Waxaa habeenkii Sabtida ahaa 2/25/12 lagu daadaway gobolka Minnesota qaybtii labaad ee filimkii la magac baxay oohinta qarsoon. Filimkan ayay si wada jir ah uu soo abaabuleen ururka dhalinyarada Ogaden (OYSU) iyo jaaliyada Somalida Ogaden ee gobolka Minnesota .
Filimka oohinta qarsoon oo in muda ahba la sugayay ayay dadwayne aad u farabadan ka soo qayb galeen ayadoo la soo buux dhaafiyay madashii filimlka lagu daawanayay. Kaso qaybgalayaasha ayaa isugu jiray Jaaliyada Somalida Ogadenya, Walaalaha somaliyeed iyo siyasiyiin u dhashay wadanka Maraykanka.
Intii uunan bilaban daawashada filimka ayaa waxaa madasha khudbado ka soo jeediyay masuuliyiin ka tirsan jaliyada Ogadenya. Waxaa kale oo ayaguna halkaas khudbado dhadheer ka soo jeediyay siyasiyiin ka tirsan baarlamanka wadankan maraykanaka iyo musharixiin u taagan dorashada Congress ka gobolka Minnesota. Siyasiyiintan ayaa ayagu cadeeyay sida ay hiil ula garabtaaganyihiin shacabka dulman ee Ogaden
Waxaa xusid mudan gabdho aad u da’yar oo ku dhashay wadankan maraykan oo halkaasi ka soo jeediyay gabayo (Poem) luuqada English ka ku qornaa. Gabayada ay gabdhahani so jeediyeen ayaa runtii xanbaarsanaa fariimo iyo dhiilo ku saabsan dhibaatada ay gumaystada wayanuhu ku hayaan shacabka Ogaden.
Intasi kadib waxaa bilowday dhawashii filimkii Ohinta qarsoon oo ahaa runtii filim si wanaagsan loo soo diyaariyay. Filimka ayaa isagu gabi ahaanba ku saabsanaa tarikhda wadanka Ogaden iyo dhibaato ay gumaysiga wayanuhu u gaysteen shacabka Ogaden. Waxaa ka mid ahaa dad jidhdil loo gaystay oo nabaradii jidhkooda ka muuqdaan, dumar ay gumaysiga wayanuhu faraxumeeyeen iyo dad xadhig, jidhdil iyo kufsi intaba la isugu daray.





Ururka dhalinyarada iyo Ardeydayda (Ogaden Youth and Students Union) iyo Jaaliyada Gobolka Minnesota...


