September
8, 2006 waxaa magaalada San Diego ee
Gobolka California ee Maraykanka ka dhacay
shir si wayn loo soo agaasimay oo ku saabsan
xaaladda siyaasadeed iyo bini’aadamnimo ee
dalka Ogaadenya. Shirkaas waxaa si wada jir
ah u soo wada qabanqaabiyey ururka Codka
Nabadda ee Ogadenia ee afka Ingriiska loogu
yeedho “Ogaden Voice for Peace” iyo Machadka
Nabadda iyo Caddaaladda ee Joan B. Kroc ee
jaamicadda San Diego (Joan B. Kroc Institute
for Peace & Justice, University of San
Diego).
Shirka waxaa hal-ku-dhig u ahaa “Dadaalka
nabad waarta oo ka dhalata Ogadenya” ama
“Working Towards a Lasting peace in the
Ogaden”. Waxaa lagu falanqeeyey xaaladda
siyaasadeed, bini’aadamnimo iyo sidii nabad
looga gaadhi lahaa dhibaatada faca wayn ee
dalka Ogaadenya.
Waxaa shirkaas ka soo qaybgalay
xeel-dheerayaal arrimaha Ogaadenya iyo guud
ahaan geeska Africa, aqoonyahanno iyo marti
sharaf kale oo ka kala timid gobollo kala
duwan ee Maraykanka iyo Canada. Khubaradii
iyo aqoonyahanadii ka soo qaybgalay shirkaas
waxaa ka mid ahaa
- Dr
Mohamed Mukhtaar Huseen oo ah asaasaha
iyo madaxa Machadka Caalamaiga ee
Cilmi-baadhista Somalida Ogaadenya (Internationa
Somali-Ogaden Studies Institute).
- Saadiq
Abdiraxmaan oo ah aqoonyahan u ololeeya
xuquuqda aadanaha, gaar ahaan Ogadenia,
hawlo muhiim ahna u qabta ururka Ogaden
Human Rights Committee.
- Abdi
Mohamed, Madaxa ururka Horn Of Africa
Community eek u yaalla San Diego
- Joyce
Neu, Madaxa machadka Nabadda iyo
caddaaladda ee Joan B. Kroc ee
Jaamicadda San Diego
- Herman
J. Cohen oo ah diblomacy maraykan ah
kuna xeel dheer arrimaha geeska Afrika.
-
Fowsiya Abdiqaadir oo ah ka tirsan hawlo
muhiim ahna u haysa ururka Ogaden Human
Rights Committee, gaar ahaan xuquuqda
Haweenka iyo carruurta
- Kathi
Anderson oo ah madaxa ururka dadka ka
badbaaday ciqaabaha (Survivors of
Torture.
- Robert
Montgomery oo ah maamulaha dib-u-dajinta
dadka qaxootiga ah
- Dr
Abdiraxmaan Jaamac barre, Wasiirka
arrimaha Dibadda ee hore ee dalka
Somalia
- Dr Ali
Khalif Galaydh, Rasiisal wasaarihii ee
hore ee dawladdii ku meel gaadha ah ee
Somaliya
Aqoonyahanadii ka soo qaybgalay shirka waxay
halkaas ku soo bandhigeen xog iyo warbixin
isugu jirta taariikh, falanqayn sidii
dhibaatadu ku abuurantay iyo sida loo xalin
karo iyo kaalinta dadka qurbo joogta ah ay
ka gaysan karaan xallinta dhibaatada
Ogaadenya.
Dadkii goobta ka hadlay waxay dhammaantood
qireen in shacbiga Ogaadenya ay xuquuqdiisii
maqan tahay, loona baahan yahay in loo
ololeeyo sidii ay aayo-ka-talintooda ay dib
ugu heli lahaayeen.
Ogaden Online News/Radio
Xoriyo |