Xarunta xisbiga enhedlisten ee Denmark ayaa waxaa lagu qabtay shir aad u balaadhan oo ay ka soo qayb galeen hogaanka sare ee xisbigaas iyo Jaaliyada ogaadeeniya ee Denmark oo isugu jira hawl wadeenada Jaaliyada iyo ururka Dhalinyarada ee OSN Denmark.
Sida oo kale shirkan waxaa ka soo qayb galay xubin ka tirsan barlamanka Europe oo magaciisa la dhaho Søren sønergård.
Shirkan oo laga soo jeediyey warbixin dhinacyo badan taabanaysa ayaa waxay isugu jirtay taariikhda Ogadeniya iyo xaalada guud ee maanta ka jirta Ogadeniya iyo waliba dhibaatooyinka uu gumaysugu ku hayo Somalida Ogadeniya.
Ka dib war bixintaas ladhagaystay waxaa la daawadsiiyay filimkii SilentCry iyo filim documentary ah oo uu Channel 4 Ogadeniya ka soo diyaariyay, halkaas oo ay labadaas film si fiican uugu soo bandhigeen dhibaatada uu gumaysiga Ethipoia ku hayo shacabka Somalida Ogadeniya.
Ugu danbayntii xubnaha sare ee xisbigan iyo xubinkooda ka tirsan barlamanka Europe ayaa waxay balan qaadeen in ay shaqayn doonaan oo ay waliba taageero buuxda siin doonaan qadiyada Somalida Ogadeniya isla markaan ay isha ku hayn doonaan dhibaatooyinka ay dawlada Ethiopia u gaysanayso shcabka Somalida Ogadeniya.









