Waxaa maalmahanba ku soo qulqulayay magaala madaxda wadanka Swedan ee Stockholm ergooyin aad u tiro badan oo isaga kala yimid shanta Qaaradood ee aduunka. Wufuuda oo matalaya Jaaliyaadka ay ka kala yimaadeen ayaa waxaa si kal & laab ah ugu soo dhaweeyay garoomada magaalada Stockholm jaaliyada martida loo yaha y ee ka hawl gasha wadanka Swedan. Ergooyinka ayaa waxay ka soo kala boqooleen guud ahaan qaarada Europe, Waqooyi Amerika, Australia, Africa & Asia. Kasoo qaybgalayaasha ayaa waxaa loo sii hooyey Hoteel gooni ah oo loogu sii diyaariyay casho sharaf & jiif.
Shirwaynaha jaaliyaadka Ogadeenya oo sanadkiiba mar la qabto ayaa si rasmi ah uga furmi doonaa bari subaxa hore. shirkanweynahan ayaa u muuqda mid ka jawi badalan shirarkii hore ee ay yeelan jireen jaaliyaadka Ogadeenya ee caalamka. shirkanweynahan oo lagu martiqaaday madax sare oo isugu jirta wafuud sare oo ka tirsan jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeenya (JWXO),maamulada jaaliyaadka Somaalida Ogadeenya ee aduunka, kaadir badan oo isaga kala yimid wadamada caalamka, ururo u dhaq dhaqaaqa xuquul insaanka, xeel dheerayaal ku takhasusay dagaalada & xasiloonidarada, xubno mug ku leh siyaasada caalamka, aqoonyahano isugu jira ajaanib & kuwo u dhashay wadanka ogadeenya,saxafiyiin kala duwan & xubno iskood isu soo abaabulay si ay uga qaybgalaan kulankan oo meeqaanweyn ku leh jaaliyaadka Soomaalida Ogadeenya ee aduunka.
Madasha shirka ayaa waxaad arkaysay xubnaha oo is ku boobaya salaan ay ku dheehantahay kalgacayl & xiiso sidoo kale waxaa shirka isugu yimid xubno in badan ku kala baahsanaa aduunka oo gumaysiga dartii awoodi waayay in ay kulmaan.
kasoo qaybgalayaasha ayaa waxaa ay caawa isku xogwarsan doonaan rugta ay jaaliyadu dajisay. Sidoo kale waxaa goordhawayto lagu soo dhaweeyay wafti heersare ah oo uu hogaaminaayo gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeenya Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo ay weheliyaan Hogaanka Arimaha Dibada ee JWXO & masuuliyiin sar sare oo kale. Kulankan oo si rasmi ah u furmi doona maalinta bari aha socona doona ilaa 01-08-10 habsami u socodkiisa kala soco mareegtan.
Hadii eebo idmo waxaan isku dayi doonaa in aad shirkaas si toos ah uga daawan doontaan Ogaden Online.
Set as favorite
Bookmark
Email this
Comments (0)

Write comment








