Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Sunday
May 19th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Community Events Jaaliyada Denmark Jaaliyada Ogadenya ee Denmark oo ka qayb gashay soo dhaweyntii sanadguuradii 20aad ee xoriyada Eratariya

Jaaliyada Ogadenya ee Denmark oo ka qayb gashay soo dhaweyntii sanadguuradii 20aad ee xoriyada Eratariya

E-mail Print PDF
Jaaliyada Ogadenya ee wadanka Denmark ayaa si diiran uga qayb gashay shalay(Sabti 21-05-2011) xaflad balaadhan oo loogu dabaal dagayay sanadguurada 20aad ee kasoo wareegtay goortay Eratariya xoriyadeeda ka qaadatay gumaysiga madoow ee Itoobiya oo ku beegnayd maalintii shalayto ahayd.
Jaaliyada ayaa si rasmi ah loogu marti qaaday xafladaasi waxaana ka qayb galay wafti uu hogaaminayay gudoomiyaha Jaaliyada Mudane Xasan Macalin oo madasha ay ka dhacaysay xusidaasi ka jeediyey khudbad taabanaysay macaanka xoriyada iyo in lagu gaadho adkasi iyo midnimo sida shacabka Eratariya,wuxuuna gudoomiye Xasan khudbadiisaas ka codsaday dowlada Eratariya iyo dowladaha jecel xoriyada umadaha weli la gumaysto inay garab istaagaan shucuubta weli ku hoos jira gumaysiga siiba shacabka Ogadenya oo weli si arxandarro leh ay u gumaysato Abasiiniya.
 
Xaflada sanadguurada Xoriyada Eratariya ayaa waxaa kasoo qayb galay marti sharaf badan oo ka scoday dowlada Denmark iyo axsaabta mucaaradka ah,waxayna iyaguna halkaasi kasoo jeediyeen khudbado ku qotomay dimiquraadiyada iyo horumarka,waxaana dhamaan loo rajeeyey shacabka Eratariya horumar iyo badhaadhe.Qaybtii dambe ee xaflada ayaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee shacabka Eratariya halkaas oo ay habeenkii xalay aha aoo dhan ku damaashaadayeen.
 
Copenhagen-Denmark
 

Video Feed

Masuul kasoo goostay Liyu Poliska oo kawaramaya xasuuqa Ogadeniya kajira,,RX oo Wareysatey N/Hure Qari oo ka soo baxsadey Maleeshiyaa Liyu

Spotlight

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 80 guests online