Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
Radio Qoraxey
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Dhibaatada Soomaalida ka haysata Wadanka Koonfur Afrika


Warbixin:

Iyada oo uuna marnaba yarayn dhibabka lagu hayo soomaalida ku dhaqan wadanka Koonfur-Afrika ayaad moodaa inay bishan udambaysay kor usii kacday weerararadii lagu hayay Soomaalida .

Weeraradii lala beegsaday soomaalida ee udambeeyay waxaa kamid ahaa habeenimadii isniintu soo galaysay ee 26 Aug ayaa xaafada Langa oo udhow magaalada Uitenhage lagu soo weeraray Axmed Dirir C/laahi .

Axmed Dirir isagoo xili fiid aha kasoo baxaya tukaankiisa yaa markuu kadinka kasoo baxayba waxaa kusoo kadiyay 3 nin oo hubaysan oo ah budhcad koonfur Afrikan ah,waxaana laba Bastooladood dhafoorka laga kala saaray isaga iyo saaxiibkii Xiis oy tukaanka kasoo wada baxayeen.

Isla markiiba waxay Bastolada dabadeeda afka kaga dhufteen A.Dirir halkaasna wuxuu kuwaayay qaar kamid ah ilkihiisii qalaiga ahaa, markay laba goor ku dhufteen ayuu laqabsaday Bastooladii waxaana rasaas is waydaarsaday dhalinyaradii kujirtay Tukaanka gudihiisa iyo budhcadii weerarka soo qaaday, meeshaasoo uu ka dhacay dagaal khadhaadh oon cidina kunafbixin balse uu dhaawac xun oo xaga afka ihi soo gaadhay A.Dirir.Dhowr todobaad uun kahorbay ahayd markii weerar kanoo kale ah lagusoo qaaday A.Dirir iyo dhalinyaraday Tukaanka wada joogeen Rasaasa xoogana la is waydaarsaday balse nasiib wanaag cidina waxba kuma noqonin.

Asbuucii inagatagay waxa amagaalada Cape town lagu boobay tukaamo soomaaliyeed oo dhexeeya 22-30 Tukaan .

Mulkiilayaashii tukaamadaas ayaa caydh fara madow isu rogay saacado uun kadib markay hantiilayaal ahaayeen.Qaylada tukaamadaas laboobay ayaa gaadhay UN ta iyo dowlada south Africa ba.

Dadkaas soobarakacay ayaa si kumeel gaadh ahaan ah loodajiyay Hoolal ay ay seexdaan. Dowlada K/Afrika ayaa jawaab kabixisay boobka tukmaadasaas waxayna ballan qaaday inay magdhabayso hantidaas laboobay iyadoo tidhi``waxaan ogolahay inaan bixino inta u dhexaysa R40.000-R70.000 “oo lacagta S/africa ah taasoo u dhiganta qiyaastii $4762.-$8334. oo Dollar Tukaankiiba, waxayna uugu baaqday dadkaasi inay kunoqdaan goobahoodii ganacsi oy mar kale camirtaan tukaamadoodii.

Police ka magaalada Cape town ayaa ka eed sheeganhaya soomaalida isagoo ku andcaoonaya inay soomaalidu buunbuunisay waxyaabihii dhacay bishan inaga dhamaatay ,waxayna dheheen soomaalidu tirade laga dilay way kordhiyeen oo dad aan laga layninbay sheegeen.Police ka Cape town ayaa lasheegayaa inuu maalmahan wado dhaqdhaqq ka dheeri ah kii laguyaqaanay iyagoo aad uuga agdhow goobaha ganacsiga ee soomaalida gaar ahaan xiliyada habeenimada ah iyagoo marraka qaarkood baadhaya dadkay ka shakiyaan ee tukaanka soo gala.

Arintaas ayaan waxba kabadalin amin xumadii soomaalida haysatay waxaana shalay oo udambaysay magaalada Cape town lagu dilay wiil soomaali aha oo naan magiciisa haynin.
Xalay fiidkii oy taariikhdu ahayd 1/sep/06 waxaa xaafada Kwnobushle oo udhow magaalada Uitenhage lagusoo weereray Tamaan Dool waxaana ay Tamaan budh cadii soo weerarartay ku buufiyeen suntan dadka kaga ilmaysiisa kadibna waxaa laboobay wixii Tukaanka yaalay.

Tamaan Dool ayaa hada kahor isagoo kusugan Tuulada Langa waxaa madaxa Xabad kaga dhuftay budhcad hubaysan balse Alle wuu kanbad kiciyay dhaawacaas, markuu dhaawicii ka kacayna wuxuu dilay nin uu ku sheegay inuu kamid ahaa budh cadii dhaawacday.
Sidoo kale isla xalay siqdii dhexe waxaa boob dhagac loogu siiyay tukaan uulahaa Rashiid xaaji kuna yaalay meesha lagu magacaabo Injooli, dadka Tukaanka boobay ma ahayn oo kaliya tuugo hubaysan ee waxaa ka qayb qaatay dadkii macmiilka u ahaa dadkaas oo qof waliba wuxuu qaadan karay qaatay.

Wiilashii lajoogay tukaanka laboobay qaar kamid ah ayuu dhaawac soo gaadhay waxaase naloo sheegay inuu yahay dhaawac aan halis ahayn.

Ma aha markii ugu horaysay ee lasoo weeraro Tukaanka Ra
shiid xaaji ee dhowr jeer oo horaa la dhacay mararna way is difaacen


Ogaden online iyo RX news
K/Afrika

Akhriso Warbixintan la xiriirta Koonfur Afrika oo aan diyaariney Sept 15, 2004
 

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.