Maamulka Jaaliyada Soomaaliyada ogadenya ee Denmark iyo xubno kamid ah hogaanka arimaha dibad ee JWXO ayaa manta 17-7-2010 xafiiska jaaliyada ee Magaalada Copehagen kuqaabilay wafdi Oromo ah oo ka tirsan Jabhada OLF oo uu hogaaminayay wakiilka OLF ee yurub Mr. Ganati Deressa. Maamulka jaaliyada iyo madaxda JWXO ayaa uga waramay Wafdiga OLF meesha uu marayo halganka Shacabka ogadenya iyo guulaha waawayn ee uu gaadhay sanadihii udanbeeyay dhinacyada hawlgalka ciidamada midka siyaasadda dibada oo caalamkoo dhan gaadhay iyo dhinaca bulshada Ogadenya gude iyo dibadba.
Wafdigii OLF ayaa iyaguna kawar bixiyay heerka uugaadhay halganka shacabwaynaha Oromiya ee ay jabhada OLF hogaaminayso iyo in ay ka´goantahay shacabka Oromiya in ay ka´xoroobaan gumaysiga TPLF.
Wadahaldalkan ayaa waxa uu ku dhamaaday isafgarad iyo jawi waanagsan, isamarkaana la joogteeyo wada shaqynta iyo iskaashiga Jaaliyadaha Ogadeniya iyo Jalliyadaha Oromo ee caalamka. Iskusina looga hor tago brobagandhada iyo dacaayadaha raqiiska ah ee uu cadawgu faafinayo.
Set as favorite
Bookmark
Email this
Comments (1)

written by islam news, July 25, 2010
Wadahaldalkan ayaa waxa uu ku dhamaaday isafgarad iyo jawi waanagsan, isamarkaana la joogteeyo wada shaqynta iyo iskaashiga Jaaliyadaha Ogadeniya iyo Jalliyadaha Oromo ee caalamka.
Write comment








