
Shir weyne aad iyo aad loosoo agaasimay ayaa maanta oo taariikhdu tahay 9/4/2011 ooga furmay Ururka Midowga Dhalinyarada iyo Ardayda Ogaadeeniya OYSU magaalada Melbourne ee carigaas Australia. Shirkan oon noociisan ookale wili kadhicin gobalka Pacifiga ayaa maalmahanba qaban qaabadiisa laga dareemayay khaas ahaan magaalada Melbourne ee gobalka Victoria.
Waxaa kasoo qeybgalay shirkan wufuud balaadhan oo matalaysa urur hosaadyada OYSU ee Pacifiga kadhisan iyo wiliba qaar kamid ah madaxda sare ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya. Shirkan oo socon dooono mudo laba cisha ah ayaa muhiimkiisu ahaa arimo dhawr ah oo ay kamidyihiin isbarida dhalinyarada somalida ogaadeeniya OYSU ee ayagu kudhaqan wadamada la isku dhaho Pacificga, waxaa kamid ah ookale in ururku sameeysto maamul guud oo mideeya kasoon hada kahor aan kajirin gobalkan Pacifiga.
Shirkan oo kolkiisi horaba lagufuray ayadaha quraanka kariimka ah ayaa ururku uu ku martiqaaday bulshada qeybaheeda kaladuwan ee ay kamidkayihiin masuuliyiinta jaaliyda somaalida ogaadeniya ee Melbourne, ururka duqeytida, ururka haweenka, martisharaf kale oo ajaanib ah iyo dhamaanba shacabka Somalida Ogaadeeniya ee ku nool Melbourne.





