Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Thursday
May 17th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Community Events Saudi Arabia Jaaliyada Ogadeniyeee Riyadh oo shir isagu timid

Jaaliyada Ogadeniyeee Riyadh oo shir isagu timid

E-mail Print PDF

Riyadh, Saudi Arabia----- Waxa maalintii jimcaha ee bishu ahayd December 31, 2010 shir hawleed muhiim ah isugu yimid jahliyada Somalida Ogadenia ee degaankeedu yahay magalaada Riyaadh ee dalka Saudi Arabia . Shirkan oo ay ka soo qayb galeen dad aad u badan ayaa lagu lafa gurey arimo ku saabsan xaalada geeska Africa gaar ahaan xaalada Ogadenia. Shirkan oo ahaa midkii ugu horeeyey ee noociisa ah marka laga eego baaxada shirka, tayada iyo goobta lagu qabtey ayaa dadku si buuxda oo niyad sami leh madasha u soo camireen.

Dhanka kale waxaa goobtaa lagaga dhawaaqey ururkii dhalinyarada ee ugu horeeyey ee wadanka Saudi Arabia lagu aas aaso. Ururkan oo loogu wanqalay Ogaden Youth of Saudi Arabia (OYSA) ayaa la aas aasey 15 December 2010.
Hadaba shirkan oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen:

  1. Suldaan Mohamed mohamud
  2. Halgan Abdullahi Macali
  3. Nuur sheikh Ibrahim iyo
  4. Xaliimo Mohamed Hassan

Ayaa waxaa lagu furey wacdi dheer oo uu soo jeediyey sheekha jahliyada Sheekh Abdullahi Macalin Xareed allah ha ka raali noqdee. Sheekh abdulaahi ayaa dadkii meesha isugu yimid ku booriyey iney illaahey ka baqaan, wixii xuna ka hadhaan wixii fiicana yeelaan. Mida kale wuxuu Sheekh Abdullahi dadkii ku adkeeyey inay garab istaagaan halganka jihaadka ah ee ka socda Ogadenia ee ay hogaanka u hayso JWXO si looga baxo dulinimada iyo tacadiga gumeysiga.
Wacdigii sheikh Abdullahi ka dib waxaa hadal guubaabo iyo dhiiri galin isugu jira oo si aad ah looga heley ka jeediyey goobta gudoomiyaha jahliyada Riyadh ee dalka Saudi Arabia mudane Ilyaas Abdi. Mudane Ilyaas wuxuu warbixin ka bixiyey shaqada jahliyada iyo waxqabadkeedii ilaa iyo intii la aasaasey.

Waxaa kale oo uu ugu bishaareeyey dadkii madasha fadhiyey iney jahliyadu ku guuleysatey iney ururkii dhalinyarada ee ugu horeeyey ka dhisaan Saudi Aarabia. Dhinaca kale wuxuu tilmaamey in gumeysigu maanta aad u liito, maalmo yarna ay wakhtigiisii ka hadheen.

Ka dib waxaa isna goobta hadal yar ka soo jeediyey Ali Mohamaed Ali yare oo ugu baaqay jahliyada inay is jacaylka iyo midnimada ilaaliyaan. Ali yare waxaa kale oo uu goobta ka soo jeediyey geeraar uu ku amaanayo haweenka somalida ogadeniya.

Halgan Abdullahi Macalin oo ah gudoomiyaha ururka dhalinyarada ayaa iyana halkaas ka sheegtey sababtii ururkan cusub loo aas aasey iyo qorshayaasha u dajisan mustaqbalka. Halgan waxay goobta sheegtey inay halganka is garab taagi doonaan meelkasta iyo goorkasta. Waxaa iyana shirka ka soo qayb galey marti sharaf soomaaliyeed oo ka soo jeeda jahliyada SSC waxana halkaas uga Hadley xubno qadarin weyn ku leh jahliyadaas, waxayna ku baaqeen in cadowga itoobiya meel looga soo wada jeesto.

Sidoo kale waxay dadkii halkaas ku daawadeen goos goos la magac baxay SAADAALINTII XORNIMADA IYO SUULINTII GUMEYSIGA ay so diyaariyeen dhalinyarada Riyadh . Waxan iyana meesha ka maqneyn heeso, gabayo, buraanbur iyo weliba batar iyo gabayo ay tiriyeen abwaano qaali ah oo shirka ka soo qayb galey.

Ugu dambey waxa shirkii lagu soo gaba gabeeyey isfahan iyo farxad, waxaana laysla gartey in la dardar galiyo isku xidhka jahliyada iyo jahliyada kale iyo in la kordhiyo taageerada la siinayo shacabka somalida ogadenia si ay isaga kor qaadaan reeryada gumeysiga.

Ali yare
Riyadh, Saudi Arab

Comments (1)Add Comment
0
aad baan ugu farxay
written by ayan ahmed, January 11, 2011
aad baan ugu faraxsanahay wararka quruxda badan ee jaaliyadaha reer ogadenia gaar ahaan jaaliyada saudi arabia waxaan leeyahay reer ogadenai hambalyo hambalyo hambalyo
walaalayaal waxaan jeclaan lahaa inaan arko jaaliyad ka dhisan dalka uganda gaar ahaan caasimada kampla alle ha i tuso insha allah aniga iyo reer ogadenia

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
 

Video Feed

Radio Xoriyo Feed

Spotlight

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 70 guests online