(Upsala- Feb, 13, 2010) Ururka OSF-Sweden ayaa waxa uu kulan balaadhan ku yeeshay magaalada Uppsala ee dalka Sweden. Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u farabadan oo isugu jira Somalida Ogadeniya iyo walaalaheena jamhuuriyada Soomaliya. jaaliyada uppsala oo muda yar dhisnayd ayaa waxay ku talaabsatay guulo lataaban karo iyada oo ay xidhiidh wanaagsan la samaysay jaaliyadaha soomaliya iyo dadwenaha soomaaliyeed ee ku nool magaalada Uppsala. Shirka waxaa kale oo ka soo qaybgalay maamulka jaaliyada Soomaalida ogadeniya ee sweden, aqoonyahano soomaaliyeed ay ku jireen kornaylo, profossoro iyo indheedgarad kale. shirka waxaa farxad gaar u ahayd in ay ka soo qaybgashay gab
adh qoraa swidish ah oo lagu magac aabo kerstin lundell oo dhawaan buug ka qortay dhibaatada ay ku hayaan ciidamada wayaanaha iyo shirkada lundin petrolium oo wadankan laga leeyahay oo heshii shidaal baadhis ah la gashay dawlada ethipia. buugaas(AFFÄRER I BLOD OCH OLJA) oo ku qoran luqada swidishka dhawaana la filayo in loo turjumo luqada englishka ayaa wuxuu ka hadlaya sida naxariis darada ah ee ay ciidamada wayaanuhu u kufsadaan dumarka, u gubaan tuulooyinka, u daldalaan dadka iyo waxyaabo kale oo badan. waraysiyada ay ka qaaday dhibanayaasha ku xusun buuga ayaa dhamaantood sheegay in sababta ay u ogolaadeen in ay dhibaatadooda u sheegaan qoraha buugan ay tahay oo kaliya in ay dhibaatadooda u sheegto aduunka.
Ugu horeyn shirka waxaa lagu furay aayado quraanka kariinka ah, kadibna waxaa loo istaagay heesta calanka oo ay ku luqaynayeen xubno ka tirsan ururka OSF. intaa ka dib waxaa lagu
soo dhaweeyay gudoomiyaha jaaliyada magaalada uppsala oo sharaxay sababaha loo aas aasay iyo waxyaabaha ay higsanayaan mustaqbalka. waxaa iyaguna ka hadlay shirka aqoonyahano soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Dr. cali hiraabe, kornel cabdi osman iyo kuwa kale oo badan, dhamaantood waxay ku dheeraadeen oo ay sharaxeen halgankan taxana ah iyo heerarkii uu soomaray iyo waxyaabihii xagal daacinjiray.Waxa kale oo shirka ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka jaaliyada sweden N/hure Mustaf oo ka hadlay waxqabadka jaaliyada sweden, waxa uu ku booriyay dadweynihii inay ilaaliyaan
midnimada kana fogaadaan waxyaabaha tafaraaruqa ku keenaya.Shirka waxa kale oo goobjoog ka ahaa wafti ka socday ururka OYL iyo xubno ka tirsan jaaliyada iyo ururka OSF-norwey oo uu hogaaminayay madaxa dhaqaalaha ururka OYL mudane buubaal oo warbixin dheer oo ku saabsan waxqabadkii ururka OYL iyo waxyaabaha u higsanayo mustaqbalka ka soo jeediyay madasha, waxa carabka ku dhuftay in wakhti dhaw ay midayn doonaan dhamaan dhalinyarada soomaalida ogadenia ee aduunka dacaladiisa ku nool.
Intaa kadib axaa lagudo galay qaybtii labaad ee shirka oo ahayd doorashadii maamulka ururka dhalinyarada OSF ee sanadka 2010 hogaaminlahayd. waxaana halkaa lagu doorday gudoomiye, gudoomiye ku xigeen, xooghayn, madaxa arimaha dhaqaalaha, madaxa abaabulka iyo madaxa garsoorka.
Shirka oo mudo dheer socday dadkuna aad u xiisaynayaan in la sii wado ayaa waxaa lagu soo gunaanaday dhaantooyinkii hidaha iyo dhaqanka u ahaa bulshaweynta soomaalida ogadeniya. dadka oo ay wajigooda ka muuqatay farxad iyo rayn rayn ayaa madasha isku macasalaameeyay.
Set as favorite
Bookmark
Email this
Comments (1)

Write comment








