Maanta oo taariikhdu ahayd 2/27/2010 ayaa shir balaadhan waxaa isugu yimid Ururka Isku Xidhka Dhalinyarada Ogaden ee afka qalaad
lagu yiraahdo Ogaden Youth Network (OYN) ee Gobolka Minnesota. Kulanan ayaa waxaa ka soo qayb galay dhalinyaro aad u fara badan oo ka kala socotay magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis iyo St poul, iyo nawaaxigooda eeuu ka koobanyahay gobolka Minnesota sida St Cloud, Wilmar, Rochester, Faribault, iyo Owatana.
shirkan oo ay dhalinyaradu isugu yimaadeen ayaa waxaa looga arinsanayay sidii loogu gogol xaadhi lahaa shirweynaha Ogaden Youth Network
ee lagu qaban doono Gobolkan Minnesota bisha March 13/ 2010k
Shir waynaha oo aad looga sugayo Gobolkan Minnesota ayaa waxa kas oo qayb gali doona dhamaan Ururka Isku Xidhka Dhalinyarada Ogaden ee Waqooyiga America meelkasta oo ay ka dhisanyihiin.

Gaba gabadii shirkan ayay Ururka dhalinyaradu kus oo xireen shirkii suugaan kala duwan oo ka kooban Gabayo iyo heeso wadani aha. ururada dhalinyarada ee u dhalatay Gobolkaa Ogadeniya ayaa meelkasta oo ay joogaan gacmaha is qabsaday, kuwaas oo ku midoobay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahayeen halgana loogu jiro aayo katalinta Ogadeniya.









