|
|
|
|
|
Sanadguuradii
22aad ee JWXO oo lagu qabtey Magaalada Minneapolis |
Aug
21, 2006 Wariyaha
Radio Xoriyo ee Magaalada Minneapolis ayaa
sheegaya in xaflad si heer sare ah loo soo
agaasimey oo lagu xusayey sanadguuradii
22aad ee ka soo wareegtey aas-aaskii JWXO
lagu qabtey Tiyaatarka wayn ee Sabathani
Community Center ee Magaalada Minneapolis ee
Gobolka Minnesota.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen boqolaal
qof oo isagu jira dhamaan qaybaha bulshada
ayaa halkaas ka muujiyey shucuur wadaninimo
iyo isku duubni. Waxayna balan qaadeen in ay
sii wadi doonaan taageerada ay la garab
taagan yihiin shacbigooda dulman iyo
halgamayaasha jiida hore ee dagaalka.
Waxaa dadweynihii goobtaas isagu yimid
warbixin dheer siiyey Halgame Maxamuud Nuur
oo ka waramay Marxaladaha kala duwan ee uu
Halganku soo maray iyo xalaadaha maanta
taagan. Sdioo kale, waxaa goobtaas lagu soo
bandhigay heeso, gabayo iyo sugaan halgameed
kala duwan.
Dadwaynihi munaasabada ka soo qayb galay
ayaa waxay ku dhawaaqayeen halku dhagyo ay
ka mid yihiin "Guumaysi dooni mayno, dhag ha
u dhigana Dabaqoodhiga Doolka ah iyo midka
gudaha toona.
>>> Daawo
Sawirada shirka
Radio Xoriyo |
|
|
|
|