Ogaden Online: The official homepage of Ogaden on the Internet

Web hosting
Thursday
May 17th
Text size
  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
Home Community Events Jaaliyda UK Bayaankii ka soo baxay Shir Sanadeedkii Jaaliyadaha Ogadenya ee caalamka, London, UK

Bayaankii ka soo baxay Shir Sanadeedkii Jaaliyadaha Ogadenya ee caalamka, London, UK

E-mail Print PDF

Shirka Jaaliyadaha Soomaalida Ogadenya, oo ah shir sanadkiiba mar la qabto, waxaa sanadkan lagu qabtay magaalada London ee carriga Ingriiska, intii u dhaxaysay 07---09 August 2009, waxaana ka soo qayb galay ergooyin ka socda Jaaliyada ha Ogadenya ee dalalka Australia/Newzeland,Swedan, Switzerland, Denmark, Finland,Germany, UK, Canada, USA, Norway iyo Jaaliyaddii martida loo ahaa ee UK.

Waxaa kale oo shirka ka soo qayb galay, ergooyin ka socda ururka ardayda,  aqoonyahan, Odayaal, haweenka  iyo xuquuqul insaanka ogaadeenya  oo wadamo kala duwan ka kala yimid. Waxaa sidoo kale aad u soo buuxiyey goobta shirka bulshadda soomaaliyeed ee deggan dalka  Ingriis, khaasatan magaalada London iyo nawaaxigeeda.

Shirka waxaa lagu gorfeeyey qodobo badan oo waxtar u leh halganka, waxaana lagaga wada hadlay xaaladda dhabta ah ee uu ku sugan yahay dalka ogadenya ee ay ka soo bara-kaceen Jaaliyadaha kulmay, sida gumaadka, xabsiga, jidh-dilka, kufsiga, gubista tuulooyinka , gubista hantida shacabka, dhaca iyo guud ahaanba xadgudubyada xuquuqda asaasiga ah ee aadamiga ee gumaysiga Itoobiya uu ku hayo shacbiga ogadenya. Waxaa lagu eegay is-bedallada siyaasadeed ee dunida ku cusub iyo saamaynta ay ku leeyihiin Geeska Afrika, gaar ahaan Ogaadeenya, daganaasha la'aanta geeska afrika iyo sababaha asaaska u ah.

Ka dib waxaa la qiimeeyay tayada fulinta barnaamij-hawleedkii sanadkii 2008-2009 loo dajiyey jaaliyadah, horumarinta tayeeynta waxqabadka Jaaliyadaha iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya jaaliyadaha iyo xidhiidh hawleedka  ka dhexeeya jaaliyadaha iyo ururada bulsahda ee la hawlagala.

Ka dib markii uu shirku si wayn u lafa-guray ajaendahii horyiilay, isla markaana falanqeeyay nuxurka ay xanbaarsan yihiin wuxuu gaadhay go’aanno dhaxalgal ah oy ka mid yihiin;

Sii xoojinta taageerada halganka uu shacbiga ogadenya ugu jiro hanashada xaqa aaya-ka-tashigiisa oo qadiyada loo abuuro saaxiibo oo caalamka lala socodsiiyo gafafka joogtada ah ee gumaysiga Itoobiya uu ku hayo shacbiga ogadenya ,si joogto ahna loogu bandhigo xadgudubka uu taliska Itoobiya ku sameeyo dhammaan xeerarka iyo qawaaniinta caalamiga ah.

Waxaa kaloo ka mid ahaa go’aankii shirka xoojinta  hiddaha iyo dhaqanka  toosan ee soomaaliga ah, isla markaasna ubadka yaryar ee ogaadeeniya lagu ababiyo dhaqanka iyo asluubta wanaagsan ee ummadeenu leedahay.

Waxaa la go’aansaday in la joogteeyo shirwaynaha Jaaliyadaha ogaadeenya ee sannadkiiba mar la qabto, waxaana sannadka 2010 lagu qaban doonaa wadanka Sweden.

Waxaa la ogolaaday in la horumariyo warbaahinta u adeegaysa qadiyada ogadenya, si kor loogu qaado  wacyiga bulshada.

Waxaa kaloo la go’aaminyay in la  diyaariyo Dukumentiyo marag cadd iyo saldhig u noqon kara xad-gudubyada uu guumeysiga Itobiya ku hayo shacbiga soomaalida ogaadeeniya si masuuliyiinta maamulka Addis abbaba loogu soo ooggo dabiyadaas loona horkeeno maxkamad caalami ah.

Intaa ka dib waxaa shirka ka soo baxay;

Baaq

  • A Shirku wuxuu shacbiga reer ogadenya, meel kastoo uu joogo, ugu baaqayaa midnimo iyo inuu ku mintido halganka xaqa ah ee aaya-ka-tashigiisa uu ugu jiro.Wuxuuna ku gubaabinyaa inuu u dhabar adaygo cadaadiska isa soo taraya ee gumaysigu ku hayo.
  • Wuuxuu shirku ku baaqayaa in  shacabka soomaalida ogaadeeniya ay ka digtoonaadan ,   fashilyaana shirqoolada gumaysiga.
  • Shirku wuxuu shacbiga jamuhuriyada soomaaliyeed een walaalaha nahay ugu baaqayaa inay joojiyaan dagaalka sokeeye, danta guudna u midoobaan, si dib loogu dhiso qaran soomaaliyeed oo madax-banaan , khilaafka u dhexeeyana ku xaliyaan hab-nabadeed oo ku yimaada wadaxaajood iyo isu-taanasul.
  • Shirku wuxuu shucuubta, dawladaha iyo ururrada caalamiga ah ugu baaqayaa inayna iska indha-tirin xadgudubka, dulmiga iyo cadaadiska uu gumaysiga Itoobiya ku hayo shacbiga ogaadeenya iyo shucuubta kale ee ku hoos jirta iyo guud ahaanba umadaha kale ee Geeska Afrika.
  • Shirku wuxuu bogaadin , taageero iyo dhiiri galinba u soo jeedinayaa shacbiga ogaden ee mintidka ee ka halgama gudaha dalka ogaden iyo Ciidankisa geesiga ee guulaha lagu naalooda soo hooya maalin walba.
  • Shirku wuxuu jaaliyadaha ku boorinayaan in ay ku dhiirigaliyaan xubnahood waxbarashad,shaqada iyo sidii ay si fiican ula qabasan lahayeen dalaalka ay ku nooyihiin.
  • Shirku wuxuu ku baaqaya in jaaliyadaha dibada ku nool ay taakulayn wax ku ool ah u fidiyaan walaalahood ku jira xoryaha qaxootiga ee geeska afrika.
  • Shirku wuxuu ku baaqaya in aqoonyahanka ,dhalinta iyo dumarka in ay ka qaybqataan hawlaha maalmeedka jaaliyadaha.
  • Shirku wuxuu ugu baaqaya Culuma-awdiinka in ay ka soo baxaan masuuliyadooda taarikhiga ah ee ka saaran halganka iyo shacabka qurba joogta ah.

Canbaarayn

  • A Shirku wuxuu canbaaraynayaa hawl galada milatari ee ciidamada gumaysiga Itoobiya ku gumaadayaan shacbiga ogaadeen ee aan waxba galabsan.
  • Shirku wuxuu canbaareeyay heshiisyadii uu taliska Itoobiya la saxiixday sharikadaha saliidda ee ku saabsanaa inay soo saaraan saliidda ogaadeenya, isagoo si buuxda u taageeraya dadaalka iska caabinta dulmiga gumeysiga Itoobiya ku boobayo khayradka dalka ogaden.
  • Shirku wuxuu canbaaraynayaa fikirka gaboobay ee gumaysiga talisiyada Itoobiya ee ku dhisan cadaadinta shucuubta, dhul-ballaadhsiga gardarrada ah , falalka dilka,  xasuuqa, kufsiga, go’doominta,baro kicinta, iyo dulmiga wajiyada badan uu ku hayo shacbiga ogadenya ee dulman iyo qoomiyadaha kale.
  • Shirku wuxuu canbaaraynayaa go’aanada maamulka ku amarkutaagleeya dalka itoobiya ee la xidhiidha xayiraada haayadaha samafalka iyo suxufiinta madaxda banaan.
  • Shirku wuxuu canbaaraynayaa argagixisada iyo falalka darisnimo xumada uu taliska Itoobiya ku hayo dalka ku yaalla gobolka Geeska Afrika.

Midnimo.......................Mintidnimo.........................Iskutashi.......Guul.
London.UK.  09.08.2009.

Comments (0)Add Comment

Write comment

security code
Write the displayed characters


busy
Last Updated ( Monday, 10 August 2009 23:47 )  

Video Feed

Radio Xoriyo Feed

Spotlight

 

A Place To Call Home: images and interviews of refugees from Ogaden

 

Genocide Watch calls on UN to initiate action against Ethiopian Dictator

March 23, 2009E-mail:genocidewatch@aol.com Website: www.genocidewatch.org

Who's Online

We have 70 guests online