Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Wednesday
Feb 08th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Community Events Minnesota Jaaliyada Ogadeniya ee Minnesota oo kulan balaadhan isagu timid.

Jaaliyada Ogadeniya ee Minnesota oo kulan balaadhan isagu timid.

E-mail Print PDF

Jaaliyada Ogadeniya ee Minnesota oo kulan balaadhan isagu timid.Kulan si aad ah loo soo agaasimey ayaa waxaa galabnimadii Sabtida ee July 31, 2010 isagu yimid Jaaliyada Ogadeniya ee Gobolka Minnesota. Kulankan oo ka dhacey madasha shirarka ee Minneapolis Convention Center

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan qaybaha bulshada Ogadeniya ee Minnesota iyo dadweyne faara badan oo ka socda Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa looga hadley arimo badan oo ay ka mid ahaayeen ka hortaga dacaayada balaadhan ee ay Xukumada Itoobiya wado. Dacayadaas oo ay xukumada Itoobiya ku fidineyso been abuur la xidhiidha shaqsiyaadka dhawaan isu dhiibey Itoobiya oo ay xukumada Itooniya ku sheegayso in ay heshiisyo nabadeed la gashey garabyo ama jabahado ka dagaalama Ogadeniya.

Kulankan ayaa waxaa door lixaad leh ka qaatey gadhcasta ama Odey dhaqameedyada Ogadeniya ee Gobolka Minnesoya. Odey dhaqameedyada aya aad uga waramey sooyaalka taariikheed ee halganka Ogadeniya . Mudane Suldaan Maxamuud Canshuur oo ka mid ah Odey dhaqameedyada Gobolka Minnesota ayaa aad ugu hadley taariikhdii dheereyd ee shacabaka Ogadeniya ugu jiro ayaa katashigiisa, wuxuuna ku celceliyey khiyaamada uu gumeysigu ku hayo shacabka Ogadeniya iyo sida uu marba meel uga soo galayo. Suldaan Maxamuud Canshuur waxa ku nuuxnuuxsaday in halganka Ogadeniya ayna matali karin 4 qafood oo isu dhiibtey Itoobiya. Suldaanka  wuxuu intaas ku daray in shacabka Ogadeniya uu aad uga foojiganyahay khiyaanada gumeysiga  wado. Suldaan Maxamuud Canshuur wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey  in Itooobiya ayna marnaba dooneyn iney si dhab ah xal uga keento dhibaatada ka aloosan ogadenia.

Sidoo kale, waxaa isna madasha ka hadley Maxamud Nuur oo ah Hogaanka Qorshaynta iyo Cilmibaadhista JWXO, wuxuuna dadweynaha shirka fadhiyey xasuusiyey sababaha keeney in ONLF dagaal hubeysan bilowdo, dagaalkaas oo uu sheegay in ay bilowdey xukumad ku sheegta Itoobiya, wuxuuna tusaale u soo qaatey isku daygii foosha xumaa ee ay Xukumada Itoobiya isku deyday in ay ku disho Gudoomiyhii hore ee ONLF (Ilaah ha u naxariisto) Sh. Ibraahin Cabdalla Maax.

Mudane Maxamuud Nuur waxa kaloo oo uu cadeeyay in aysan ONLF nabada diidaneyn oo ay rabto in la galo wada hadal ay goobjagaayal ka yihiin dawlado iyo ururo calaami ah, taas oo aan ku xidhneyn wax sharuud ah , isla markaana u horseeda bulshada reer Ogadeniya sidii afti looga qaadi lahaa.

Dadkii sida aadka ah uga hadley goobta shirka waxaa ka mid ahaa oo kale Qareen ama Garyaqaaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xaaji Ereg oo ka soo kicitimey Magaalada Rochester isaga iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo kale.
Garyaqaan Cabdiraxmaan Xaaji Ereg
Garyaqaan Cabdiraxmaan Xaaji Ereg waxa uu aad uga hadley sooyaalka taariikheed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Mudane Cabdiraxmaan waxaa uu tilmaamey in maanta ay Itoobiya shukaanta u hayso Soomaaliya, wuxuuna intaas raaciyey in dagaalka ay Itoobiya ku hayso Ogadeniya aan laga soo abaabulin oo kaliya Addis Ababa, balse laga soo abaabulo Soomaaliya, sida Muqdisho, Hargeysa  iyo Boosaaso iyada oo Itoobiya ay isticmaaleyso dadka Soomaaliyeed.

Kulanka iyo dadka ka hadley oo aad u balaadhnaa ayaa waxay dhamaantood uga digen shacabka Ogadeniya  in ka feejignoodaan mardabooyinka uu gumeysiga iyo gumeysi kalkaalku maleegayaan.

Shirka  ayaa waxaa iyaduna ka hadashey Gudoomiyaha Ururka Haweenka Ogadeniya ee Minnesota Marwo Fardowsa Daahir oo ka hadashey kaalinta haweenka Ogadeniya aga aadan halganka Ogadeniya. Sidoo kale waxaa shirka a hadley mas’uuliyiin ka mid ah Ururka JWXO, kuwaas oo ka warbixiyey xaalada Ogadeniya iyo mawqifa ONLF eek u aadan shaqsiyaadka isu dhiibey Itoobiya.

Gabagabadii, waxaa xusud mudan majaajilo xambaarsan murti qoto dheer ay goobta shirka ku  soo bandhigeen madaalayaasha da’da  yar ee Ururka Dhalinyarada Ogadeniya. Majaajiladan oo ku saabsaneyd sida uu gumeysiga Itoobiya u rabo in uu beenta uga gadao shacanka Ogadeniya isaga oo adeegsanaya  Idaacada aan dhex-dhexaadka ahayn ee BBC-da.

Comments (1)Add Comment
0
To ogadenia community in Minnesota
written by Bashir, August 02, 2010
Congratulations all of you this is great meeting I'm very proud of you this is our time we will get our freedom soon we need to work to gether we need to respect to each other we need to follow our leaders if we do that we will get our indepedence sooner.

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Tuesday, 03 August 2010 03:10 )  
Please update your Flash Player to view content.

Video Feed

ILAYS TV and other Video feeds,

Spotlight

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 77 guests online