Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Friday
Feb 10th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Community Events Australia Mandad Team oo guuleystay tartankii kubada cagta

Mandad Team oo guuleystay tartankii kubada cagta

E-mail Print PDF

Mandad Sport Club oo ah ururka dhalinyarada Ogaadeenya ee magaalada Melbourne waddanka Australia oo ku guuleystay tartankii kubada cagta koobkiina ku qaaday.

Waxaa baryahanba ka socday ciyaaro saaxiibtino oo u dhexeeyay Jaaliyadaha ka soo jeeda Geeska Afrika, waxaana ciyaaraha soo qaban qaabisay Jaaliyadda Eritrea oo u dabaal dagaysay sanad guuradii ka soo wareegtay markii ay Itoobiya ka heleen xoriyadda oo ay sanadwalba dhigaan.

Magaalada Melbourne oo ah magaalo ay dagan yihiin qowmiyado kala duwan ayay Jaaliyadda Ogaadeenya kamid noqotay Jaaliyadii lagu casuumay in ay kaqayb gasho tar-tanka kubadda cagta oo ay ka qayb galeen 6 Jaaliyadood ama lix Team oo ka kala yimid Gobalkada Waddanka Australia gaar ahaan Queensland iyo New South Wales sidoo kale Gobalka Victoria oo ah halka ay ciyaaruhu ka dhacayeen.

Jaaliyadda Ogaadeenya ee waddanka Australia ayaa si weyn ugu diyaar garoowday in ay ka qayb gasho si ay koobka u qaado waxayna Jaaliyadu soo xushay Team aad looga dambeeyo oo si wanaagsan u yaqaana habka loo ciyaaro Teamkaas oo layidhaahdo Mandad Sport Club waxayna Mandad soo bandhigeen ciyaar aad u qorux badan oo dhamaan dadkii ka sooo qayb galay aad ula yabeen ciyaarta wanaagsan ee ay dhalinta Ogaadeenya soo bandhigeen.

Wajigii hore ayaa waxaa madaxa is darey Mandad iyo Team ka yimid maagaladda Sydney oo ah Team ka socda Jaaliyadda Eritrea halkas oo ay ku badiyeen Mandad 2 - 1 wareegii labad waxeey madax is dareen Team ka socota Queensland halkas ku badiyeen Mandad 6 - 1 is reereeb badan kadib waxaa Finalkii sabtidii isku soo aaday Mandad oo ah Teamka matalayay Jaaliyadda Ogaadeenya iyo Team ka socda Jaaliyadda Eritrea gaar ahaan xaafad ka mid ah magaaladda Melbourne ee Gobalka Vicitoria Teamkaas oo loo yaqano Collingwood.

Mandad & Collingwood si aad ah ayay dadweynihii halkaas fadhiyay ugu qanceen sida quruxda badan ee ay u ciyaareen labada Jaaliyadood dadkii meesha ee daawanayayna xiiso galisay ayaa waxay Mandad soo bandhigtay ciyaar aad xiiso badan labadii galinba waxayna ku badisay 3 -1.

Mandad ayaa guushii halkas ku racday kuna qaaday kobkii loo tar-tamayay waxaana loo aqoonsaday in ay yihiin dhalinyaro xul ah oo si wanaagsan u soo bandhigay ciyaar wanaag. Waxaa kamid ahaa dadkii daawanaya Gudoomiya Jaaliyadda Ogaadeenya ee Melbourne halgame Xikam oo hadal ka jeediyay in ay sii wadi donaa ciyaaraha oo kale oo ah kuwa ay Jaaliyaduhu u baahan yihiin marwalba.

Sidoo kale Koojka Mandad oo ah Ali Sheikh ayaa si wanaagsan u soo taba baray dhalinta Ogaadeenya ee ku guulaystay koobka wuxuuna Ali balan qaaday in ay sii wadi donaan tar-tanada sidan oo kale ah ayaga oo diyaar u ah in ay dhalinta Ogaadeenya ee waddanka Australia isbartaan. Sidoo kale Ali ayaa ciyaartii markay dhamaatay Khudbad ka soo jeediyay uguna Hambalyeeyay dhamaan dadkii iskugu yimid garoonka & Jaaliyadihii kala duwanaa wuxuuna Ali sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la ciyaaraan Jaaliyad walba.

Ciyaartii kadib waxaay dhalinta Ogaadeenya ee Mandad soo bandhigeen dhaanto aad u wanaagsan oo dadkii goobta joogay ay si weyn ugu riyaaqeen codsadeena in loogu celiyo markale. waxaa koobkii la tagay Jaaliyadda Ogaadeenya oo aad ugu faraxsan guusha ay soo hoyeen.

Qorahay Online

Comments (2)Add Comment
0
Mandad
written by Mahad, January 13, 2010
Waa arin aan aad ugu farxay markaan arkay ciyaartooy ka soo jeeda Ogaadeenya waana guul, waxaana da'yarta Ogaadeenya kula talin lahaa in ay sidan oo kale sameeyaan oo ay dhalin yarado isku xidhnadaan. Guul Jaaliyada Ogadenya ee Australia oo marwalba hormuud u ah Jaaliyadahada kale.
0
...
written by ahmed, January 14, 2010
masha-allah hor mar wanagsan dhalnta ogadenia iney durba dardanka gubad cagta ah isku diyaariyaan masha-allah waa guul dhamaan jaaliyadd ah haduunka oo dhan iney sameyaan koox kubad cagta ah
guul gobnimo

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Tuesday, 12 January 2010 15:52 )  
Please update your Flash Player to view content.

Video Feed

ILAYS TV and other Video feeds,

Spotlight

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 97 guests online