Saudi Arabia, Jeddah (Sunday) Waxa habeenkii axada ee 22 November shir isugu yimid jahliyada Somalida Ogadeniya ee fadhigeedu yahay magaalada Jeddah ee dalka Saudi Arabia, shirkaas oo ay ka soo qayb galeen madax sare oo ka tirsan ururka JWXO ha ahaadeen kuwo khadka telefoonka kaga qayb qaatey sida gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed cumar cusman ama ha ahaadeen kuwo goobjoogyaal ahaaye sida la taliyaha kowaad ee gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed cumar ahna xubin ka mid ah gudida fulinta General Abdullahi Mukhtaar Xuseen iyo weliba wakiilka JWXO Abdullahi Ciraaqi, culimo, caaqilo, dhalinyaro iyo waxgarad kalaba.
Furitaankii shirka ayaa waxaa warbixin kooban ka bixiyey gudoomiyaha jahliyada Jeddah Cabdiraxman Cabdullahi oo isaga marti loo ahaa. Waxaa isaguna halkaas hadalo murti leh ka yidhi wakiilka JWXO ee bariga dhexe Cabdullaahi ciraaqi. Ka dibna waxaa wacdi dareenkii dadka dhaqaajiyey halkaas ka soo jeediyey sheikh Axmed Makaahiil oo ku celceliyey inaan diintu is baddelin balse qofku is baddeli karo. Sheikh Axmed wuxuu dadkii ku booriyey inay xadhiga alle qabsadaan xaqana u hiiliyaan. Waxaa kale oo uu sheegay in shaqsi kasta xisaabi sugayso sidaa darteedna loo baahan yahay in laga fogaado waxaan illaah banaynin. Shhekh axmed wuxuu hadalkii ku soo afjarey inaan diintu ahayn wax shaqsigu hadba dhinaca uu jecel yahay u leexsan karo.
Sheikh Axmed ka dib waxa hadal ka turjumaya siyaasada maanta iyo ogadeniya halkaas ka soo jeediyey General cabdullaahi Mukhtaar oo dadkii goobta joogay la wadaagay warbixin xogogaalnimo ah oo dhamaantood yididiilo iyo farxad galiyey xubnihii madasha fadhiyey. Gerenal Cabdullaahi wuxuu sharaxaad dheer ka bixiyey hadafka iyo himilooyinka siyaasadeed ee JWXO sannadihii la soo dhaafay iyo kuwa soo socdaba. Wuxuu cadeeyey in qorshayaashii siyaasadeed ee CWXO iyo shacab weynaha Somalida Ogadeniya ay sidii loogu talo galey u dhaceen taasina ay tahay wax illaahay lagu mahadiyo. Dhinaca kale wuxuu tilmaamey in ifafaalaha siyaasadeed ee mustaqbalku yahay mid qurux badan oo saxan saxo xoriyadeed xambaarsan. Qudbad aad looga heley ka dib General cabdullaahi wuxuu hadalkii ku soo dhaweeyey gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cusmaan oo shirka kaga qayb qaatey khadka telefoonka.
Salaan iyo duco bisha barakaysan darteed ka dib wuxuu Admiral Maxamed Cumar halkii ka soo jeediyey war bixin qodo dheer oo ku saabsan guud ahaan halganka somalida ogadeniya wado gudo iyo dibadba. Gudoomiyuhu wuxuu yidhi, “waxan idiin sheegayaa in maanta halganku marayo meel lagu faani karo oo kuwa halganka saaxiibka u ahna guul u ah kuwa cadowga u ahna geeri iyo hoog u ah. Maanta nacabkii dhabarka ayuu ka jabay wuxuuna ka quustey wax dhaqdhaqaaq ah, geesiyadii ONLF na way gaamureen. Dhanka kale taliskii wayaanaha waxaa loogu xoog sheegtey dibadda gaar ahaan fagaarayaasha waayen ee laysugu yimaado halkaas oo jahliyadaha Somalida Ogadeniya ay ka wadaan dagaal adag oo dhinaca fikirka ah oo la rabo in lagu fashiliyo beenta Tigreega”. Mar uu ka hadlayey gudaha ogadeniya iyo isku dayada naf la caarinimada ah ee taliska Meles iyo kuwa dabadhoonka u ah ay baryahan wad wadeen wuxu yidhi, “wax kasta oo cadowgu soo dhoodhoobay waxay noqdeen kuwo lagu guul daraysto. Marka goobaha dagaalka wayaanaha lagu wiiqana siddii caadadu ahayd waxay kordhiyaan dilka iyo waxyeelada shacabka, hase yeeshee sikasta oo loo dhibo shacabku waxay balan qaadeen inay halganka sii wadi doonaan ilaa calanka xoriyada laga taago dhulka ogadeniya”
Erayadaa iyo kuwo kale oo dhaxal gal ah ka dib, waxaa lagu dardaarmey in meelkasta oo la joogoba halganka la xoojiyo kuwa halganka jilaafeynayana si adag loola dagaalamo. Halkaasna waxaa lagu kala tagey iyadoo qofkastaa dhiniciisa maqsuud u yahay, layskuna maca salaamaynayo guul iyo gobanimo iyo mintidnimo dhab ah.
Dhalin Rooble
Saudi Arabia
Set as favorite
Bookmark
Email this
Comments (0)

Write comment








