Chat 

Forum

Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
Radio Qoraxey
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

 

 


 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Today's News Sept 15, 2004

DHIBAATOOYINKA DADKA SOOMAALIDA AH KU HAYSTA WADANKA KOONFUR AFRIKA

Dadka Koonfur Afrika waxay ka kooban yihiin saddex dabaqadoo oo kala ah:-

1.  Dabaqadda sare:-waa caddaan asalkoodu kasoo jeedo wadamada Yurub,waana dad ku horumaray dhaqaalaha,oo noloshooda iyo macaamilkoodu ka duwan yahay kan afrika,

2.  Dabaqadda dhexe:-waa dadka Loo yaqaano Midabka “Calour”,dadkaas badankoodu noloshoodu waa heer dhexe,waxay waligood kuliilsane u ahaayeen caddanka oo isagu ahaa midkii talada wadanka hayay xiligii Midab-takoorka.shaqooyinka muhiimka ah oo ay caddaanku ska leeyihiin,wixii kasoo hadha ayay iyagu qabtaan,waxaa kale oo iyaguna dabaqadaas midabka ah kamid ah,dad asalkoodu madow ahaa,oo Midab iska dhigay xiligii Midab-takoorka,kuna hadla afka ay caddaanka iyo Midabku ku hadlaan,ee loo yaqaano Africans iyo dadka dadka madowba.

3.  Dabaqada hoose:-waa babaqadda loo badan yahay,isla markaasna ah dad madow,dadkaas oo laqiyaaso 70% noloshoodu waa mida ugu liidata,xiligii midab-takoorka looma ogolayn magaalooyinka saacado kaban in ay dhex joogaan,oo waxaa lagu karantiili jiray  meelo Tuulooyin ah,oo markaad fiiriso si aad ah ugu duwan wadanka,xag dhismo,xag isgaadhsiineed iyo nooc kasta oo asaas u ahaa bulshada.

Dadka madowga ah qaybta ugu badan oo ladhihi kari waa 60%,isla markaana uu ka abuurmay ururka hada talada wadanka kaya ee ANC (African National Congress) ,ayuu si gaar ah midab-takoorku udilooday,hada oo ay talada wadanka iyagu hayaana waxaa ladhihi karaa xaga maamulka mooyee xag dhaqaaleed wax qumani iskama badalin,waayo il kasta oo dhaqale ama cilmiba waxay gacanta ugu jirtaa dadkii caddaanka ahaa.

Hadaba dadka Soomaalida ah ee wadanka tahriibka kusoo galaya ayaa waxay badankood dukaamo ka furtaan Tuulooyinka dadkaas madow ay dagan yihiin,waayo ganacsigoodu magaalooyinka kama suurta galayaan,hadii tartanka ganacsiga ee magaalooyinka ay ka qayb galaana inta yarta ah ee ay jeeblayaasha kuyihiin ayaa daadka ka raacaysa.

Marka tuulooyinka oo ah melaha kaliya ee ganacsigoodu ku horumari karo waa dhul amaankiisa ay dawladu xataa ka xaal wayday oo dambiyada ku dhan yihiin,inkasta oo ay Soomaalidu dukaamada ku haytaan bastoolado hadana kama badbaadi karaan waxyeelo,sababtoo ah qofkii aad wax ka gadaysay hadana isagii iskama ilaalin kartid.

Gobolada wadanku oo isdhaamaan midka ugu khatarta badan ee dadka Soomaalida ah lagu laayo ama lagu dhoco waa gobol layidhaahdo Eastern Cape,waana gobolka ay Soomaalida ugu badani joogto kana gacansato,gobolkaasi waa gobolka ay kunool yihiin dadka unasab sheegta ururka ANC,ee madaxwaynaha wadanka iyo Mandelaba ay ku dhasheen.marka nabad sugidda iyo Booliska gobolkaasi waxay ubadan yihiin madoow,kuwaasoo hadayba falka dhacay lakulmaan aan wax uga qabanaynin,sida ninka aan madowga ahayni wax uga qabto.

Qolo gudi ay ka dhigteen Soomaalida gobolkaas dagani oo raad-raac kusamaynaysay dilka marxuum magiciisa la dhihi jiray C/Cuur Muxumad Horar,oo 10 kii Bishii April isagoo dukaankiisa oo tuulo kuyaalagadanaya gadaya amin fiid ah 7 xabadood lagu dhuftay ayaa nin boolis ah oo caddaan ah oo oo u xilsaarnaa dabagalka kiiskan,ayaa markay gudidii la kulantay waxa uu usheegay,in dadka Madoow ee Gobolka dagani boolis iyo shacaba ay neceen Soomaalida,xataa budhcadda aan qab-qabto markaan waydiiyo sababta ay ulaynayaa Soomaalida waxay dhahaan Waa ”Easy target”mana aha dad wixii la gaadhsiyo sii daba raacda oo xaga dawlada baadh kuleh,ee iskaga guura gobolka.

Soomaalida tahriibka ku imaanaysa oo saan soo sheegnay reer miyi isaga badan,hadana isku biimeeyay meel ay horay uga quusteen dadkii Soomaalida ka lacagta jeclaa ee Hindida iyo caddanka ahaa ma aha kuwo dhibaatadooda la kaashada dawlada,waxay uun kaga kooban tahay in marka falku fulo ay uyeedhaan booliis,kadibna intay wax ka qoraan iska noqda.dukaanka wax lagu dilay ee markaas cidii lahayd way ka guuri waxaana isla markaaba soo dagi qolo dihin oo Soomaali ah oo kiraysan,isna tii oo kale ay barri kudhici.gobpolada dadka cadaanka ahi ay dagan yihiin ee amaankiisa ay faraha ku hayaan way roon yihiin oo xataa hadii fal dhoco,markaaba dambi-baadhayaal utababaran ayaa gacanta kusoo dhigaya cidii falka gaysatay.

Sanadkii 2000 wixii ka dambeeyay Soomaalidu tuulooyinka mayna ka ganacsan jirin gobolkan dhibku ku badan yahayna way ku yaraayeen,dhimashada iyo dhucuna wuu yaraa,intii ka dambaysay e Soomaalidu gobolkaas ay kusoo badatay,uulooyinka ay gashay dilkoodu wuu batay,dhimashadu wixii ka horeeyay sanadkii 2000 waxay ahayd wax kayar 10 ruux,laakiin intii ka dambaysay inkastoo cid diwaan gashatay ay jirin waxay ka badan yihiin 40 qof.

Dhaca dilka iyo boobka lagu hayo Soomaalida caadi iska ahaa ayaa waxaa hada kusoo kordhay arin kale oo aad layaab uleh taasoo ah,in dukaanka qofka Soomaaliga ahi leyahay lagubo amin saq-dhexe oo habeenimo ah,horay way udhacday tanoo kale oo 10kii September 2003 waxaa isla gobolka Eastern Cape lagu gubay dukamo aad ubadan oo Soomaaliyeed,oo hal shayna lagala bixin,ayna ku bas beeshay hanti kabadan $300,000.

16kii August 2004 ayaa goor ay saacaddu tahay 3.00 am (saq-dhexe)ee habeenimo ayaa dukaan ay jiifaan labadii wiil ee ka shaqaynayay afarta dhinac dab lagaga shiday,way hurdeen oo dabku intuu fududaa mayna daremin,waxay ku baraarugeen goor dabkii meel walba uu is qabsaday,markaasaa waxay garan waayeen meel ay ka baxaan,waxay waxba la arki waayeen qiiqii iyo hufadii oo xataa labadoodii ay isu muuqan waayeen, markaas iyada ah ma garanayaan meel albaabkii ahaa iyo meel daaqadi ahaydba amin dambe oo ay bislaadeen ayuu midi meel gacantu uu gashay oo isku miiq-miiqay oo si silic markii dambe uga wada dhex baxay,kii kalena sidaas oo kale ayuu yeelay.waxayna banaanka oo dad badani ay tuban yihiin ayay mudo ku miyir la’aayeen,iyagoo qaawan.markay miyirsadeena waxaa soo qaaday booliskii oo markaas goobta yimid,mid kamid ah labadii waxaa hadaladiisii ka mid ahaa waxaa sii xusuustaa markaan baanka uga soo baxay dabkii ayaa waxaan arkayay hilibkii Chickenka (Digaaga) ahaa ee aan gadaynay ee qaboojiyaha kujiray oo dubay oo lakala biibayo lawada cunayana.

Isla bishaas August 24keedii ayaa waxaa ladilay nin la yidhaahdo c/shakuur Sheekh Xasan oo lagu dhuftay labo xabadood isagoo dukaankiisii iska gadanaya oo isla markiiba naf baxay.

26kii waxaa iskumar lawada toogtay labo nin oo lakala yidhaahdo

1.  Cabdi Daahir Kolay2.  C/Qaadir Shiil

Hase ahaatee waxay markiiba ka takarisay C/Qaadir,ninka kalena waxa uu noqday dhaawac culus.

Isla maalintaas ay taariikhdu tahay 26kii August waxaa waxaa labada lugood xabbad lagaga dhuftay nin layidhaahdo Maxamad Macalin yuusuf,ilaa hadana waa dhaawac.

Bishan September 01-deedii ayaa waxaa isagana xabbad lagu dhuftay Tamaan maxamad Aadan,oo isna ilaa iyo hada ulo ku luudaya.

Labo bari kadib 03-deedii ayaa isla meeshii hore ee dukaanka laga gubay mid kale oo udhow oo oo Soomaali ay leedahay ayaa sidii kii hore waxaa amin 03.00 (saq-dhexe) ah laqabadsiyay dab,waxayna baraarugeen goor talo ayna faro kujirin,iyagiina meel yar ayaa ilaahay usahlay.

Tuuladaas dukaamada lagu gubay ayaa 07-dii September waxaa la boobay dukaan ay lahayd haweenay oo aan shayna lagu reebin.

Habeenimadii Axadda ee ay taariikhdu ahayd 12kii September ayaa waxaa rasaas oodda lagaga qaaday dukaan waxayna xabbadaihii labo kamid ahi meel halis ah ka haleeleen alla ha unaxariitee Aadan Mawliid,oo la aasay shalay oo Isniin ahayd.

Labada saacadood ee isku xigta ayaa midi dhiillo tahay,mida kale waxaa hubaal ah dadka wadanka lihi way isku guubaabiyaan naca iyo hiifidda Soomaalida,wayna kasiman yihiin,ninku isagoo qoriga kugu haya ayuu hadana kuleeyahay (My friend)

Waxaa intaas dheer oo dadka K/afrikaanka ahi siiba dadka madow ayna qarsanaynin naca ay uqabaan Soomaalida,oo meel walba ay la taagan yihiin hiifid iyo iyo cayda ay Soomaalida ku caayaan oo ah (Kuwara-Kuwaara) oo kalmad ay Soomaalida ku cayaan.

Mida wadammo badan oo Afrika ah ayaa qaxooti ahaan kujooga wadanka,sababta ugu wayn ee keentay in Soomaalida la takooro waxaa weeye sida jinsiyadaha kale ma aha kuwo dhexgalay oo ka guursaday dadkii wadaniga ahaa,marka in Soomaalidu ay tahay naac midab-takoorkii kamid ah ayay is tuseen.

Nasiib-daradajirta ayaa waxay tahay meesha saas loogu dhamaanayo ayay hadana dadkii kusoo qulqulayaan,oo waxaaba laga yaabaa nin la dhaawacay oo khatarta meeshu ay leedahay Ogi in uu walaalkii ama inaadeerkii oo Afrikada bari jooga soo qaado.

Dadka Soomaalida ah ee wax layeelayo 85% waxa ay yihin dad u dhashay dhulka Ogaadeenya

 

Muufo Galadiid
muufogaladiid93@hotmail.com
Sept 15, 2004

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.