Ujeedada munasabadan ayaa ahayed in dugsiyada iyo Jaamacadaha Magaalada Birmingham ardeyda wax ka barata loo soo bandhigo qadiyada Somalida Ogadeniya.
Horey waxa Ururka OSF kulamo goos goos ah ula yeeshay Ardeyda Jaamacadaha iyo College-yada magaalada Birmingham iyaga oo sameystay xidhiidho wada shaqeyn iyo iskaashi.
Shirkan oo ay daa dihinayen Ururka OSF qeybta Magalada birmingham ayaa ugu horeyntii waxa furay gudoomiyaha Jaaliyada magaalada Birmingham Mudane Cali Xeydar kadib aayado qur'ana iyo Heesta calanka.
Gudoomiyuhu waxa uu aad uga hadlay baahida loo qabo dhalinta inay ahaadan dad wacyigoda bulsho iyo kan siyaasiba kor ahaado. Waxa uu dhiiri galiyay in kulamo noocan oo kale ah oo dhalinta ku aadan ay jaaliyadu horkici doonto diyaarna u yihiin sidii loo kobcin laha tayada dhalinta.
Mudane Sheikh Maxamed Maxamud oo marti sharafta shirka kamid aha ahna Masuul la shaqeeya Communitiyada ayaa ku tilmaamay dhaqdhaqaaqa dhalinta mid loo baahanyahay oo wax ku ool ah kana gadisan fikirada laga qabo da'yarta qurba Joogta ah.
Mudane Axmed oo ah gudomiyaha hayad curyamaninta magalada Birmingham ayaa isna aad ula dhacay barnaamijyadi ay soo bandhigeen dhalintu isaga oo carabka ku dhuftay in wacyiga maanta magalada Birmingham wax badan iska badali doono uguna baaqay shacabweynaha magalada in lala shaqeyo dhalinta dadaalka ay ku jirto.
Barnaamijyada ayaa isugu jiray bandhig Hido iyo dhaqameed, Gabayo, majaajuloyin iyo Heeso halgan. sidoo kale waxa laso bandhigay Ruwayado goos goos ah oo ku adan Nolosha Qurba Joogta iyo halganka kasocda Ogadeniya iyada oo la daawaday Filimo ka hadlaya xaalada dhulka Somalida Ogadeniya.
Halgame Maxamud Jaango ayaa gabay dhiiri galineed u jeediayay da'yarta halka fanaanka da'da yar ee caanka ah Cabdi Khaliq iyo halyeydada Xaawa luul, Khadar yare iyo IkranĀ carale ay heeso iyo madadaaleyn halgan ku guubaabinayen da'yarta.
Munasabdan oo lagu qabtay Hotel birmingham oo aad u quruxbadan baaxadna weyn ayaa si habsami ah kusoo dhamaaday iyada dadki kaso qeybgalay ay codsaden in isla bisha soo socota xaflad kale loo sameyo ama sida ugu dhaqsaha badan.
Maamulka OSF ayaa u mahad celinaya Qabanqaabiyashi shirka, Xafiiska Jaaliyada Ogadeniya ee Birmingham, Ururada dhalinta Jaamacada iyo College yada iyo xubnaha Firfircoon ee OSF ee suurto galiyay munasabadan. sidoo kale dhamaan dadki kasoo qeybgalay.
Ururka Dhalinta OSF
Qeybta Magalada Birmingham
20 June 2009
Set as favorite
Bookmark
Email this
Comments (0)

Write comment







