|
June 12, 2006 Wararka naga soo
gaadhaya Jigjiga ayaa tibaaxaya in
Sirdoonka Itoobiyaay qorteen dad tiro
badan oo noocyo badan isugu jira,
kuwaas oo ay ugu talogaleen in ay u soo
jaajuusaan cidwalba oo ay uga shakiyaan
inuu wado hawlo Jabhadda ONLF lagu taageerayo.
Jaajuusiintan oo qaybo badan isugu jira
oo ay kamidyihiin dad da' yar ah sida;
baalashlayaasha(kabo-caseeyaha), iyo
kuwa qabta shaqooyinka xoogsiga ah sida
biyo dhaaminta iyo darawalada tagaasida
ayaa tiradoodu gaadhaysaa illaa 600(lix
boqol).
Xog aanu ka helnay ilo ku dhaw-dhaw
Sirdoonka Itoobiya ayaa noo caddeeyay in
ay ku hanwaynyihiin in jaajuusintan
cusub ay wax wayn ka tari doonaan
helista xogaha ay u baahanyihiin.
Laakiin dad khibrad u leh arimaha
nabad-sugidda ayaa rajo xumo ka muujiyay
faa'idada ay u keeni karto dawladda
Itoobiya tallaabada caynkan oo kale ah,
iyagoo sheegay in ay ku sababi karto
jaha wareer iyo xogtooda oo aan noqonin
mid xafidan.
Ogaden Online News
|