|
|
|
|
|
Xukumada
Itoobiya oo mamnuucdey in Jaamacadaha lagu Tukado
|
Jan 09,
2008 Wasaarada waxbarashada ee Itoobiya
ayaa wareegto ay soo saartay ku mamnuucday
in gabi
ahaanba aan lagu tukan karin Jaamacadaha
Itoobiya dhexdooda, meelihi mowlacyada ahaa
ee ay Ardada
Jaamacada dhigata gaar ahaan kuwa muslimka
ah ku tukan jireena ayaa la wada xidhay.
Talaabadan lagu mamnuucay in Jaamacadaha
aanan lagu tukan karin ayaa ka cadhaysiisay
Ardey badan oo muslimiin ah oo dhiganayay
Jaamacadaha Itoobiya, siiba Jaamacada ay
Ardeyda muslimiinta ahi ugu badan yihiin ee
HARAMAYA UNIVERSITY oo ku taala Herar iyo
Diri-dawa dhexdooda.
Cadhadaas kadib waxay Ardeydii Jaamacadaha
ee muslimiinta ahaa siiba Jaamacadaas
Haramaya isu diyaarinayaan inay qabtaan
banaanbax kii ugu weynaa oo ay arintaas kaga
soo horjeedaan, ilaa iyo hadana waxay
sameeyeen cunto joojin,waxaana la filayaa in
uu banaanbaxaas dhaco maalmaha fooda inagu
soo haya.
--Ogaden Online News |
|
|
|
|