Aug 18,
2006 Waraka naga soo gaadhaya Gobolka
Qoraxay ayaa waxay
sheegayaan in maanta ilaa iyo shalay dad
shacab ah oo aad u tiro badan lagu xidhay
Magaalada Qabridahare, waxaa dadkaas ka mid
ah inta aan magacyadooda hayno;
-
Mmaxamed Mursal (Ganay Mursal)
-
Xaliimo Dhag kamaqal
- Axmed
Khadar Cabdi Gaydh
- Cabdi
Cali Gable
- Asad
Maxamed Galbeed
-
Saynaba Aw-Cilmi
-
Bashiir Maxamed Madar
- Tube
C/laahi Muxumed
-
Maxamed Caydiid Ileeye
- Abshir
Dayib C/laahi
-
Faadumo Sheekh Xuseen
Dadkan oo
dhamaantood ah dad shacab ayaa waxaa hada
lagu dhoobay jeelka Ciidanka Gumeysiga
Itoobiya ee Magaalada Qabridahar oo ay horay
ugu sii jireen dad aad u tira badan oo ah
shacab.
Ciidamada Itoobiya ayaa cadaadis xoog leh ku
haya Gobolada Ogaadeniya, inkasta oo ugu sii
daranyahan Gobolka Qoraxey xiligan xaadirka
ah.
La soco wixii ka soo kordha. |