|
|
|
|
|
Tuulada
Qudhacleey oo ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ku xidheen 12
qof oo shacab ah |
Aug 31,
2006 War maanta naga soo gaadhey
Magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in
Tuulada Qudhacleey laga soo taxaabay 12 ruux
oo shacab ah oo la keenay Magaalada Dhagax
Buur .
Dadkaan ayay Ciidanka Gumaysigu inta aysan
soo taxaabin ka hor shir ugu qabteen Tuulada
Qudhacleey, iyada oo ay Ciidankaasi
Gumaysigu markay shirka ka hadlaayeen ay
muujinaayeen hanjabaad iyo Cagajuglayn aad u
farabadan. Iyagoo ddaka ku amrey in ay
raadiyaan Ururka ONLF oo ay la dagalaamaan.
Hadaba waxaa arintaas ka hadlay qaar ka mid
ah Odayaashii Tuulada oo qaar kamid ahi ay
ku jiraan dadkan lasoo taxaabay.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in
Odayaashaasi kaga jawaaben hadalada
Ciidamada Itoobiya in aysan macquul ahayn
inay raadiyaan oo ay lasoo degaalamaan
Ururka
ONLF.
Si kastaba ha ahaatee waxaa abaal looga
dhigay Odayaashaas iyo qaar kale oo
dhalin yaro ah in loosoo taxaabo xabsiga
Xerada Ciidanka Gumaysiga Itoobiya ee
Magaalada Dhagaxbuur oo ay haatan ku jiraan.
Ogaden Online News |
|
|
|
|