|
|
|
|
|
Maxaa
saldhig u ah guulaha ONLF? |
By Ali
Yare
Waxaa marag ma doonto ah in Jabhada Wadaniga
Xoraynta Ogaadeenya ay guulo wax ku ool ah
oo la taaban karo ka soo hoyisay taliska
wayaanaha ee ku amarku taagleeya addis ababa
ilaa intii ay bilaabeen halganka hubaysan ee
ay kaga soo horjeedaan joogitaan maleeshiyo
qabiileedka Zenawi maqale ka soo uruuriyey
ay joogaan dhulka ogaadeenya.
Hase ahaatee inta aynaan bal isla qeexin
sababaha keenay inay ONLF horumarkan taabo
gal ah samayso ayaa waxan jeclaan lahaa bal
inaan dib u eegno aasaaskii jabhada wadaniga
xoriyad doonka ogaadeenya iyo waxyaalaha ay
kaga duwan tahay kuwii ka horeeyey iyada.
Sida dad badani ka war qabaan ONLF waxaa aas
aasay naftood hurayaal reer Ogaadeenya ah oo
qaar badan oo ka mid ahi ay wakhtigan
xaadirka ah hormuud ka yihiin dhaqdhaqaaqa
hubaysan iyo midka siyaasadeed ee ka socda
ogaadeennya. Run ahaantii waxan odhan karaa
JWXO waa ururkii ugu horeeyey ee ka halgama
ogaadeenya ee aan dad kale dhismihiisa ka
qayb qaadan balse ka yimid fikirka dad u
dhashay gobolkaas taasina waxay noqotay
talaabadii ugu horeysay ee horseeda guulaha
ay hada ONLF hoos hadhsanayso waayo
shaqsiyaadkii fikirka lahaa waxay dhamaan
daacad ka ahaayeen ujeedada loo aas aasayey
ururkan iyaga oo si isku mid ah uga
danqanayey darxumada lagu hayo dadkooda iyo
iyaga oon dano gaar ah wadanin. Mida kale
waxay xor ka ahaayeen faragalin shisheeye oo
dibada uga timaada kuna qasta danaha ururka
midooda gaarka ah. Dad badan oo siyaada
geeska Africa wax ka qora ama u dhuun
daloola ayaa aaminsan in jabhadahii hore ay
dhaqaalo ahaan iyo siyaasad ahaanba hoos
iman jireen xukuumadahii soomaaliya ka talin
jiray, taasina ay markasta iska horkeeni
jirtay danaha soomaaliya iyo kuwa halkanka
ogaadeenya. Sidaa darteed ONLF waxay ka
timid fikir xor oo ay soo alifeen shaqsiyaad
ku abtirsada degankaas. Jabhadahii hore
waxay siyaasad ahaan hoos iman jireen
dawladdii soomaaliya, had iyo jeerna meesha
danta soomaaliya ku jirto ayaa jabhadana loo
jahayn jirey. Haddii soomaaliya go’aansato
in dhaqdhaqaaqa la kala diro waa la kala
diri jirey siddii dhacday sideetamaadkii ka
dib markay siyaad barre iyo mengistu
heshiiyeen. Mida kale waxay dhismihii ONLF
meesha ka saartey fikirkii ummad badan
shacabka ogaadeenya ka mid ahi ay
aaminsanaayeen ee ahayd inaanay kaligood
meel istaagi Karin, iyaga oo had iyo goor ku
dooda inaanay heleynin meel ay dhaawaca
gaystaan iyo meel ay dhaqaalo ka helaan iyo
weliba meel ay wax kala soo degaan haddii la
waayo taageerada soomaaliya.
Hadaba xubnihii aas aasay ONLF iyaga oo ka
dharagsan waxa dad badan oo reer ogaadeenya
ahi ay rumaysan yihiin ayaa waxay dhismaha
JWXO saldhig uga dhigeen afar qodob oo midba
midka kale fure u yahay kuwaas oo maanta
halku dhig u ah halganka ka socda
ogaadeenya.waana kuwan afarta qodob ee
dastuurka JWXO hadafkeedu ku salaysan yahay:
Midnimo
Isku tashi
Guul
Gobanimo
Midnimo
Iyada oo jabhadu ogtahay kana dharagsan
tahay inaan midnimo la’aan waxba suurto gali
Karin ayey ugu horeyntiiba waxay tiirka
koobaad u soo qaateen midnimo, waxayna ONLF
bilowday sidii ay u midayn lahayd
shacabkeeda meelkasta oo ay joogaan. Shacab
waynaha reer ogaadeenya oo muddo dheer
gumaysi cadow ah ku hoos jiray, loona kala
qoqobay qabiil qabiil iyo gobal gobal ayaa
midayntiisa waxay jabhadu kala kulan tahay
dhib. Hase ahaatee xoog iyo maskax badan ka
dib waxaa jabhada u suurto gashay inay isu
soo dhawayso ummadda ku dhaqan
ogaadeenya.wakhtigan xaadirka ahna waxaa la
odhan karaa ilaa 90% sidii loogu talo galay
buu qorshahaasi u fuley. Jabhadu waxay
abuurtay ururo bulsho iyo kuwo siyaasadeedba
kuwaas oo laga abuuray dhamaan daafaha
dunida. Ururadan waxaa loo xilsaaray sidii
ay u midayn lahaayeen bulshooyinka halkaas
ku dhaqan ee ka soo jeeda ogaadeenya.
Arintani waxay suuro galisay in dhamaan
bulshada reer ogaadeenya meelkasta oo ay
joogaan in uu
dareenkeeda siyaasadeed kobco, wax
qabadkoodana meel loo wada jaheeyo.
Ururadaasi waxay bulshada dareensiiyeen
inaan qolo qolo iyo kala qaybsanaan guul
lagu gaadhi Karin balse loo baahan yahay in
meel looga soo wada jeesto iska caabinta
cadowga.
Isku tashi
Isku tashi oo ah qodob aad muhiim ugu ah
halgan ogaadeenya ayaa runtii noqday midka
sida dhabta ah loogu guulaysay. Halgankan oo
ah halgan shacab ayaa ujeedada qodobkan loo
cuskayday baa waxay tahay in shacabka lagu
baraarujiyo inay isku tiirsadaan iskuna
tashadaan, iskana iloobaan inay meel kale
wax ka sugaan. Qogobkani wuxuu ka soo duxay
maahmaahda odhanaysa biyo sacabadaadaa
lagaga dhargaa. Aadamaha wax baahi tiri kara
ma jiro oon ka ahayn gacmahiisa iyo
muruqiisa. Hadaba tiirka ugu muhiimsan
tiirarka halganku ku fadhiyo waa in shacabku
muruqiisa, maalkiisa iyo maskaxdiisa isu
geeyo kana tanaasulo inuu meelo kale wax ka
sugo taasina waxay noqotay mid si fiican u
dhaqan gashay. Halganka ogaadeenya waa mid
shacab, taas macnaheedu waa mid ka yimid
shacabka dhexdiisa. Qoryaha lagu dagaalamayo
shacabka baa keeney inkasta oo mudadan dambe
hubka laga helo wayaanaha la laayey. Cadka
iyo caanaha waxaa laga keenaa shacabka.
Wiilasha iyo gabdhaha dagaalamaya
waxay ka yimaadaan shacabka. Dhankasta oo
laga eegaba halgankani waa mid shacab waana
midka keenay inuu maalinba maalinta ka
dambaysa sii xoogaysto waayo haddii aan
shacabku isku tashan aaminina ama qaadanin
fikirka isku tashi waxaa hubaal ah in ONLF
sida kuwii hore ay mar hore afka dhulka
galin lahayd. Nasiib wanaag halganka JWXO
waxaa majaraha u haya dadkii iska lahaa
waxaana taakulaynaya shacab waynaheeda.
Guul
iyo Gobanimo
Labadan qodob, Guul iyo Gobanimo oo iman
kara marka la helo midnimo iyo isku tashi
ayaa iyaguna ah kuwo saldhig looga dhigay
aas aaskii ama abuuritaankii ONLF. Marka la
guulaysto baa gobanimo la helaa sidoo kale
marka gobanimo la helo waa mar la guulaystay.
Hadaba jabhada ONLF waxay ku han wayn tahay
in guushu maalin dhow dhalan mar haddii ay
ku guulaysatay qodobada midnimo iyo isku
tashi. Horey looma arag ummad halgan dhab ah
hangantey oo guul dareysatey. Inta maanta
dunida guudkeeda ummad xor ah ku nool waxay
ka wada hoos baxeen gumaysi ama ha dhawaato
ama ha dheeraatee, xoriyadoodana waxay u
daadiyeen dhiig iyo dhidid. Sidoo kale waa
hubaal in maalin maalmaha ka mid ah shacab
waynaha ogaadeenya uu calan uu isagu iska
lee yahay hoos hadhsan doono, iskuna maamuli
sharaf iyo cisi.
Haddii aan dhismihii iyo aas aaskii JWXO
intaas ku soo koobno oo aan bal isla eegno
waxyaalaha sababay in ONLF ku guulaysato
halganka hubaysan iyo midka siyaasadeedba,
marka hore in ONLF wiiqdo nacabkeeda horumar
dhinac kasta ahna gaadho waxaa keenay, sida
xaqiiqadu tahay, dhowrkan qodob ee soo socda:
Alla aaminimo, tayada ciidanka ONLFoo ka
sareeya kuwo wayaanaha, isku kalsooni,
geesinimo, adkaysi, dulqaad, samir badni iyo
aqoonta dabeecada dhulka.
Alla aaminimo:
Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya waxaa
saldhig u ah guulaha ay ka soo hoyiso
maxaysatada kaligii taliye Zenawi alla
aamninimada ay illaahay aaminsan yihiin.
Waxay rumaysan yihiin in haddii ay dhintaan
ay shihiid yihiin, haddii ay cadowga dilaana
inay iyana shihiid yihiin waayo cadowga
wayaanuhu waa mid ku soo duulay dhulkooda
waana mid gardaro iyo awood sheegasho ku
jooga dhulka ogaadeenya. Waxay
ONLFxubnaheedu aaminsan yihiin inaanay
wakhtigii loo qoray dhaafaynin taasina waxay
meesha ka saaraysaa cabsi iyo calool
nugaylka. Waxay aaminsan yihiin in shaqsi
kasta ay waajib ku tahay inuu diintiisa,
dhulkiisa iyo dadkiisaba daafoco.
Tayada ciidanka:
Tayada ciidanka ONLF waa tiirka koobaad ee
keenay guulaha is daba jooga ah ee jabhadu
ka soo hoyisay maxaysatada wayaanaha. Ugu
horeyn Gabdhaha iyo Wiilasha qalabka sida ee
ONLF waa kuwo iskood isu keenay oo
rabitaankooda ku yimid uguna soo biiray
halganka halka maxaysatada wayaanaha la soo
qasbo qori afkiina lagu keeno. Jabhadu waa
mid loo dhamaystirey dhamaan wixii tababar
ciidan looga baahnaa oo dhan halka ciidamo
ku sheega Zenawi goobaha dagaalka lagu soo
shubo iyaga oon haba yaraatee aan xitaa sida
qoriga loo rido si fiican badhkood loo barin
waayo taliska Zenawi wuxuu dagaal kaga jiraa
gobo badan oo kala gadisan taasina uma
suurto galinayso inuu ciidankiisa si buuxda
u tababaro. Mooraalka ama niyada ONLF waa
mid aad iyo aad u sareeya halka kuwa
maxaysatadu uu aad u hooseeyo. Ciidamada
ONLF waa kuwo loo carbiyey inay naftooda
aaminaan halka kuwa wayaanaha loo carbiyey
inay faraha ciidankooda iyo awooda qalabka
wataan ay aaminaan. Wiilasha iyo
gabdhaha ONLF waa kuwo loogu talo galay inay
baahida, kulayl iyo dhaxantaba u adkaystaan
halka kuwo wayaanuhu aanay awoodin inay hal
habeen qadaan. Naftood hurayaasha ONLF waa
kuwo xaq ku dagaalamaya fahansana waxa ay u
dhimanayaan halka wayaanuhu aanu garanayn
ujeedada ay u dhimanayaan.
Qodobada kale ee ONLF u suurto galisay inay
in halgankeedu taabo galo oo uu cadowga
naafeeyo waa isku kalsoonida, geesinimada,
adkaysiga sida daalka , oonka, gaajada iyo
dhaxanta, samirka, dulqaadka iyo weliba
aqoonta degaanka. Halgamayaasha ONLF waa
kuwo samir illaahay ugu deeqay. Waxay balan
ku qaadeen inay u samaran dhibkasta oo soo
gaadha ilaa bulsho waynta soomaalida
ogaadeenya ay madax bannaani buuxda ka
gaadhsiinayaan. Isku kalsoonida iyo
geesinimaduna waa arimaha kale ee ONLF
gaarka u lee dahay, shaqsiga kaliya ee ONLF
ha ahaado gabadh ama wiile wuxuu u bardhigi
kara 100 wayaane ah, taasina waa sababta
keentey in goobkasta maxaysatada wayaanaha
lagaga gacan sareeyo tiro kasta oo ay yihiin
iyo qalabkasta oo ay wataanba.
Hadaba isku soo duuboo waxyaalaha horseeday
guulaha ONLF waa kuwa aan kor ku soo xusnay
iyo kuwa kale oon halkan lagu soo koobi
Karin, waana kuwo aan odhan karo waa lagu
faani karaa. Guulaha la taaban karo ee
maanta JWXO ay gaadhay waxaa ka mid ah inay
maxaysatada wayaahan dhabarka ka jabisay
kana dhigtey mid dhumay iyo mid dhaan raacay.
Waxaa kale oo ay ONLF gaadhsiisay Meles
Zenawi heer uu qaylo dhaan afka furto kuna
wardiyo sida tusbaxii magaca ONLF ka dib
markii uu u adkaysan waayey dharbaaxooyinka
naftood hurayaasha ONLF. Meles oo sida laga
wada war qabo caan ku ah kibir iyo isla
wayni ayaa mudo dheer afka ka dhawri jirey
magaca ONLF, isagoo weliba ku tilmaami jiray
nabad diid aan naf lahayn khatarna haba
yaraatee aan galin Karin taliskiisa, dhinaca
kalana indhaha ka daboolanaya qasaaraha
ciidamaddiisa looma ooyaanka ah ka soo
gaadhayey weerarada joogtada ah ee jabhada
xaq u dirirka ogaadeen.
Sikastaba ha ahaatee JWXO waxay Zenawi ku
qasabtay inuu khalkhalo oo meel laga jiro
garan waayo taasna waxaa markhaati u ah inuu
markuu u adkaysan waayey dagaalka geesiyada
ONLF inuu soomaaliya isku maqiiqo isaga oo u
jeedadiisu tahay inuu soo af jaro
dhaqdhaqaaqa xoriyad doonka ogaadeenya gaar
ahaan meelaha ay taakulada ka helaan.
Ujeedada soomaaliya uu Zenawi ugu duulayna
waxaa ugu waynaa , sida ay la ahayd isaga,
inuu ONLF xarumaha ay soomaaliya ku lee
dahay soo qabsado si aan dib dambe jahadaa
dagaal uga iman. Taasna waxaa markhaati ka
ah qudbadahii ciidamadiisu ka jeediyeen
qabri dahare ee ay ugu hanjabeen in reer
qabri dahare wiilashooda soo xareeyaan iyaga
oo weliba kabaha madaxa ku wada haddii kale
in la soo qaqaban doono. Waxay ku faaneen in
meelihii ay jabhadu gali jirtey in ciidamada
itoobiya qabsadeen, ONLFna aanay heli doonin
meel ay ku dhuuntaan ama gar gaar ka helaan.
Nasiib daro waxaa dhamaan beenoobay
riyooyinkii Zenawi ee ahayd in haddii uu
Soomaaliya qabsado in ONLF baabi’i doonto,
halganka gobonimo doonkuna halkaa ku hakan
doono hase ahaatee waxaa Zenawi u dhabowday
in meel aan meeshii ahayn uu cudurkiisa ka
raadiyey. Zenawi iyo kuwa dabaqoodhiga ah ee
beenta ugu sheekeeyaba waxaa la soo daristay
argagax iyo jaah wareer. Waxaa saddex
jibaarmay weeraraddii JWXO ay ku hayeen
maxaysatada saamo la luudka ah ee ka hawl
gala ogaadeenya iyo kuwa dhuuni qaatayaasha
ah ee dabo dhoonka u ah. Maanta Zenawi wuxuu
marayaa heer uu baarlamaanku sheegiisa ka
horbeeniyo guulaha ONLF isaga oo ku aamini
waayey kuwii uu horey beenta ugu dhiibi
jirey si ay saxaafada ugu sheegaan.
Gunaanadkii iyo gaba gabaddii, ONLF waxay
noqotay waabaryey, waa baryeyna cidu
shacabada kuma qarin karto. Meles na maanta
kursigiisu wuu gilgilanayaa, xaalkiisuna waa
neef gawracani geedo kama gudo. Mida kale
waxaa u cadaatay inaan ONLF soomaaliya ka
jirin balse ay dhinackasta ugu faaftay
gayiga ogaadeenya. Shacabka reer
ogaadeeniyana waxaa u cadaatay inay kaligood
istaagi karaan kuna dagaalami karaan
muruqooda, maskaxdooda iyo maalkoodaba.
By Ali Yare
Minnesota, USA
alyare2002@yahoo.com
June 29, 2008
|
|
|
|
|