sheekadan ilaa iyo la kulankoodii hooyo reer Ogaadeenya ah oo aay gumeeysiga itoobiya ku hor goowraceen labadii wiil ee aay dhashay kii sadexaadna hooyadii ku amreen in iyadu wiilkeeda marjiso ama ceejiso iyadoo aan la iloobin gabdhaha tirada badan ee ciidamada gumeeysiga ku kufsadeen kuna silic dileen gudaha xeryaha ciidamadooda, dhibanayasha tirada badan ee xubnahoodii qaar laga jaray, kuwa la nolo duugay iyo caruurta iyo xoolaha iyagoo nool dabka la qabad siiyay.

Filimkan aad u murugada badan ayaa kooxdan dhalinyaradu filayaan in eey ka dhigaan dhamaan goobaha muhiimka ah ee dunidan si markaa daaha looga qaado dhibaatada itoobiya ku qarineeyso Ogaadeenya. Heeyadaha caalamiga ah qaarkood oo goobta ka hadlay ayaa qiray in maanta ururada Ogaadeenya ee aan dowliga ahayn maanta si fiican u talaabsadeen gacantana lagu hayo cadeeymo marag ma doonta ah oo ku saabsan tacadiya ku dhacaya soomaalida Ogaadeenya tanina irdaha u firi doonto u soo jeedsiga iyo ka badbaadinta shacabka aan waxba galabsan waxashnimada taliska itoobiya.

Is ku soo duuboo shirkan ujeedadiisa ugu weeyn ahayd la socodsiinta iyo wargalinta heeyadaha caalamiga ah ee ka hoowl gala xarumaha Qaramada Midoobey ee Geneva cadeeymaha laga hayo xasuuqa ka socda Ogaadeenya ayaa laga gaaray ujeedadii laga lahaa iyadoo Alle idankii la filayo goor dhow in lagu talaabsado talaabooyin kale waxtarkoodu muuqdo.





A.M
Geneva, Switzerland This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Comments (1)Add Comment
0
NONE
written by Cach outlet, March 04, 2011

This topic was really educational and nicely written. I approach to do some additional exploration on this. Gives thanks for sharing this timely data. We require additional like this.

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Sunday, 26 July 2009 16:54 )  
Please update your Flash Player to view content.

Video Feed

ILAYS TV and other Video feeds,

Spotlight

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 55 guests online