Shirkan oo ahaa shir si wanaagsan looga soo shaqeeyay dhamana ay ka sooqaybkaleen Odayada Ogadenya ee ku dhaqan gobolkan Minnesota ayaa waxaa kadib ayaado
Qura aan ah iyo wacdi lagu furay shirka waxa si qoda dheer loo falanqeeyay xaalada halganka xaqa ah ee Ogadenya uu manta marayo ayadoo la isla qiray inuu halganku kusocdo hilinkii loogu talagalay.
Dhanka kale cuqaashii shirkan ka soo qayb gashay ayaa waxay dhamaantood dhaar kumareen inay dardar galinayaan u hiilinta halaganka xaqa ah ee ka socda gudaha ogadenya oo ay ladagaalamayaan cid kasta oo isku dayda inay majara habaabiso ujeedooyinka halaganka ay hormuudka ka tahay JWXO. Waxay cuqaashu intaasi raaciyeen inay u istaagayaan abaabulka bulshada Ogadenya iyo walaalaha Jamhuuriyada Soomaaliyeed.
Oday Dhaqameedyadu waxay gaashaanka u daruureen oo ay ku tilmaameen wax laga xishoodo beenta ay Ethiopia soo abaabushay ee ay u soo dhiibeen Saalax Tuug iyo Ibraahim Kutuba xoor, ayadoo ay Odayaashu ku tilmaameen arintani inay tahay riwaayad ay Ethiopia rayul caalamka ku khayaamayso, waxay Odayadu cadeeyeen inay bulshada Ogadenya ay wali xaalad dagaal kujiran oo aysan jirin wax nabad ah oo ay Saalax Tuug iyo Ibrahim Kutuba xoor ay ugu maqanyihiin bulsha dhibaataysan ee Ogadenya.
Odayadu waxay bulshada Ogadenya ugu baaqeen inayna u hogaansamin heensada gumaysiga oo ay adkaysi u yeeshaan inta aynu ka salgaadhayno xoriyada aaynu geesiyaal badan kuwaynay kana soo noqonayso cizigii iyo karaamadi ay bulshada Ogadenya lahayd. Wallow ay odayaashu cadeeyeen sida tabaha cadowga lagu yaqaano inuu shacabka biri magaydayda ah uu gumaado marka goobaha dagaalka lagaga soo adkaado, balse ayay dheheen odayaashu arimahan iyo kuwa lamid ka ahi waxay daliil cad u yihiin jabka iyo guul darada haysata gumaysiga.
Isku soo wada duubo shirkan oday dhamqameedyada iyo Jaaliyada Ogadenya ee Gobolkan Minnesota dhexmaray ayaa waxaa uu ahaa kulan wakhtigii ku haboonaa dhacay rajawayna laga qabo inuu goaamadii ka soo baxay ay taaba galaan.
Mohamed Darba’wayne
Minneapolis, Minnesota.
Set as favorite
Bookmark
Email this
Comments (0)

Write comment








