|
|
|
|
|
Sirdoon la
doonayo in laga dhex qoro Macalimiinta iyo Ardeyda
degmooyinka Ogadeniya |
Aug 23,
2006 Wararka naga soo gaadhaya dhamaan
degmooyinka uu
ka kooban yahay Gobolka Ogadenia ayaa waxay
sheegayaan in saraakiisha Tigea-ga iyo
Maamul ku sheega Jigjiga ay qorshaynayaan
sidii ay u qaban lahaayeen laba shir oo
waaweyn oo ka kala dhici doona Jigjiga iyo
Godey, shirarkan ayaa la qorsheynayaa
dhamaadka bishan August 2006.
Labadan shir ayaa waxaa loo kala qabanaayaa
Maamul ku sheegyada degmooyinka Ogadenia iyo
dhamaan Mmacalimiinta wax kadhiga dugsiyada
degmooyinka ogadenia
Hadaba, mar uu Wariyaha Ogaden Online iyo
Radio Xoriyo aad isugu dhibay in uu wax ka
ogaado dulucda shirarkan dhici doona
dabayaaqada bishan August ayaa waxaa dad xog
ogaal ahi u sheegeen in ay ku saabsan yihiin
sidii loo curin lahaa nidaam sirdoon oo kale
oo ku wajahan Ardayda iyo Macalimiinta, taas
oo ay Saraakiisha Gumeysiga Itoobiya iyo
kuwa Dabaqoodhigu ku saadaalinayaan in ay
abuuri doonto Kaadiriyiin aad u tiro badan.
Ciidamada
Itoobiya ayaa ku guul dareystay in ay xoog
ku caabiyaan Ciidamada Xoreynta Ogadeniya,
sidoo kale waxaa aad u yaraadey dadkii u
nuglaa u adeega sirdoonka Itoobiya, taas oo
keentay in Saariikiisha Itoobiya marba la
yimaadaan qorshe cusub.
Ogaden Online News
Akhri
wararka la xiriira warkan:
Sirdoonka
Itoobiya oo shaqaaleeyey 600 oo Jaajuus
|
|
|
|
|