Jaaliyadda Ogadenya ee dalka Sacuudi Caraabiya ayaa isugu yimid 12kii bishan 2009 shir balaadhan oo ay kasoo qayb galeen shacabka Ogadenya ee ku kala nool gobolada dalka Sacuudi carabiya iyo qaar kamid ah masuuliyiinta JWXOo oo ay horkacayeen gudoomiyaha Hogaanka Arimaha Jabhadda Mudane Maxamed Cabdi Yaasiin Diirane iyo wakiilka jabhadda u qaabilsan dalka Sacuudiga Mudane Cabdulaahi Ciraaqi.
Gudoomiyaha H/arimaha Jabhadda N/hure Diirane ayaa madasha shirka kasoo jeediyey warbixinihii ugu dambeeyey ee xaalada ogadenya iyo taariikhihii uu soo maray halganka ay JWXO hogaaminayso iyo heerka maanta uu gaadhay.Jaaliyada Ogadenya ee wadanka Sucuudiga iyo waftigaa uu hogaaminayay Mudanee Diirane ayaa isla falanqeeyey duruufaha ku gadaaman geedi socodka halganka waxay jaaliyadu halkaas ku balan qaaday inay hiil iyo hooba isla garab taagayso halganka lagu xoreynayo ogadenya.
Ugu dambayntiina jaaliyadu waxay ugu baaqday shacabka Somalida Ogadenya gude iyo dibadba inay ilaaliyaan midnimada kana feejignaadaan shirqoolada cadawga iyo kuwa u adeegaya ee doonaya inay shacabka u kala qaybiyaan kooxo dhexdooda isku mashquula.
Set as favorite
Bookmark
Email this
Comments (0)

Write comment








