|
Dadka Koonfur
Afrika waxay ka
kooban yihiin
saddex dabaqadoo
oo kala ah:-
1.
Dabaqadda sare:-waa
caddaan
asalkoodu kasoo
jeedo wadamada
Yurub,waana dad
ku horumaray
dhaqaalaha,oo
noloshooda iyo
macaamilkoodu ka
duwan yahay kan
afrika,
2.
Dabaqadda dhexe:-waa
dadka Loo
yaqaano Midabka
“Calour”,dadkaas
badankoodu
noloshoodu waa
heer dhexe,waxay
waligood
kuliilsane u
ahaayeen
caddanka oo
isagu ahaa
midkii talada
wadanka hayay
xiligii
Midab-takoorka.shaqooyinka
muhiimka ah oo
ay caddaanku ska
leeyihiin,wixii
kasoo hadha ayay
iyagu
qabtaan,waxaa
kale oo iyaguna
dabaqadaas
midabka ah kamid
ah,dad asalkoodu
madow ahaa,oo
Midab iska
dhigay xiligii
Midab-takoorka,kuna
hadla afka ay
caddaanka iyo
Midabku ku
hadlaan,ee loo
yaqaano
Africans iyo
dadka dadka
madowba.
3.
Dabaqada hoose:-waa
babaqadda loo
badan yahay,isla
markaasna ah dad
madow,dadkaas oo
laqiyaaso 70%
noloshoodu waa
mida ugu
liidata,xiligii
midab-takoorka
looma ogolayn
magaalooyinka
saacado kaban in
ay dhex
joogaan,oo waxaa
lagu karantiili
jiray meelo
Tuulooyin ah,oo
markaad fiiriso
si aad ah ugu
duwan
wadanka,xag
dhismo,xag
isgaadhsiineed
iyo nooc kasta
oo asaas u ahaa
bulshada.
Dadka madowga ah
qaybta ugu badan
oo ladhihi kari
waa 60%,isla
markaana uu ka
abuurmay ururka
hada talada
wadanka kaya ee
ANC (African
National
Congress) ,ayuu
si gaar ah
midab-takoorku
udilooday,hada
oo ay talada
wadanka iyagu
hayaana waxaa
ladhihi karaa
xaga maamulka
mooyee xag
dhaqaaleed wax
qumani iskama
badalin,waayo il
kasta oo dhaqale
ama cilmiba
waxay gacanta
ugu jirtaa
dadkii caddaanka
ahaa.
Hadaba dadka
Soomaalida ah ee
wadanka
tahriibka kusoo
galaya ayaa
waxay badankood
dukaamo ka
furtaan
Tuulooyinka
dadkaas madow ay
dagan
yihiin,waayo
ganacsigoodu
magaalooyinka
kama suurta
galayaan,hadii
tartanka
ganacsiga ee
magaalooyinka ay
ka qayb galaana
inta yarta ah ee
ay jeeblayaasha
kuyihiin ayaa
daadka ka
raacaysa.
Marka
tuulooyinka oo
ah melaha kaliya
ee ganacsigoodu
ku horumari karo
waa dhul
amaankiisa ay
dawladu xataa ka
xaal wayday oo
dambiyada ku
dhan
yihiin,inkasta
oo ay Soomaalidu
dukaamada ku
haytaan
bastoolado
hadana kama
badbaadi karaan
waxyeelo,sababtoo
ah qofkii aad
wax ka gadaysay
hadana isagii
iskama ilaalin
kartid.
Gobolada wadanku
oo isdhaamaan
midka ugu
khatarta badan
ee dadka
Soomaalida ah
lagu laayo ama
lagu dhoco waa
gobol
layidhaahdo
Eastern
Cape,waana
gobolka ay
Soomaalida ugu
badani joogto
kana
gacansato,gobolkaasi
waa gobolka ay
kunool yihiin
dadka unasab
sheegta ururka
ANC,ee
madaxwaynaha
wadanka iyo
Mandelaba ay ku
dhasheen.marka
nabad sugidda
iyo Booliska
gobolkaasi waxay
ubadan yihiin
madoow,kuwaasoo
hadayba falka
dhacay lakulmaan
aan wax uga
qabanaynin,sida
ninka aan
madowga ahayni
wax uga qabto.
Qolo gudi ay ka
dhigteen
Soomaalida
gobolkaas dagani
oo raad-raac
kusamaynaysay
dilka marxuum
magiciisa la
dhihi jiray C/Cuur
Muxumad Horar,oo
10 kii Bishii
April isagoo
dukaankiisa oo
tuulo
kuyaalagadanaya
gadaya amin fiid
ah 7 xabadood
lagu dhuftay
ayaa nin boolis
ah oo caddaan ah
oo oo u
xilsaarnaa
dabagalka
kiiskan,ayaa
markay gudidii
la kulantay waxa
uu usheegay,in
dadka Madoow ee
Gobolka dagani
boolis iyo
shacaba ay
neceen
Soomaalida,xataa
budhcadda aan
qab-qabto
markaan waydiiyo
sababta ay
ulaynayaa
Soomaalida waxay
dhahaan Waa ”Easy
target”mana
aha dad wixii la
gaadhsiyo sii
daba raacda oo
xaga dawlada
baadh kuleh,ee
iskaga guura
gobolka.
Soomaalida
tahriibka ku
imaanaysa oo
saan soo
sheegnay reer
miyi isaga
badan,hadana
isku biimeeyay
meel ay horay
uga quusteen
dadkii
Soomaalida ka
lacagta jeclaa
ee Hindida iyo
caddanka ahaa ma
aha kuwo
dhibaatadooda la
kaashada
dawlada,waxay
uun kaga kooban
tahay in marka
falku fulo ay
uyeedhaan
booliis,kadibna
intay wax ka
qoraan iska
noqda.dukaanka
wax lagu dilay
ee markaas cidii
lahayd way ka
guuri waxaana
isla markaaba
soo dagi qolo
dihin oo
Soomaali ah oo
kiraysan,isna
tii oo kale ay
barri
kudhici.gobpolada
dadka cadaanka
ahi ay dagan
yihiin ee
amaankiisa ay
faraha ku hayaan
way roon yihiin
oo xataa hadii
fal
dhoco,markaaba
dambi-baadhayaal
utababaran ayaa
gacanta kusoo
dhigaya cidii
falka gaysatay.
Sanadkii 2000
wixii ka
dambeeyay
Soomaalidu
tuulooyinka
mayna ka
ganacsan jirin
gobolkan dhibku
ku badan yahayna
way ku
yaraayeen,dhimashada
iyo dhucuna wuu
yaraa,intii ka
dambaysay e
Soomaalidu
gobolkaas ay
kusoo
badatay,uulooyinka
ay gashay
dilkoodu wuu
batay,dhimashadu
wixii ka
horeeyay
sanadkii 2000
waxay ahayd wax
kayar 10
ruux,laakiin
intii ka
dambaysay
inkastoo cid
diwaan gashatay
ay jirin waxay
ka badan yihiin
40 qof.
Dhaca dilka iyo
boobka lagu hayo
Soomaalida caadi
iska ahaa ayaa
waxaa hada kusoo
kordhay arin
kale oo aad
layaab uleh
taasoo ah,in
dukaanka qofka
Soomaaliga ahi
leyahay lagubo
amin saq-dhexe
oo habeenimo
ah,horay way
udhacday tanoo
kale oo 10kii
September 2003
waxaa isla
gobolka Eastern
Cape lagu gubay
dukamo aad
ubadan oo
Soomaaliyeed,oo
hal shayna
lagala
bixin,ayna ku
bas beeshay
hanti kabadan
$300,000.
16kii August
2004 ayaa goor
ay saacaddu
tahay 3.00 am (saq-dhexe)ee
habeenimo ayaa
dukaan ay
jiifaan labadii
wiil ee ka
shaqaynayay
afarta dhinac
dab lagaga
shiday,way
hurdeen oo dabku
intuu fududaa
mayna
daremin,waxay ku
baraarugeen goor
dabkii meel
walba uu is
qabsaday,markaasaa
waxay garan
waayeen meel ay
ka baxaan,waxay
waxba la arki
waayeen qiiqii
iyo hufadii oo
xataa labadoodii
ay isu muuqan
waayeen, markaas
iyada ah ma
garanayaan meel
albaabkii ahaa
iyo meel daaqadi
ahaydba amin
dambe oo ay
bislaadeen ayuu
midi meel
gacantu uu
gashay oo isku
miiq-miiqay oo
si silic markii
dambe uga wada
dhex baxay,kii
kalena sidaas oo
kale ayuu
yeelay.waxayna
banaanka oo dad
badani ay tuban
yihiin ayay mudo
ku miyir
la’aayeen,iyagoo
qaawan.markay
miyirsadeena
waxaa soo qaaday
booliskii oo
markaas goobta
yimid,mid kamid
ah labadii waxaa
hadaladiisii ka
mid ahaa waxaa
sii xusuustaa
markaan baanka
uga soo baxay
dabkii ayaa
waxaan arkayay
hilibkii
Chickenka (Digaaga)
ahaa ee aan
gadaynay ee
qaboojiyaha
kujiray oo dubay
oo lakala
biibayo lawada
cunayana.
Isla bishaas
August 24keedii
ayaa waxaa
ladilay nin la
yidhaahdo c/shakuur
Sheekh Xasan oo
lagu dhuftay
labo xabadood
isagoo
dukaankiisii
iska gadanaya oo
isla markiiba
naf baxay.
26kii waxaa
iskumar lawada
toogtay labo nin
oo lakala
yidhaahdo
1.
Cabdi Daahir
Kolay2.
C/Qaadir Shiil
Hase ahaatee
waxay markiiba
ka takarisay C/Qaadir,ninka
kalena waxa uu
noqday dhaawac
culus.
Isla maalintaas
ay taariikhdu
tahay 26kii
August waxaa
waxaa labada
lugood xabbad
lagaga dhuftay
nin layidhaahdo
Maxamad Macalin
yuusuf,ilaa
hadana waa
dhaawac.
Bishan September
01-deedii ayaa
waxaa isagana
xabbad lagu
dhuftay Tamaan
maxamad Aadan,oo
isna ilaa iyo
hada ulo ku
luudaya.
Labo bari kadib
03-deedii ayaa
isla meeshii
hore ee dukaanka
laga gubay mid
kale oo udhow oo
oo Soomaali ay
leedahay ayaa
sidii kii hore
waxaa amin 03.00
(saq-dhexe) ah
laqabadsiyay
dab,waxayna
baraarugeen goor
talo ayna faro
kujirin,iyagiina
meel yar ayaa
ilaahay usahlay.
Tuuladaas
dukaamada lagu
gubay ayaa
07-dii September
waxaa la boobay
dukaan ay lahayd
haweenay oo aan
shayna lagu
reebin.
Habeenimadii
Axadda ee ay
taariikhdu ahayd
12kii September
ayaa waxaa
rasaas oodda
lagaga qaaday
dukaan waxayna
xabbadaihii labo
kamid ahi meel
halis ah ka
haleeleen alla
ha unaxariitee
Aadan Mawliid,oo
la aasay shalay
oo Isniin ahayd.
Labada saacadood
ee isku xigta
ayaa midi
dhiillo
tahay,mida kale
waxaa hubaal ah
dadka wadanka
lihi way isku
guubaabiyaan
naca iyo
hiifidda
Soomaalida,wayna
kasiman
yihiin,ninku
isagoo qoriga
kugu haya ayuu
hadana
kuleeyahay (My
friend)
Waxaa intaas
dheer oo dadka
K/afrikaanka ahi
siiba dadka
madow ayna
qarsanaynin naca
ay uqabaan
Soomaalida,oo
meel walba ay la
taagan yihiin
hiifid iyo iyo
cayda ay
Soomaalida ku
caayaan oo ah (Kuwara-Kuwaara)
oo kalmad ay
Soomaalida ku
cayaan.
Mida wadammo
badan oo Afrika
ah ayaa qaxooti
ahaan kujooga
wadanka,sababta
ugu wayn ee
keentay in
Soomaalida la
takooro waxaa
weeye sida
jinsiyadaha kale
ma aha kuwo
dhexgalay oo ka
guursaday dadkii
wadaniga
ahaa,marka in
Soomaalidu ay
tahay naac
midab-takoorkii
kamid ah ayay is
tuseen.
Nasiib-daradajirta
ayaa waxay tahay
meesha saas
loogu dhamaanayo
ayay hadana
dadkii kusoo
qulqulayaan,oo
waxaaba laga
yaabaa nin la
dhaawacay oo
khatarta meeshu
ay leedahay Ogi
in uu walaalkii
ama inaadeerkii
oo Afrikada bari
jooga soo qaado.
Dadka Soomaalida
ah ee wax
layeelayo 85%
waxa ay yihin
dad u dhashay
dhulka
Ogaadeenya
Muufo Galadiid
muufogaladiid93@hotmail.com
Sept 15, 2004 |