Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
Radio Qoraxey
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Wararka Radio Xoriyo ee Maanta Sept 19, 2006

  • Jaaliyada Ogaadeenya ee Minnesota oo kulan wayn isugu timid.

  • Gabdho lagu xidhxidhay magaalada Jigjiga

  • Haweenka Ogaadeenya ee Ohio oo shir wayn isugu yimid.

  • Qarax dad ku dhintay oo Addis Ababa ka dhacay.

  • Jannaraalo sarsare oo ka soo goostay ciidammada gumaysiga Itoobiya.

  • Unugta JWXO ee Leicester-Uk oo shir balaadhan isugu timid.

  • Barnaamijkii kadeedka gumaysiga iyo Go,aanka geesiga(Q3aad).

Jaaliyada Ogaadeenya ee Minnesota oo kulan wayn isugu timid.

Xubnaha Jaaliyada Ogaadeenya ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa maalintii ahayd isugu timid kulan wayn oo ka qayb qaateen dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Ogaadeenya, taasoo lagu qabtay fagaare wayn oo ku yaalla badhtamaha magaalada Meniapoles.

Xafladdan waxaa loogu talagalay inay isku bartaan qaybaha kala duwan ee buslhada Ogaadeenya ee gobolkaasi ka kooban tahay, isla markaana ay ka wada tashadaan arrimo la xidhiidha halganka xornimo doonka ah ee ka socda dalka Ogaadeenya ee JWXO ma-jaraha u hayso.

Dadwaynihi xafladdan ka soo qayb galay ayaa muujiyay farxad wayn oo la xidhiidha guulaha is-dabajoogga ah ee ciidammada xoreynta Ogaadeenya ka soo hoyiyeen ciidammada gumaysiga Itoobiya iyo guul darradii ay badeen ciidammadii saama la-luudka ahaa ee Meles u soo diray inay hawlgal millatari ka fuliyeen dalka Ogaadeenya, kuwaasoo al baday guul darro iyo jab ayna marna ka soo waaqsan doonin.

Madashii xafladdaasi ka dhacday waxaa ka hadlay oday dhaqameedyo iyo dad indheergarad ah oo u dhashay dalka Ogaadeenya, kuwaasoo bulshada ku guubaabiyay in si aan hagar lahayn la isu garab istaago halganka xaqa ah ee JWXO kula jirto gumayisga Itoobiya, isla markaana adkaysi iyo dulqaad loo yeesho, lagana dhiidhiyo dhibaatooyinka ay ciidammada gumaysigu hadh iyo habayn u gaysanayaan dadwaynaha Ogaadeenya.

Dadwaynihii xafladdaas isugu yimid ayaa isku dhaarsaday inay hiil iyo hooba la garab istaagaan halganka xaqa ah ee JWXO hormuudka ka tahay, inay ilaaliyaan midnimada iyo isku duubnaanta dadwaynaha Ogaadeenya iyo in caalamka loo bandhigo xadgudubyada iyo dhibaatooyinka bani’aadamnimada ka baxsan ee xukuumadda Itoobiya ku hayso dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya.

Gabdho lagu xidhxidhay magaalada Jigjiga.

Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in habaynimadii axaddu soo galaysay ay ciidammada Gumaysiga Itoobiya ku xidhxidheen magaalada Jigjiga seddex gabdhood oo walaalo ah, kuwaasoo lagu kala magacaabo;
1- Rooda Axmed Ayjeex
2- Shukri Axmed Ayjeex
3- Raxma Axmed Ayjeex

Ciidammada Gumaysiga Itoobiya ayaa kordhiyay dilka iyo xadhigga ay u gaystaan dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya, ka dib ay ku guul darraysteen hawlgalkii millatari ee ku wajahnaa ciidammada xoreynta Ogaadeenya ee xukuumadda Itoobiya ka billowday dalka Ogaadeenya daba-yaaqadii biishii Abril.

Ma jiraan wax dambi ah oo ay gabdhahan ku mutaysteen xabsiga loo taxaabay, waxaana gurigooda laga soo qabqabtay iyagoo hurda.

Haweenka Ogaadeenya ee Ohio oo shir wayn isugu yimid.

Haweenka Ogaadeenya eek u dhaqan gobolka Columbus, Ohio, ayaa shir wayn isugu yimid, kaasoo ay ka soo qayb galeen dumar aad u badan iyo masuuliyiin ka tirsan JWXO.

Shirkan, ooh al-ku-dhaggiisu ahaa, “La ooy haweenka iyo carruurta Ogaadeenya” waxaa lagu lafa-guray dhibaatooyinka kala duwan ee gumaysigu u gaysto dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay qadiyada Ogaadeenya iyo halganka xaqa ah ee ka socda dalka Ogaadeenya ee JWXO hormuudka ka tahay.

Shirkaas waxaa ka hadlay oo warbixino kala duwan ka soo jeediyay masuuliyiin JWXO oo ka kala tirsan guddiga fulinta iyo golaha dhexe ee JWXO, kuwaasoo ka warbixiyay arrimo kala duwan oo halganka la xidhiidha iyo guulaha laga gaadhay dagaalka hubaysan ee lagula jiro ciidammada gumaysiga Itoobiya.

Waxaa shirkaas ka soo baxay go’aamo la xidhiidha sidii loo xoojin lahaa taageerada loo fidiyo halganka Ogaadeenya, waxaana la isku dhaarsaday in la is-garab taago halganka ay JWXO hormuudka ka tahay oo la kordhiyo taageerada dhinac walba ah ee loo gaysto.

Qarax dad ku dhintay oo Addis Ababa ka dhacay.

Qarax wayn ayaa maalintii jimcaha ahayd ka dhacay magaalada Addis Ababa, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan seddex qof, mid kalana uu ku dhaawacmay. Booliska xukuumadda Meles ayaa sheegay in qaraxani uu dhacay, ka dib markii uu boolisku weeraray afar nin oo bombo samaynayay, iyadoo weerarkaas ay seddex ku dhinteen, mid kalana dhaawac lagu qabtay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay inay qaraxaas ka denbaysay. Qaraxani wuxuu ugu denbeeyay qaraxyo badan oo magaalada Addis Ababa ak dhacay, kuwaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan toddoba qof tan iyo bishii Maarso ee sannadkan.

Booliska gumaysiga Itoobiya ma aanuu sheegin hal qof uu qaraxyadaas u qabtay, hase yeeshee wuxuu dhammaantood ku eedeeyay inay ka denbaysay dawlada Eritereya, balse ma jiraan wax caddaynaya in Eritereya ka denbayso qaraxyada soo noqnoqonaya ee Addis Ababa ka dhaca.

Jannaraalo sarsare oo ka soo goostay ciidammada gumaysiga Itoobiya.

Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa u muuqda kuwa kala dhaqaaqaya oon lahayn nidaam iyo kala danbayn ciidan, iyadoo ay ugu wacan tahay nolol xumada iyo raja darrada oo si wayn ugu dhex faafsan ciidammada Itoobiya.

Toddobaadkii hore waxaa ciidammada Itoobiya ka soo baxsaday oo ku biiray Jabhadda Xoreynta Oromiya OLF birgaydh jannaraal Hailu Gonfa, oo ka mid ahaa taliyayaasha ciidammada Itoobiya iyo kornayl Gemechu Ayana, oo isaguna ahaa taliyaha qaybta siddeedaad ee ciidammada Itoobiya.

Labadan sargaal ayaa sheegay in taliska TPLF ee kaligii taliska ahi uu isku dayayo inuu cagta saaro kacdoonka ay wadaan dadwaynaha Itoobiya, sidaas darteed ay dhibaatadii dadwaynuhu uun sii kordhayso haddii ay talis noocaas ah u sii adeegaan.

Waxay sidoo kale sheegeen inay Isbahaysiga Xorriyada iyo Dimuqraadiyada AFD u arkaan inuu yahay dariiqa kaliya ee lagu gaadhi karo xal u-helidda dhibaatada Itoobiya iyadoo la adeegsanayo wadaxaajood iyo is-afgarad lagu baddalo dagaalka iyo dhiigga daadanaya.

Unugta JWXO ee Leicester-Uk oo shir balaadhan isugu timid.

Maalinimadii axada ee ay taariikhdu kubeegnayd 17/09/006 ayaa waxaa shir si aada loosoo abaabulay isugu yimid xubnaha & taageerayaasha j.w.x.o ee gobalka laster ee wadanka ingiriiska shirkaas oo ay kasoo qayb galeen dad farabadan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada
ayaa waxaa looga hadlayay horumarinta& niyad samida loohayo halganka j.w.x.o shirkaas ayaa waxaa war bixin dheer kasoo jeedisay marwo; khaalisa ugaas mahad oo xubin katirsan golaha dhexe ee jabahada wadaniga xoraynta ogadenia khud badaas oo aykaga hadashay marxalada halganka jwxo marayo& waliba guulihii ugu dan beeyay ee c.x.o soo hoyiyeen bilihii ugu danbeeyay.

kadib waxaa isna qudabad dhinacyo badan taabanaysa kajeediyay madasha shirka gudoomiyaha unugta laster cali taahir nuur oo isaguna si waafi ah uga hadlay xaalada guud ee dalka ogadenia marayo & sida loo baahan yahay inaan uga qayb qaadano xaalada halgaka& dalkuba kusugan yihiin
ugu danbayn ayaa xubnihii halkaas isugu yimid oo ay kamuuqatay qiiro& farxad wadaniyadeeed balan qaadeen inayna ka daalayn taageerda ay uhayaan halgankooda xaqa ah isla markaana ay sii laban laabayaan tageerada halganka

Daraasad ku saabsan Ogaadenya oo ka dhacday
Jaamicadda Leiden, Holland


Shir lagaga hadlayay xaaladda bini’aadamnimo ee ka jirta dalka Ogaadenya ayaa lagu qabtay Jaamicadda Leiden eek u taalla dalka Holland. Shirkan waxaa si qabanqaabiyey ururka u dooda xuquuqda Ogaadenya ee loo yaqaano Ogaden Human Rights Committee (OHRC) laantiisa Holand iyaga oo la kaashanaya waaxda daraasaadka Africa (African Studies) ee jaamicadda iyo Proffessor Doornbos.

Daraasadaas ayaa loogu magac-daray “Somali Region in Ethiopia: Towords Peace and Justice” oo Af Somali ahaan ku noqonaya “Nabad iyo Caddaalad laga gaadho dhulka Soomalida Itoobiya(Ogadenya)”

Qodobadii kulanka laga wada xaajooday waxaa ka mid ahaa xaaladda xuquuqul insaanka, colaadaha qawmiyadaha ama beelaha ka dhex taagan, sida nabad loo abuuri karo, dac-darada haweenka iyo carruurta, xaaladda dhaqaale iyo bulsho, doorka hay’adaha samafalka iyo kaalinta ururada bulshadu ay ka qaadan karaan horumarinta Ogaadenya.

Waxaa halkaas warbixin ka soo jeediyey hay’adda Amnesty International oo ka warantay xaaladda xuquuqul insaanka ee ka jirta dalka Ogaadenya iyo sida ay dawladda Itoobiya ay ugu xad gudubto xuquuqda dadwaynaha guud ahaan Itoobiya gaar ahaana Ogaadenya.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Fowsiya Abdiqaadir oo ah gabadh u ololaysa xuquuqda dumarka iyo carruurta isla markaana ah madaxa xafiiska Ogaden Human Rights Committee (OHRC) ee Canada. Iyaduna waxay si buuxda uga warantay ku xad gudubka xuquuqda haweenka iyo carruurta dalka Ogaadenya.



19 September 2006.
Axmed Gaal-Eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.