Waxaa maalintii Sabtida 27 Febraayo 2010 ka dhacday Xaflada si weyn looga soo shaqeeyay oo lagu soo dhaweynayay Halganto/Nafteed Hurto Cibaado Maxamed Tarabi.Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen Shacabka Soomalaida Reer Ogadenya ee ku nool Magaalada Västrås gaar ahaan dumarka oo iyagu Howsha inta badan Dhabarka u ritay ayaa dadkii kasoo qeyb galay waxay ka kala yimaadeen dhamaan gobolada kala duwan ee Wadankan. Jaaliyada S/Ogadenya, Odayaal, Siyaasiyiin. Iyo ururada Dhalin yadarada ayaa goob joog ka ahaa Xafladan oo Bilaabatay Duhuradii.
Ugu horeyn waxaa shirka furay Gabadh kamid ah Gabdhihii Xaflada Soo qaban qaabiyay iyadoo soo dhaweyn iyo war bixin kadib Heesta Calanka loo wada istaagay. Kadib waxaa si toos ah loo guda galay Xafladii Iyadoo Hooyo kamid ah Hooyooyinka Reer Västrås oo iyadu runtii aad u qiireysneed halkas kasoo jeedisay Qudbdhad dheer oo iskugu jirtay Guubaabo iyo canaan mararka qaar si toos ah ugu jeedineysay Dumarka.
Inatas kadib waxaa hadalkii meesha kasii qaatay Gudomiyaha ururka OSF Sweden Mudane Ahmed Turki oo isagu Soo dhawen iyo war bixinba meesha kasoo jeediyay, Jaaliyada iyo qaar kamid ah hooyooyinka ayaa iyaguna meesha Guubaabo wax ku ool ah kasoo jeediyay ugu danbeyntii waxaa Microfonka lagu soo dhaweeyay Halganto/Nafteed Hurto Cibaado Maxamed Tarabi.Cibaado oo runtii ah Gabar kamid ah Gabdhaha S/Ogadenya ee Taariikhda ku leh Halganka Shacabku ayku Xoreynayan wadankooda ayaa iyadu markii ay usoo socotay Kursiga hadalka waxaa Halmar Hoolkii shirka is qabsaday Sacab iyo Mushxarad(Alla laas) taas oo muujineysa in Maanta Shacabku Gudo iyo dibadba Dadka Taarikhda ku leh Naf iyo Maalba usoo hurey in wax waliba ka jecel yihiin Isla markaasna yihiin Shacab Fahmay Qadiyadooda.
Nafteed Hurto Cibaado ayaa iyadu Ugu horey U mahad celisay dadkii soo abaabulay xaflada iyo dhamaan dadkii kasoo qeyb galayba, Cibaado waxay aad ugu dheeraatay ka sheekeynta Halganka Ogadenya iyo Sababihii ku kalifay inay Dabka qaadato, Wax yaabaha looga baahan yahay Dadka Qurbaha Ku nool gaar ahaan Dumarka iyo waliba Guubaabo guud oo ay usoo jeedisay Dhamaan Shacabkii Madasha Fadhiyay.
Xafladan oo iyadu soo Gaba gabooday Abaarihii 12.00 habeeniyo ayaa waxaa dadka aad u mada daalinayay Dhalinta OSF-Sweden oo uu Hor kacayay Xidiga Sweden Abdi Omar (Abdi dheere) iyago soo bandhigay Gabayo-& Dhaantooyinkii Quruxda badnaa ee looga bartay dhalinta.
Ugu danbeyntii Xaflada ayaa kusoo gaba gabooday Jawi aad u farxad leh iyadoo dhamaan dadkii kasoo qeyb galay ay aad ugu qanacsanaayen xiisana u sii qabay inay sii jooogan Goobta.
Set as favorite
Bookmark
Email this
Comments (0)

Write comment








