|
|
|
|
|
Banaanbax
weyn oo looga soo horjeeday Xukuumada Itoobiya oo ka dhacay
Dibadda Xafiiska Raisul Wasaaraha Dalka Ingiriiska |
Jan 17,
2008 Waxaa maalintii Arbacada ee bisha
Janaayo 16ka ahayd ka dhacay daafaha hore ee
xafiiska Raisul-Wasaaraha Ingiriiska, Gordon
Brown ee ku yaala Downing Street 10 ee
magaaladan London banaanbax aad u u
balaadhan oo ka dhan ah xukumada Itoobiya.
Banaanbaxan oo ahaa mid si fiican loo soo
agaasimay ayna soo qabanqaabiyeen Urur
daladdeedka weyn ee Golaha Nabada &
Xasiloonida Geeska Afrika (Horn of Africa
United for Peace and Stability.) Ururkani oo
aay ku bahoobeen ururo badan oo isugu jira
kuwa arday, kuwa siyaasadeed, kuwa
indheergarat ka kala socday qowmiyado kale
gedisan sida Soomaalida, Oromada, Eriteya,
Ogadeniya iyo Amxaarada, kuwaasi oo ku
mideysnaa in aay qaylo-dhaan gaarsiiyan
dowladda Ingiriiska oo ay ku dhaleeceeyen in
ay raali uga tahay gumaadka lagu hayo
shucuubta badan ee Itoobiya ee ku jira
cadaadiska, dilka iyo caburintaba.
Dadkii halkaa isugu soo baxay waa ay fara
badnaayeen, waxana aay isugu jireen
qowmiyado kala gedisan ee degta Geeska
Afrika. Dadkii halka isugu soo baxay waxa ay
wateen boorar ay ku xardhanaayeen
halkudhigyo kala gedisan oo ay ku
muujinayaan tacbiirtooda iyo sida ay uga xun
yihiinn tacadiyadda iyo xad-gudubyadda
bini-adamnimadda ka baxsan ee ay xukuumadda
Melez uu hogaamiyo u geysato shucuubaha ku
hoos nool xukumkeeda iyo weliba qaska uu ka
hayo wadamada deriska la ah sida Soomaliya
iyo Eritereeya. Waxaa kale oo ay halkaa ku
haysteen codbaahiye aad u xoogweynaa oo ay
ugu talagaleen in Gordon Brown si fiican u
maqlo cabashadooda.
Urur dalladeedkan la yiraa Golaha Nabada &
Xasiloonida Geeska Afrika waxaa la aas-aasay
bishii la soo dhaafay ee Disembar, sida ku
qoran waraaqo ay bixinayeen waxaa loo
asaasay ayeey yiraahdeen sidii looga shaqyan
lahaa sidii shucuubta Geeska Afrika ku
gaarli lahaayeen nolal cabsi la'aan, nabad
waarta iyo horumar degdega. Haddii aanu
nabad jirrina hurumar warkiisaba daa ayeey
yiraahdeen. Qoraalkooda Waxaa ku cadaa in ay
welwel ka muujiyeen kordhinta Itoobiya
kordhisay miisaaniyada militerigeeda oo kor
u dhaaftay ayeey yiraahdeen $3 bilyan oo
dollar shan sanno guddahood. Kor uqaadida
misaaniyada milliterigooda ayadoo dalka
intiisa kale ka baahan yahay ayeey qoreen in
ay u suurta gelisay in ciidamadoodu galaan
dalka Soomaliya, ayadoo halkaasi Itoobiya si
ulakac ah ugu xadgudubtay shurrucda utaala
AU iyo UN-taba, dhalisayna in dad badani ka
barakacaan guryahoodi. Waxaa kale oo ay
qoraalkoodu ku cadeeyen in Itoobiya ciidamo
badan u dirtay Ogaadeniya, halkaas ay
shacabkaas u geeysteen dil, dhac iyo kufsi.
Intaas kuma koobnayn eedaymaha ka dhanka ah
dowlada Itoobiya waxaa usii dheeraa dilalka
iyo xabiska lagu hayo dadka Oromaha ah,
sidoo kale dilka iyo barakicinta loo geystay
dadka Anuak, kuwaas oo u firxaday dalalka
Kenya & Sudan.
Banaanbaxan ayaa waxaa kasoo qayb galay
saxaafada caalamaka intooda badan kuwa ugu
afka dheer sida Aljazeera, AFP, BBC World
Service/English, VOA amharic, ERItv,
Hornafric Somali & suxufiyiin kale oo
madaxbanaan, kuwaas oo waraysiyo ka qaadey
kasoo qaybgalayashii mudaharaadka.
Soo qabanqaabiyayaasha banaanbaxan waxa ay
sheegeen in deeqda dowlada Ingiriisku ay si
shuruud laan ahi usiiso dalka Itoobiya
afartii sano ee la soo dhaafay gaartay 600%,
taaso Itoobiyo ka dhigtay dowladda ugu
deeq-helista badan Afrika. Sidaa daraadeed
waxaa ururkani gudoonsiiyen warqad cabasho
ah xafiiska Raa'isulwasaaraha. Si kastaba ha
ahaatee gunaanadkii banaanbaxa ayaa dhamaan
dadkii halkaa isugu soo baxay ka muuqatay
qiiro iyo xamaasad ku dheehan tahay, balse
waxaa is weydiin mudan dowlada Ingiriisku
cabashada dadyowgan soo banaan baxay dheg
iyo jalaq ma usiin doontaa!
::>>
See Demo Pics here
Saciid Cawil Isxaaq
Saxafi Madaxbanaan
London |
|
|
|
|