Magaalada Gothenburg ee wadanka Sweden ayaa waxaa ka socda diyaar garow loogu jiro shir ay yeelan doonaan dhalinta kasoo jeeda Ogadenya ee ku nool wadamada Schandinavianka ee Norwey, Finland, Denmark iyo Sweden.
Shirkan ayaa ka dhici doona Wadanka Sweden Caasimadiisa labaad ee Gothenburg hadaba si aan wax ugu ogaano ujeedada shirkan iyo muhiimada laga leeyahay ayaan waxaan wax ka waydiinay Mudane Maxamed Khadar Abdiqani Xoghayaha Guud ee OYL ahna Mas uuliyiinta OSF-Sweden oo isagu kamid ah dadka qaban qaabinaya shirkan.
Hadaba Mudane Max`d khadar ayaa inoo sheegay in shirkan ayku kulmayan dhalinta Schandinavianka isla markaasna uu yahay Markii ugu horeysay ee dhalinta Gobalkan ay shirnoociisa ah ku yeeshan Magaaladan, ” Runtii ujeedooyinka ugu muhiimsan ee shirkan ayaa ah bal in marka hore dhalinta dagan magaalada Gothenburg maamul guud loo sameeyo isla markaasn si loo helo Dhalin yaro u taagan Qadiyada kana damqanaya dhibka iyo duliga uu ku hayo Shacabka walaalahood ah gumeystaha madow ee Tigreyga". Arinta kale ayaa iyaduna ah in dhalinta Scandinavianka ay isku yimaadan kana wada hadlaan sidii la iskugu xiri lahaa dhalinta kunool wadamadan iyo waliba horumarintooda, la iskuna arko laguna kala war qaato” ayuu yiri Mudane Maxamed khadar isagoo hadalkiisa sii wata.
Shirkan ayaa isagu dhici doona 17 bishan Oktober.Shacabka Ogadenya ee dagan Gothenburg oo ay ugu horeeyan dhalinta aya abaabul aanan loo kala harin ugu jira soo dhaweynta waftiga culus ee kusoo fool leh. Waxaana ka war sugi doonaa qodobada iyo natiijada kasoo baxda shirkan
Halkan ka eeg goobta xiliga shirku dhici doono









