Waxaa malintii Sabtida ahayd bishan October 16, 2010 uu shir albaabdu u xidhanyahay dhexmaray Maamulka Jaaliyada Ogadenya ee Minnesota iyo Oday dhaqameedyada Ogadenya.
Shirkan oo ahaa shir si wanaagsan looga soo shaqeeyay dhamana ay ka sooqaybkaleen Odayada Ogadenya ee ku dhaqan gobolkan Minnesota ayaa waxaa kadib ayaado
Qura aan ah iyo wacdi lagu furay shirka waxa si qoda dheer loo falanqeeyay xaalada halganka xaqa ah ee Ogadenya uu manta marayo ayadoo la isla qiray inuu halganku kusocdo hilinkii loogu talagalay.
Dhanka kale cuqaashii shirkan ka soo qayb gashay ayaa waxay dhamaantood dhaar kumareen inay dardar galinayaan u hiilinta halaganka xaqa ah ee ka socda gudaha ogadenya oo ay ladagaalamayaan cid kasta oo isku dayda inay majara habaabiso ujeedooyinka halaganka ay hormuudka ka tahay JWXO. Waxay cuqaashu intaasi raaciyeen inay u istaagayaan abaabulka bulshada Ogadenya iyo walaalaha Jamhuuriyada Soomaaliyeed.




Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya waxaa ku nool qoxooti Oroma ah oo ka soo qaxay dhibaatooyinka G...
Urura Isku xidhka Dhalinyarada Ogadeniya ee Gbolka Minnesota ayaa dhamaadka todobaadii la soo dhaafe...
