Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
Radio Qoraxey
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Warbixin kooban: Xaalada Arimaha Gudaha iyo Siyaasada ee Itoobiya


Marka laga duulayo hanaanka lagu yaqaanno dawladda wanaagsan oo ah ku salaysnaanta doonista shacabka iyo qanacooda. Waxaa si shaki la’aan ah afka loogu
ballaadhin karaa in dawladda maanta ka dhisan Itoobiya ay lumisay isku hallayntii iyo kalsoonidii ay shacabkeedu ku qabeen. Shacabka Itoobiyaanka ah oo aan caado u lahayn inay horay uga gil-gishaan maamul-xumo iyo cadaadis ay dawladahoodu kula dhaqmayaan ayaa markii ugu horaysay taariikhdooda dhiidhiyay takoor iyo kala fogaansho taajirka iyo faqiirka u dhaxeeya oo loogu danynayo reerka yar ee xukunka haya iyo shaqsiyaadka ay xagga fikirka ka midaysanyihiin ee qowmiyadaha kale ka dhashay.

Kacdoonadaas looga soo hor jeedo ururka qabiilka Tigree yagleelay iyo dawladda uu dhisay oo soo if baxay labadii sano ee ugu dambaysay ayaa caddayn marag ma doonta ah u ah kala xiriir furashada dawladda Addis Ababa iyo shacabka ay u talinaysay. Kalsooni darada cilladda ku noqotay shaqada iyo dhismaha dawladdan ayaa sababaha keenay, waxaa ugu mihiimsan kuwan;
  • Isbaddal la’aanta siyaasadda iyo madaxda sare ee dawladda iyo ururka hogaamiya.

    Arinkani wuxuu sababay qanaca shacabka Itoobiya ee keenay gadoodka, iyagoo daalacday damaca qabiilka Tigree uu u weel samaystay inuu xukunka ku taagnaado illa mudo aan cayinayn.
     
  • Äf kabeensheega dastuurka [ereyada macaan ku xardhan ee] ay iyagu qoreen, oo ficilkoodu si wayn uga duwnayahay qoraalkooda marka la qiimayanayo.

    Madaxbanaanida qowmiyadaha ee arimaha maamulkooda iyo danaha u gaarka ah taasoo TPLF/EPRDF aysan ugu tagaynin qowmiyadaha [magaca kilil lagu sheego], haba yaraatee awooday kaga xaajoodaan, ku rog-rogaan, ku go’aansadaan,kuna fuliyaan arimahooda.Taas badalkeediina waxay Tigreegu ku qulaamiyaan shucuubta iyo qowmiyadaha ay u taliso, sida dantooda ah ama ay iyagu jecelyihiin laga bilaabo doorashada wakiilada, tan madaxwayne goboleedka iyo wasiirada, iyo unugta u hoosaysa ee maamul.
     
  • Isu dheellitirnaanta cadadka qowmiyadaha ama baaxadda dhulkooda, iyo qaybsiga awooda dawladda, heerka golaha wasiirada illaa darajooyinka ciidanka(booliska iyo militariga) iyo hay’adaha dawladda oo dhan.

    Xuquuqul insaanka iyo xiriirka u dhaxeeya dawladda iyo shacabka oo aan ahyn sida lagu dhigay dastuurkooda.Taas macnaheedu waxa weeye in dawladdu ula dhaqanto si adag qowmiyadaha kale(aan Tigreega ahayn) iyadoo aan qofka dilkiisa,xidhaygiisa,garaaciisa ama dhiciisa aan loosoo marin nidaam sharci u eg oo xataa lamid ah kii dawladdii millitariga ahayd.

    Isla xisaabtanka iyo kawar-qabka hawlaha dawladda oo aan gabi ahaanba jirin, taasoo shaki wayn galisay dadwaynaha ku hoos nool xukunka TPLF/EPRDF.
     
  • Sabab kale oo keentay kala tusoowga xukuumadda Addis Ababa iyo shacabka ay u taliso

    Caddaalad xumo baahsan oo lagula dhaqmay qoowmiyadaha iyo shaqsiyaadka dalkaas ku dhaqan. Iyadoo qofka Tigreega ah iyo qofka udhashay qoowmiyadaha kale aysan ku sinayn sharciga, shaqada, iskuulaadka, maamulka, ciidamada, dhaqaalaha, xurmada iyo fursadaha bini’aadmigu ku hamiyo oo dhan, waxayna caddaalad-xumadaasi gashay guri walba iyo xafiis walba oo Itoobiya ka dhisan (marka laga reebo qayb ahaan kuwa Tigreega), waxayna nac iyo cuqdad galisay qalbiga qof walba oo Itoobiyan ah (ganacsade, arday, shaqaale dawlo ama xoogsade).

    Iyadoo kamid ah caddaalad-xumada ayaa gaar ahaan arrimaha dhaqaaluhu ay yihiin qodobka ugu mihiimsan ee irdhada kala dhex dhigay xukuumadda TPLF iyo inta badan shacabka Itoobiya. Muwaadiniinta reerkani waxay heleen dib-u-dajin iyo maal-gelin kasoo maaxatay qabashadii xukunka dalka taasoo ay kusii korayeen lix-iyo-tobankii sano ee u dambeeyay, halka shacabka kale usii siibanayeen qotul-yoom la’aanta iyo nolol xumada, waxaa caddaatay in sharci walba iyo fursad walba oo ay dawladda iyo barlamaanku soo saaraan uu yahay mid ay ka faa’iidaystaan laguna naas nuujinayo dadka ku abtirsada qabiilka Tigreega. Haddaba badashada taajirnimo ee taajirka iyo hoos u dhaca faqiirnimo ee faqiirka oo lagu daray horumarka gobol ee Tigreega iyo horumar la’aanta gobollada kale ayaa door muhiim ah ka qaadanaya naca iyo kalsooni xumada uu shacabku u qaaday taliska jira,iyo dareenka xun ee kala galay.

    Arimahaas iyo kuwa kale oo badan ayaa ka dhigay dawladda Addis Ababa iyo shacabka dalkeeda, madax iyo minjo aan isku oolin, waxayna sababtay in xubnaha dawladda iyo hay’adahooduba ay il baqdineed iskaga eegaan guud ahaan shacabka Itoobiya aqlabiyaddiisa oo ay ka filanayaan ficillo ragaadinaya hawlahooda. Waxaa intaas u sii dheer kala shaki ka dhex jira inta wadda shaqooyinka dawladda oo ay ugu sii badanyihiin hay’adaha amniga qaabilsan ee booliska, militariga iyo mukhaabaraadka (sir-doonka).


    War bixintan kooban waxaa soo diiyaariyey Wariyaha Ogaden Online iyo Radio Xoriyo ee Gobolka Qoraxey bisha Aug 15, 2006

    Ogaden Online News

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.