|
Kulan ay
yeesheen xubnaha G/dhexe ee jwxo ee gudaha
Ogadenya.
Xubnaha Golaha Dhexe ee Jabhadda Waddaniga
Xoreynta Ogaadeenya ee ka hawlgala gudaha
Ogaadeenya ayaa kulan isugu yimid intii u
dhaxaysay 26 – 28 Dec. 2007. Kulankan waxay
xubnaha Golaha Dhexe ee guduhu ku qiimeeyeen
hawlaha kala duwan ee halganka Ogaadeenya.
Kulankan waxaa diiradda lagu saaray qodobbo
ay ka mid yihiin;
1- Is-badallada ka soo cusboonaaday gobolka
Geeska Afrika, gaar ahaan kuwa xidhiidhka
dhaw la leh halganka Ogaadeenya
2- Qorshayaashii ugu denbeeyay ee cadowgu
soo qaaday iyo jawaabihii uu ka bixiyay CWXO
iyo
3- Kor u-qaadista guud ahaan hawlaha
halganka Ogaadeenya.
Dood iyo falanqayn dheer ka dib wuxuu shirku
hoosta ka xarriiqay in si hufan oo la siman
loola saan-qaado is-badallada ka dhacaya
gobolka, isla markaana guulo la taaban karo
oo wax ku-ool ah laga soo hoyiyay
hawlgalladii uu cadowgu soo qaaday oo lagu
fashiliyay shirqoolladiisii.
Wuxuu shirku ku adkeeyay dhammaan hawl
wadeennada JWXO inay sii labanlaabaan
dadaalkooda hawl-fulineed, isla markaana ay
ka shaqeeyaan sidii loo sii horumarin lahaa
hawlaha halganka.
Wuxuu shirku u mahadceliyay CWXO ee jiidda
hore ee dagaalka oo ciidammada cadowga u
dhigay cashir lama illaawaan ah, isla
markaana ku sandulleeyay inay ka ekaadaan
goobohooda.
Shirku wuxuu sidoo kale ammaan iyo bogaadin
u soo jeediyay shacbiga ma-daalaha ah ee
Ogaadeenya, wuxuuna dhammaan qaybaha
bulshada ku ammaanay sida ay u gudanayaan
xilalkooda halgan iyo adkaysiga ay u
yeesheen cadaadiska iyo dhibaatada gumaysiga.
Jigjiga: Dad guryohooda lagala baxay oo
xabsiga loo taxaabay.
Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ayaa
sheegaya in habaynimadii sabtida ahayd dad
badan oo shacab ah guryohooda lagala baxay,
kuwaasoo ay askarta Wayaanuhu la tageen,
meel ay geeyeena aan la xaqiijin karin.
Dadkan waxaa ka mid ah;
1- Maxamed Sh Cabdi
2- Axmed Afyare
3- Axmed Ilka-case iyo
4- Maxamed Dhaga-wayne.
Maalmihii u denbeeyay waxaa xabsiyada
magaalada Jigjiga madax furasho lagaga sii
daayay dad maxaabiis ah oo badan, kuwaasoo
qofkiiba laga qaaday 3000 oo Biro o o mddax
furasho ah.
Dadkan madax furashada lagu sii daayay ayaa
ka mid ahaa dad shacab ahaa oo muddo dheer
xabsiyada ku jiray, waxaana oodda laga
qaaday iyadoo aan wax maxkamad ah la
horkeenin, balse laga qaatay lacago madax
furasho ah.
Hase yeeshee waxaa la xaqiijinayaa in
dadkaas madax furashada laga qaatay qaar ka
mid ah haddana xabsiyada lagu celiyay.
Jaaliyada Australia oo shir ku yeelatay
magaalada Perth.
Jaaliyada Ogaadeenya ee Galbeedka waddanka
Australia ayaa axaddii isugu timid shir
sannadeedkeedii oo sannadkan lahu qabtay
magaalada Perth.
Shirkan, oo xubno aad u fara badani ak sooq
ayb galeen, waxaa lagaga hadlayay
waxqabadkii Jaaliyada ee sannadkii 2007, iyo
hawlaha ay Jaaliyadu qaban doonto sannadka
2008.
Shirka waxaa warbixin dheer ka soo jeediyay
guddoomiyaha Unugta oo si faahfaahsan ugu
xogwarramay hawlihii ay Jaaliyadu qabatay
sannadkii 2007 iyo kaalinta ay ka qaadatay
hawlaha halganka Ogaadeenya. Guddoomiyuhu
wuxuu tilmaamay in Jaaliyadu ay kaalin
muuqata ka gashay hawlaha lagu kabayo
halganka Ogaadeenya iyo adeegyada kale ee ku
aaddan wax ka qabashada dhibaatada ka taagan
dalka Ogaadeenya.
Waxaa sidoo kale shirkan lagaga dooday
qabanqaabada shir waynaha Jaaliyadaha
Ogaadeenya ee Australia iyo New Zealand oo
lagu qaban doono magaalada Perth.
Qabanqaabada shirkan waxaa loo doortay guddi
shan xubnood ka kooban oo ka shaqayn doona
diyaarinta hawlaha shirkaas.
Waxaa kaloo shirkan lagaga arrinsaday sidii
loo xoojin lahaa abaabulka dadwaynaha, isla
markaana loo dardar galin lahaa Jaaliyada,
si waxqabadka laga sugayo sannadka 2008 oo u
noqdo mid ka sarreeya sannadkii tagay.
Jaaliyada Ogaadeenya ee Waddanka Australia
ayaa sanadihii ugu dambeeyay kordhisay
abaabulka dadwaynaha iyo waxqabadkeeda,
arrintaasoo laga dareemi karo horumarka ay
sameeyeen Jaaliyadaha Ogaadeena ee waddanka
Australia.
Shaqaaqooyin ka dhashay natiijadii
doorashooyinka oo weli kasocdaKenya.
Ugu yaraan 100 ruux ayaa ku dhintay
rabashado ka dillaacay waddanka Kenya, ka
dib markii lagu dhawaaqay natiijadii kama
denbaysta ahayd ee doorashada madaxtnimada
ee waddankaas oo muran wayn ka dhex-dhalisay
xukuumadda madaxwayne Kibaki iyo mucaaradka
jagada kula tartamayay.
Booliska ayaa la sheegay inuu rasaas oodda
kaga qaaday dadwayne isugu soo baxay
magaalada ay u badan yihiin taageerayaasha
mucaaradka ee Kisumu, halkaasoo ay ku
dhinteen ugu yaraan 40 qof.
Waxay sidoo kale rabshado xooggani ka
socdaan magaalada caasimada ah ee Nairobi
iyo Mambasa.
Madaxwayne Mwai Kibaki ayaa si rasmi ah mar
labaad loogu dhariyay madaxtnimada dalka
Kenya. Waxaa madaxwaynaha la dhaariyay
iyadoo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga
uu ku doodayo in doorashada lagaga shubtay.
Odinga ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay
inay maalinta khamiista ah magaalada Nairobi
ku sameeyaan isu soo bax ay ka qayb qaataan
ugu yaraan hal mailyan oo qof oo lagaga
cabanayo musuqmaasuqa doorashada.
Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee ka dhaca
Ogadenya & Jam.Soomaaliya sanadkii 2007
Sannaduhu way soo noqnodaan sida Bilaha iyo
Maalmuhuba usoo laab-laabtaan.
Sannad walba ama bilwalba waxaa dhaca is
baddalo iyo dhacdooyin la xusuusan karo oo
laga yaabo inay dareenka iyo quluubta dadka
raad ku reebto, taasoo noqon karta mid lagu
farxo ama mid naxdimeed.
Sannadkan inaga dhamaaday ee 2007 dhexdiisa
waxaa dhacay dhacdooyin badan oo farxad iyo
murugaba isugu jira.
Sannadka 2007 dhexdiisa waxaa Ogaadeeniya
dhexdeeda ka dhacay dhacdooyin la xusuusan
karo sida:
Qabsashadii ay JWXO qabsatay bishii 2aad
Dagmooyin badan oo kamid ah Ogaadeeniya
kuwaas oo cadowgu katalin jiray waxaana
kamid ahaa:
Haar-cad , Garbo , Gunagado, Iyo meelo
kalaba, kuwaas oo isugu jira kuwo xoog lagu
muquuniyay iyo kuwa is dhiibayba.
Digmooyinkaas oo ay Jabhaddu kufuratay
Saanad mulatari oo badan ayay fursad u
heshay inay kumanaan shacabkay
udagaalamaysay ah la hadlaan iyagoo is
hortaagan .
Waa sannadkii shiinaha iyo shisheeyoo
dhaniba ka quustay shidaalka Ogaadeeniya
isagoo shiinuhu ku waayay 9injineer
deegaanka Cobole, halkaas oo shiinuhu
shidaal kabaadhayay iyagoo ciidan Itoobiya
uu ilaalinayo balse CWXO qaybaha Duufaan iyo
Gorgor ayaa amin subax ah bishii cagta
mariyay ciidankii gumaysiga ee goobta
fadhiyay.
Waa sannadkii uu Baarlamaanka cabsida badan
kunool ee itoobiya ansixiyay in weerar cir
iyo dhulba ah lagu qaado Ogaadeeniya 27 kii
bishii 4aad.
Waa sannadkii uu ciidanka Zenaawi weerarka
kusoo qaaday bishii5aad guud ahaan shacabka
Ogaadeeniya miyi iyo magaalaba iyagoo
fulinaya go`aankii Baarlamaan ku sheega
itoobiya.
Waa sannadkii si koox-koox ah loo marjiyay
dadka reer Ogaadeeniya, eegeedaha laga soo
lalmiyay.
Waa sannadkii shacabka dulman ee Ogaadeeniya
dhuunigii laga jaray, Gaajana u dhinteen dad
tiro badani.
Waa sannadkay barakaceen kumanaankun oo
kamid ah shacabka Ogaadeeniya.
Waa sannadkii lagubay boqolaal qoys oo
dhulkoodii daganaa waxna aan galabsanin.
Waa sannadkii gudaha Ogaadeeniya lagu xidhay
wariyaal caalami ah oo kasocda safaaxad
caalami ah.
Waa sannadkii dhagaha caalamku ka
weel-buuxsadeen wararka Ogaadeeniya.
Waa sannadkii ay QM usoo dirtay guddi
xaqiiqo raadin ah taasoo ahayd tallaabadii
koobaad ee nooceedoo kale ah.
Waa sannadkii uu Ogaadeeniya booqday
kaaliyaha xoghayaha QM ee arimaha gargaarka
John Holmes isagoo ahaa sargaalkii ugu
sarreeyay oo QM ka socda ee abid taga
Ogaadeeniya.
Waa sanadkii ay Jaaliyadaha dibadaha ee
Ogaadeeniya qabteen Bannaan-baxyadii uugu
badnaa uguna baaxadda waynaa, iyagoo dhagaha
caalamka kabuuxiyay Sawaxan, indhahoodana
kabuuxiyay Sawiro naxdinleh.
Waa sannadkii uu CXO soo hoyiyay guulihii
ugu badnaa Sida:
Cobole,Dannood,Laandheer,Galaalshe, Kubcad
iyo Jeexdin oo inbadan oo kamid ah dadka
reer Ogaadeenyia ee guusha jecel uu
farxad-dardar ku dhici gaadhay markay
maqleen Jeexdin waa la qabsaday qalabkii
yaalayna la burburi.
Waa sannadkii ugu horeeyay ee la arko dowlad
aduunka kamid ah oo baarlameenkeedu
dacwadeena dhagaystaan kadibna go`aamiyaan
in itoobiya cunaqabatayn dhaqaale iyo mid
duulimaadba lasaaro isla markaana la
maxkamadeeyo saraakiisha ciidamada ee
dambiyada dagaal kamsuulka ahaa.
2007 waa sannadkii uu waddanka Soomaaliya si
buuxda uugu gacan galay ciidamada nacabka
aha ee itoobiya.
Waa sannadkii kumanaanka dad ee soomaalida
ah dhiigooda ladaadiyay.
Waa sannadkii boqolaalka kun ee shacabka
soomaaliyeed ah la barakiciyay.
Waa sannadkii uugu dhibka badnaa shacabka
Ogaadeneiya iyo midka Soomaaliyaba.
2007 waxaa lagu xusuustaa hadalo badan oo
xun oo niman itoobiya Daba-qoodhi u ihi ka
dheheen saxaafada soomaalida, Sida : Geedi,
Lugbuur,Sallaad cali Jeelle, Rashiid
Cirro,Cabdi ileey iyo Maxamed dheere oo ahaa
kii dadka muqdisho uu kabara kiciyay ku
tilmaamay Argagixiso.
Waa sannadka ay quwadda ciidanka Itoobiya
aad uwiiqantay kadib markay isku
ballaadhisay Geeska Africa, wuxuuna
xaalkeedu noqday Lugna Badda dhigtay Lugna
Buurta dhigtay Baaruud ololi gubtay.
01 Jenuary 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 9445
KHZ, iyo internetka http://Radioxoriyo.com
iyo http://Ogaden.com Maalinta Talaadada ah
7:00PM - 8:00PM waqtiga Afrikada Bari
|