Waxaa shalay oo taariikhdu aheyd 26.03.11 Siminaar iskugu yimid Urur hoosaadyada kala ah , West midland OYSU- iyo Geat Manchester OYSU, siminaarkaas oo ku Saabsanaa- Uururnimada, Maamulka iyo Fahamka Qadiyada Ogaadeenya.
Siminaarkaas waxaa Soo qaban Qaabiyey Midowga Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenya ee marka la soo gaabiyo loogu yeero OYSU-. Sida Caadu Ay aheyd waxaa siminaarka lagu furay aayadaha Quraanka kariimka ah, kadib waxaa loo wada istaagay Astaanta Calanka Ogadenya waxaa la guda Galay ujeeddadii siminaarka , waxaa codbaahiyaha lugu soo dhaweeyay Xoghaya OYSU - UK- mudane salad C/laahi , mudane salad ayaa sheegay in farxad u tahay iyo guul u soo hoyatay dhamaan dhalinyarda iyo ardayda somalida ogadenia ee ku nool gudaha iyo dibada – mudane salad wuxuu dhalinyarada u sheegay in maanta siminaarkan lugu qabanayo Great Manchester kuwo la mid ah lugu qabanayo dhamaan dacalada aduunka isla markaana in ka badan 20 Urur hoosaad qabanayaan siminaarkan isaga ah.
Xoghayaha OYSU- UK – mudane salaad wuxuu si gaar ah ooga hadlay Ogaden Youth And Responsibilites - wuxuuna dhalinyardii goobta joogtay u sharaxay masuuliyada dhalinyarada Saaran iyo qaabka Ay u gudan lahaayeen waajibaadkaas saaran. Mudane salad wuxuu si qoto dheer oga hadlay oo kale kaalinta looga baahan yahay dhalinyarada iyo ardayda Somalida ogadenia ee ku nool UK in ay si dhab ah ooga qayb qaataan kacdoonka OYSU hormuudka u tahay ee dacalada aduunka ka socda in OYSU-UK- looga baahan yahay howl karnimadii looga bartay in markale lugu arko fagaarayaasha kacdoonka dhalinyarada iyo ardayda somalida Ogadenia ee meel walba ka socdo .
Waxaa kale oo codbaahiyaha lugu soo dhaweeyay Gudoomiyaha jaaliyada Great manchestar mudane Omar wuxuuna sheegay in isaga iyo jaaliyada farxad u tahay in siminaarkan lugu qabto great Manchester , wuxuu gudoomiyuhu u mahad celiyay OYSU –west midland- in ay ku soo dhawaadaan Manchester
Waxaa kale oo goobta ka hadlay Gudmooye ku xigeenka jaaliyada Manchester mudane mohamed ali – wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay is dhexgalka iyo isbarashada dhalinyarada Great machete iyo West midland
Waxaa kale oo shirka ka hadlay mudane Cabdi cade oo u matalayay JWXO, wuxuuna dhalinyarada kula dar daarmay in ay u diyaar garoobaan sidii halganka xoog ugu soo kordhin lahaayeen xaga aqoonta, xaga dhaqaalaha , abaabulka iyo saaxib u samaynta qadiyada somalida Ogadenia ee heerkooda .
Waxaa siminaarka lugu soo afjaray gabayo iyo dhaantooyin ka turjumayay marxalada dalka uu marayo iyo dhaqanka suuban ee ay leeyihin shacabka somalida Ogadenia meel walba oo ay ku nool yihin
xafiiska saxaafadda OYSU









