Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
Radio Qoraxey
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

LABO NIN OO LAGU DILAY MAGAALADA CAPE TOWN


Aug 20, 2006 Xalay oo Axad ahayd goor saacaddu ay ahayd 10:00 fiidnimo ayaa waxaa Magaalda Cape Town lagu dilay labo nin oo Soomaali ah oo lagu kala magacaabo
  1. Sugoow Saalax Coloow (Mulkiilihii dukaanka dilku ka dhacay)
  2. Siyaad Shukri Macallin (Shaqaale ka ahaa dukaanka)

Labadaas nin oo ilma adeer ahaa ayaa tuugadii dilka gaysatay, waxay ugu horayn isu qaybiyeen labo qaybood, qaybi waxay aaday Mulkiilaha dukaanka oo markaas dukaanka ka baxay, oo u socda gurigiisa oo uu Aroosku ahaa, qaybtii kalena waxay galeen dukaankii.

Marka qoladii mulkiilaha aaday waxay oodda ooga qaadeen xabbad, waxayna laba xabbadood kaga dheceen qadaadka iyo meel kale. Sidaasna ku naf waayay.

Kuwii dukaanka galay ayaa iyaguna waxay isla markiiba dileen wiilkii shaqaalaha ahaa ee aan magiciisa kor kusoo sheegnay. Waxayna qaateen wixii lacag ahaa ee taalay.

Iyadoo uu xaal halkaas marayo ayaa dadkii u yimid maydka, oo kor taagan maydkii waxaa yimid booliskii, waxayna damceen in ay qaadaan Maydadkii oo caado u ah boolisku in maydka la tagaan.

Hase ahaatee dadkii Soomalida ahaa ee maydka la joogay ayaa diiday, waxaana oodda looga qaaday xabbad, waxaana halkaas ku dhaawacmay labo nin oo lagu kala magacaabo.

C/laahi Miraad Nuur
C/khaddar Bashiir Sheekh-Cabdi


Dalka Koonfur Afrika oo ka mid ah wadamada ay Soomalidu u qaxdey, ayaa waxaa aad loogu dilaa dadka Soomaalida ah, iyadoo bilihii la soo dhafey ay xad dhaaf noqotey dilalka loo geysto dadka Soomaalida ah.

Ogaden Online News


Akhriso Warbixintan la xiriirta Koonfur Afrika oo aan diyaariney Sept 15, 2004

 

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.