Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Wednesday
Feb 08th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Community Events Jaaliyada Denmark Siminaar aqoon kororsi oo lagu qabtay xarunta jaaliyada Denmark

Siminaar aqoon kororsi oo lagu qabtay xarunta jaaliyada Denmark

E-mail Print PDF
La taliyaha gudoomiyaha JWXO General Cabdullaahi Mukhtaar ayaa Axadii 07-02-2010 siminaar aqoon kororsi ah ugu qabtay magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmark xubnaha iyo taageerayaasha halganka ee ku dhaqan caasimada iyo nawaaxigeeda.
 
Siminaarkaas oo qayb ka ahaa kormeerka ay qaar kamid ah madaxda ururku ku marayaan jaaliyadaha ogadenya ee qurbaha ayay ujeedadiisu ahayd kobcinta iyo sare u qaadida garaadka aqooneed midka siyaasi iyo midka ururnimo ee xubnaha halganka,si ay u noqdaan mustaqbalka barito ee Ogadenya oo dhinac walba ka dhisan.
 
Xubnaha iyo taageerayaasha nasiibka u yeeshay inay siminaarkaas ka faaiidaystaan ayuu la taliyaha gudoomiyaha jwxo dhex dhigay qodobo doodeed dhowr ah , si ay uga doodaan, xubin kastana uga dhiibto fikirkiisa ku haboon,isagoo General Cabdullahi Mukhtaar is waafajinayay aragtiyada kala duwan ee ay xubnuhu kaga doodayeen qodobadaasi:
 
Qodobadaas ayaa waxaa kamid ahaa:habka ugu haboon ee ay wadashaqayni udhex mari karto jaaliyada Ogadenya ee Denmark iyo jaaliyadaha kale iyo sidii loosii xoojin lahaa  xidhiidhka wadashaqayn ee ka dhaxeeya jaaliyadaha iyo hay,adaha kala duwan ee ururka.
 
Ugu dambayntiina waxaa la isku soo uruuriyey doodahii iyadoo lagala baxay intoodii ugu muhiimsanayd ee la isla gartay inay waxtar balaadhan uleedahay geedi socodka halganka Ogadenya,waxaana xili dambe  lagu soo gabagabeeyey xarunta jaaliyada Denmark siminaarkaas iyadoo halgame Cabdullaahi Mukhtaar uu kula dardaarmay xubnaha kasoo qayb galay siminaarka inay ka faaiidaystaan wadamada ay joogaan sarena u qaadaan aqoontooda waxbarasho si ay u anfacaan dalkooda iyo dadkoodaba.
 
Copenhagen-Denmark
Comments (0)Add Comment

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Tuesday, 09 February 2010 20:03 )  
Please update your Flash Player to view content.

Video Feed

ILAYS TV and other Video feeds,

Spotlight

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 72 guests online