Waxaa Magaalada London ee cariga Ingiriiska ka dhacdey Riwaayad si heer sare ah loo soo agaasimey oo la magacbaxdey "Hagardaamo Gumaysi Halgamaa wax ma yeesho". Riwaayadan oo ay soo bandhigeen dhalinta Ururka Ardeyda Ogaden -Ogaden Student Forum -OSF ee UK oo sanadahan dambe si talan taali ah Riwayado ka hadlaya qadiyada Ogadeniya si joogta ah u soo bandhiga.
Riwaayadan ayaa wxaaa ka soo qayb galey fanaaniin Soomaaliyeed oo aad u badan oo ay ka mid ahaayeen Halgamaa M.A.Omar Jaango, Abdi khaaliq Haji, Canab Indha deeq oo USA ka timid, Fuaad Cade, Nimco Dareen, Farxiya Fiska, C/fatax Yare. Xaflada waxaa aan kasoo qeyb galin Saado Cali Warsame, oo dhaqtarka si deg-deg ah ah u gashay.
Sida lagu soo waramayo waxaa la waayey meel la kala fahdiisto, waxaana buux dhaafey goobtii dadweynuhu isagu yimaadeen, iyadoo Tigidhadii Riwaayada dadweynaha la gaadhsiin kari waayey oo ay gabaabsi noqdeen.
Riwaayadan ayey dhalinya OSF kaka hadleen xaalada dhabta ah ee Soomaalid ku sugantahay, iyado dhalinta OSF ay riwaayada badan hore u soo bandhigeen ayey Riwaay
adana qayb ka ahayd hawl galadii horay loogu bartay ee abaabulka & wax u sheega shacbiga Somalida ogadenia.
Hadaba Riwaayadan ayaa kabadalayd kuwii hore marka loo eego jawiga shacbiga dhaxdiisa iyo dareenka dadwaynaha oo aad wajiyadooda ka akhrisaneyso qiiro wadanino, waxa kale oo mudan in la xuso tirada dadweynaha ka soo qayb galay o shan jeer kr u dhaafey tiradii loogu tala galay in ay buuxiso ooba Riwaayada.
Gebogabdii Riwayada ayaa waxaaa goobta shahadooyin lagu gudoonsiiyey dad ay a mid ahaayeen Saado ali Warsame iyo Wiil caan ku ah garaacida Musica oo lagu magacaabo Cabdi Salaam Hassan Sicid. Shahado sharaftan ayaa wxaa bixiyey Ma'suul ka tirsan JWXO o lagu magacaabo Mohamed Abdi Yassin (Diirane).

written by Bashir, May 16, 2010
written by basiir tarabi, May 18, 2010
written by wadani, May 19, 2010
maxaa keenay marka anigoo shaqadaasi oo dhan inoo taalo in aan anagu isku qilaafno wax aan meeshaba oolin sida magacyo iyo yaa katirsan tihiin, waxasi wallahi waa wax cadowga u hiilinaa oo aanan meesha oolin
wax ladhahaa majiraan, marka maanta xaalada aan mareeyo iyo cadwogeeynu sidi haben iyo dhaaraarba ugu soo taagan yahay, kala qeeybin teeyna iyo mid mid meel ugu cunista ..... wallaahi .... walllaahi ....wallaahi, in uu san cadow geynu kala jecleeynin, waxii afka soomaaliga ku hadla oo dhan
ee aan gacmaha is qabsano,
waana jecleeystay fikrada " mr" wallah aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay
codsina, waxaan u diri lahaa, mas'uuliyiinta maamula websitekaaan(ogaden.com) in aaysan kala sarin shacabka soomaaliyeed maanta maalin aan asiga baahi badanahay majirto, marka meeshii OGADENIA lagu sheego waa in somaliya lagu xijaaaa
waxaan leeyahay waajib kiina sifican u gota oo dadka isku soo dhaweeya
mahadsanidin
written by sardale, May 19, 2010
written by Ada1985, March 30, 2011








