Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Saturday
Mar 13th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Community Events Jaaliyada Sweden Jaaliyada Ogadeniya ee Sweden oo shir isagu timid

Jaaliyada Ogadeniya ee Sweden oo shir isagu timid

E-mail Print PDF

(Stockholm)- Maalintii sabtida oo ay taariikhdu ku beegnayd 2010.02.06 ayaa waxaa magaala madaxda wadanka Sweden ka dhacay shir balaadhan oo ay ka soo qayb galeen bulshaweynta Somalida Ogadenia ee ku nool wadanka Ssweden iyo aqoonyahano Soomaaliyeed, waxa kale oo shirka ka soo qaybgalay waftu uu hogaaminayay GK2aad ee JWXO Mudanee C/qaadir Hiirmooge (Cadaani) oo beryahan kormeer hawleed ku marayay wadamada Scandanivianka. shirka oo ay ujeedadiisu ahayd kor u qaadida hawlaha halganka, ka warbixin xaalada wadankii uu ku suganyahay iyo sidii kor loogu qaadilahaa arimaha Siyaasada.


Shirkan ayaa furitaankii kadib waxaa lagu soo dhaweeyey madasha mudane C/naasir Gadhweyne oo ka warbixiyay wax qabadkii jaaliyada ee 2009, isaga oo xusay in sanadkii dhamaaday ay jaaliaydu ku talaabsatay horumar weyn oo ah dhinacyada abaabulka dadweynaha, diplomasiyada iyada oo ay jaaliyadu kulamo badan la qaadatay baarlamaanka, wasaarada arimaha dibada iyo hayadaha xuquuqul insaanka ee sweden oo ay dhamaantood kala hadashay hibaatada uu baday guumaysiga abasiiniya shacabka ogadenia ee aan waxba galabsan.

Waxaa sidoo kale shirka ka hadlay aqoonyahan Soomaaliyeed oo  ku nuuxnuuxsaday kuna dheeraaday sida uu waajib ugu yahay qof walba oo soomaaliyeed inuu taageero hiil iyo hooba ah inuu la garab istaago halganka xaqa ah ee ay JWXO hogaaminayso.
 
Intaa ka dib waxaa lagu soo dhaweeyay codbaahiyaha Mudane C/qaadir hiirmooge (Cadaani) oo ay dadweynuhu si aad ah  u sugayeen khudbadiisa. Cadaani ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taaanaysa ka soo jeediyay shirka, isaga oo ku bilaabay xaalada nololeed ee wadankii ka jirta, dhibaatada uu guumaysigu ku hayo shacabka isaga oo sheegay in sanadkii ugu danbeeyay ay wayanuhu bilaabeen in ay dadka wadar u dilaan, taas ku badnayd dumarka. waxa kale oo uu aad ugu dheeraaday xaalada siyaasadeed ee ethiopia iyo waxyaabaha la saaaalinayo in ay ka so baxaan doorasho ku sheegta ay sheegeen i ay dhacayso bisha may 20210.

Dhinaca halganka mar uu ka hadlayay wuxuu sheegay in maanta ciidan wadaniga xoreynta ogadeniya uu gaadhay dhamaan gobolada ay ka koobanthay ogadenia diyaarna ay u yihiin in ay goolka dhaliyaan wakhti dhaw inshalah.
 
 
Mudane Cadaani mar uu ka hadley dhinaca Siyaada waxa uu shaagay in maanta caalamku u soo jeedsaday ogadenia lana filayo sanadkan in isbadal weyn ka dhaco geeska africa oo ay ogadenia ugu horeyso.
 
Uugu danbayntii waxaa halkaa lagu waydiiyay su'aalo badan oo ku saabsan arimaha uu gudoomiyuhu ka hadlay isaga oo si waafi ah uga jawaabay uguna qanceen shacabweynihii dhagaysanayay.
 
Comments (0)Add Comment

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
 
 

Studio Xoriyo: Music and Interviews

Please update your Flash Player to view content.
Please update your Flash Player to view content.
Banner






 


Spotlight

 

Ogaden Crisis in Ethiopia: Forgotten crises to watch in 2010

The humanitarian crisis in Ethiopia's Ogaden region is worsening, yet the Ethiopian govern...

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Ogaadeenya oo u dhaxeysa gooni isu taag iyo Xasuuq.

Wargeyska lagu magacaqabo Africa International oo ka soo baxa dalka Fransiiska bishiiba ma...

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 60 guests online