Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Thursday
May 17th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Community Events Saudi Arabia Jaaliyada Ogadeniya ee Sacudi Carabiya oo kulan ku qabatey Maka A;-kumarama

Jaaliyada Ogadeniya ee Sacudi Carabiya oo kulan ku qabatey Maka A;-kumarama

E-mail Print PDF

Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee Saudi Arabia ayaa shir balaadhan ku qabatey magaalada barakeysan ee Maka Al-mukarama Nov 12, 2010.  Shirkan oo ku soo aadey munaasabada xajka ayaa waxaa ka soo qayb galey dad Xujey ah oo ka kala yimid shanta qaaradood ee dunida, gaar ahaan waxaa shirka yimid xujey ka timid Ogadeniya.

Hadaba shirkan oo ahaa mid qiimo gaar ah u lahaa dadweynihii halkaas isugu yimid, kuna salaysnaa xog waran, talo bixin iyo guubaabo ayaa waxaa ugu horeyntiiba war bixin ku saabsan jaaliyada sacuudiga, wax qabadkeeda iyo qaabka ay u shaqayso iyo weliba kaalinta ay halganka ka qaataan ka soo jeediyey Abdullaahi Ciraaqi.

War bixintii Ciraaqi ka dib waxaa isaguna qudbad dheer oo aad iyo aad looga heley ka soo jeediyey la taliyaha kowaad ee gudoomiyaha JWXO ahna xubin ka mid gudida fulinta ee JWXO General Cabdullahi Mukhtaar Xuseen. General Cabdullahi Mukhtaar oo ka mid ahaa xujeydii ka timid wadanka Denmark ayaa wuxuu dadkii shirka yimid uga waramey meesha uu halganka shacabka S.Ogadeniya maanta mareyo iyo sida taliska Zenawi iyo inta xulufada la ahi u liitaan. Waxaa kale oo uu u sheegay ka qayb galayaashii shirka in maanta halganku uu meel fiican marayo balse loo baahan yahay in dadaalka la sii kordhiyo.

Sidoo kale waxaa hadalo dhaxal gal ah halkaa ka soo jeediyey culimo ahlu diin ah iyo wax garad ay ka mid yihiin:

1- Sheekh Nuur Baruud Gurxan
2- Sheekh Axmed Nuur sugule
3- Cabdullahi Cumar Feen
4- Mohamed sulub Abdi

Dhinaca kale waxaa isaguna xog waran dheer oo ku saabsan xaalada dhulka Ogadeniya ka soo jeediyey goobtaa nin wax garad ah oo sababo jira dartood magaciisa aanan rabin inaan sheegno. Ninkan oo muddo ka badan 9 bilood gudaha Ogadeniya ku sugnaa, degmooyin iyo tuulooyin badana soo marey ayaa wuxuu dadkii u sheegay inuu soo arkey waxyaalo badan oo muujinaya in dabayshii xoriyadu salaaxayso Ogadeniya.

Ninkan ayaa wuxuu sheegay inuu soo arkey shacab hanuunsan iyo jabhad halgan adag ku jirta. Wuxuu yidhi “ jabhadu waxay joogtaa degmo ilaa tuulo. Waxay dadka u tahay booliis, qaadhi iyo xeer ilaaliye. Ma jiraan wax Woyaane ah oo magaalooyinka waaweyn soo dhaafa xitaa jabhadu waxay shirar ku qabtaa meelo ka mid ah magaalooyinka waaweyn. Wuxuu yidhi; "Intii aan dhulka joogey meelo badan baa CWXO ku faro saareen ciidama wayaanaha iyo dhidid dhowrkooda goob kastana waxaa ka raacay jab iyo halaag. Dadka shacabka ahi dhamaan intii aan arkey waa jabhad. Xidhiidhka jabhada iyo shacabku waa wiil iyo walaalkii”.

Ugu dambeyn wuxuu ninkaasi warbixintii ku soo koobey in uu rajo fiican kala soo noqdey Ogadeniya oo ay saxan saxaddii qoriyaduu soo u rayso.

Waxaa shirkii lagu soo gaba gabeeyey farxad iyo is afgarad, waxaana lagu balamey in halganka la xoojiyo dibad iyo gudaba.

ONA/Mecca

Comments (1)Add Comment
0
louis vuitton outlet
written by louis vuitton outlet, August 24, 2011
Thanks for a great post and interesting comments

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
 

Video Feed

Radio Xoriyo Feed

Spotlight

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 71 guests online