Jaaliyada Ogadenya ee wadanka Denmark ayaa shir balaadhan ku qabatay xarunta jaaliyada ee magaalada Copenhagen .Shirakan ayaa waxaa lagu furay aayado quraan ah iyo wacdi diini ah oo uu soo jeediyay Sheekh Xasan. Wacdigaas kadib waxaa makrafoonka lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha Jaaliyada ee wadanka Denmark Xassan Macallin oo mahad balaadhan u soo jeediyay halgame Faysal Daahir oo ah halgame qaali ah oo runtii ku dayasho mudan sida oo kale waxa uu gudoomiyhu u mahad cilyay wafdiyadii ka socday JWXO, OYL , OSN Denmark & dadwaynihii ka soo qayb galay shirka oo ay ka mid ahaayeen Jaaliaydaha Soomali wayn . Kadibna gudoomiyahu waxa uu intaas raaciyay war bixin kooban oo ku saabsan wax qabadka Jaaliyada Denmark.
Intaas kadib waxaa si diiran makrafoonka loogu soo dhaweeyay halgame Faysal Dahir oo ka yimid Geeska Africa. Halgame Faysal waxa uu halkaas ka soo jeediyay war bixin aad u balaadhan oo meelo badan tabanaysa oo ay ka mid ahaayeen xaalada guud ee uu halganka Ogadeniya maanta u marayo iyo isbadalka siyaasadeed ka socda geeska Africa.
Wuxuu halgame Faysal Dahir faafaahin dheeraad ah ka bixiyay guulihii ugu danbeeyay ee ay CWXO ee gasiyiinta ah soo hooyeen.
Waxaa intaa ka dib lugu soo dhaweeyay wakiilka jaliyadah yurub halgame Gamaadiid oo ka hadlay wax qabadka jaaliyaha Yurub iyo horumarka ay sameeyeen shantii sano ee u danbaysay.
Waxa kale oo uu halgame Gamaadiid ka hadlay u diyaar garow shirweynihii sanadlaha ahaa ee Jaaliyadaha Somalida Ogadenya kaas oo sanadka ka dhici doona wadanka Sweden.
Waxaa isna ka soo jeediyay hadalo guubaabo iyo talooyin isugu jira duqa jaaliyada S.Ogadenya ee Danmark.
Warbixinadaa kadib ayaa waxaa loo gudbay su'aalihii & jawaabihii oo ay si talan taali ah uga jawaabayeen Gen. Cabdullahi Mukhtar, Faysal Daahir & Gamadiid taasoo ay dadwaynii su’aalaha waydiiyaay aad uugu qanceen sida waafiga ah ee loogu jawaabay.
Shirkan oo dadwaynihii ka soo qaybgalay ay aad ugu qanceen sida habsamida leh uu u socday ayaa ku soo gababoobay guul.









