Habeenkii isniinta ee Dec, 28.2009. ayaa waxaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay. Xaflada oo ay soo diyaarisay Jaaliyada Ogaadeeniya ee wadanka Sweden ayaa waxay ku marti qaaday fanaaniin uu ugu horeeyo fanaanka weyn ee Mahamud A. Omar ( Jaango) iyo fanaaniin kale oo badan. Dhinaca kale waxay jaaliyadu ku martiqaaday xaflada madaxda xisbiga Social Democracy iyada oo ay soo xaadireen madaxa xisbiga Mrs Mona
Sahlin iyo xubno kale, waxa kale oo xaflada ka soo qayb galay Warbaahinta sida TV, Journalistayaal iyo wariyayaal madax banaan.
Xaflada oo lagu soo bandhigay hidaha iyo dhaqanka Ogaadeeniya iyada oo ay fanaaniinta iyo koox dhalinyaro ah oo ku labisan dharka hidaha iyo dhaqanka ay soo bandhigeen dhaantooyin iyo ciyaaraha hidaha u ah Ogadeniya.
Madaxda jaaliyadu waxay fursad u heshay in ay si gaar ah ula kulmaan madaxdii xisbiga oo ay u sharaxaan qadiyada Oagadeeniya, waxay madaxda jaaliyadu si qoto dheer ugu sharaxeen xasuuqa ay xukumada Itoobiya ka wado Ogadeniya.
Madaxda xisbigu ayaa waxay magacaabeen
sargaal sare oo ka mid ah xibiga in uu la shaqeeyo Jaaliyada Ogaadeeniya. Sargaalkaas oo ka caawindoona waxyaabaha jaaliyadu u bahantahay iyo dhibaatooyinka la soo darsa.Ugu danbayntii xaflada oo mudo dheer socotay ayaa waxay ku dhamaatay guul, iyada oo ay dadku aad ugu riyaaqeen sida ay u dhacday, dad badan ayaana codsadey in xafladan mar kale agu soo celiyo.
Jaaliyada Ogadeniya ee Sweden ayaa waxay ka mid tahay Jaaliyadaha ugu da'da weyn Jaaliyadaha Ogadeniya ee qurbaha ka jira.
Set as favorite
Bookmark
Email this
Comments (0)

Write comment








