Chat 

Forum

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Qarax aad u weyn oo xalay ka dhacey Magaalada Jigjiga

Jan 13, 2008 War hada naga soo gaadhey Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in xalay markey saacadu ahayd 8:30PM fiidno xiliga Jigjiga qarax aad u weyni ka dhacey guri u degenaa Sargaal Tigrea ah.

Sida warku sheegayo qaraxaas ayaa waxa uu baabi'iyey dhamaan dhismihii guriga, waxaana halkaas oo ay ku dhinteen Gabadh iyo nin marti u ahaa oo is dhalay iyo cilyaalkiii ninka Sargaalka ah u dhaley, waxaana koma ku jira Sargaalkii Tigreaga ahaa iyo xaaskiisii oo Isbataalka loola cararay.

Hadaba falkan waraxa ah kadib ayaa waxaa magaalada lagu soo daayey ciidan aad u tiro badan kuwaas oo baadhis kula kaca magaalada, iyaga oo qofkii anaan haysan waraaqaha aqoonsiga ka qaadayey lacag laaluush a oo dhan 10 riyaal. Ciidamadan ayaa toogadsho ku diley dameer fadhiyey meel u dhow goobtii falku ka dhacey.

Dhinaca kale, waxaa saaka shir loogu qabtey Iskuulka Xuseen Giire dadkii degenaa xaafada qaraxu ka dhacey, halkaas oo loogu hanjabey "ninkii qof marti geliya oo aanan soo diiwaan gelin wuxuu la mid yahay nabad diid"

Shirkan oo uu gudoominayey Wolde Adwa oo ah wakiilka Itoobiya ee Ogadeniya ayaa waxaa isna ka hadley duqam Magaalada Jigjiga Yuusuf Sh. Cabdi Gangaale, kaas oo hadalo aad u xun-xun goobtaas uga soo jeediyey dadkii shacabka ahaa ee qasabka lagu soo shiriyey. Shirkan aya awxaa dadweynaha uga turjumayey ninka Tigrea aha nin lagu magacaabo Sh. Maxamed Dheere.

Qaraxan ama weerarkan ayaa ah midkii 3aad ee loo geysto saraakiisha Tigreaga iyo sirdoonkooda ku sugan magaaalada Jigjiga mudo ka yar laba bilood. Ilaa hada ma jirto cid sheegatey falalkan.

--Ogaden Online News
 
 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.