Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
Radio Qoraxey
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Ciidamada Itoobiya ee Magaalada Jigjiga oo habeen hore gurigiisa kala baxay nin lagu magacaabo Cabdi Casiis Muxumed Daahir oo lagu (Qaloocoow)


Sept 20, 2006 Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ay wali sii wadaan xidh xidhka shacabka aan waxba galabsan.

Hadaba, waxay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya xabsiga u taxaaben habeen hore oo ay ahayd Sept 19, 2006 Cabdi Casiis Muxumed Daahir oo lagu naanayso (Qaloocoow)

Sida warku sheegayo waxaa ninkan laga qabtay isaga oo guriga uu deganaa hurda xiliga waabarigii ka hor, waxana la geeyay xerada Ciidamada Gumaysiga ee lagu magacaabo Garabcase.

Ilaa iyo hada lagama warhayo meel uu ku suganyahay mana jiraan wax dambi ah oo uu ku mutaystay xabsigaas.

Wariyaha Ogaden Online iyo Radio Xoriyo oo u dhaba galay arintan ninkan ayaa sheegaya in ninkan ahaa Arday waxka barta Addis Ababa, sida ay xaqiijiyeen dad xog ogaal ka ahaa qabashada Wiilkaas oo aqoon u leh.

Waxaa la sheegayaa in Jidh dil aad u badan loo geystay wiilkaas intii Xabsiga loo sii wadey.


Ogaden Online News

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.