|
|
|
|
|
Dad aad u fara
badan oo xalay lagu xidh xidhey Magaalada Jigjiga |
Aug 17,
2006 Wararka naga soo gaadhaya
Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in xalay
saacada Magaalada Jigjiga markey ahayd
12:30AM ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya
(CGI) ka bilaabeen olole ay guryaha ku
baadhayaan. Ololahan oo ay ugu magac dareen
"Sifeynta Taageerayaasha Ururka ONLF" .
Ololahan ayey xalay ku baadheen 17 guri,
waxayna qabteen dad tiradoodu gaadheyso 9
ruux. Dadkaas oo loo taxaabey xerada
Ciidamada Gumeysiga Itoobiya, waxaa ka mid
ah dadka magacyadoodu na soo gaadheen Gabadh
lagu magacaabo Shukri Xaashi.
Sidoo kale waxaa ku jira dadkaas guryaha
laga soo qabqabtey 4 Wiil oo laga soo qabtey
Masaajid oo aan magacyadooda haynin.
Go'aankan dadka lagu soo qabqabanayo ayaa
wuxuu kasoo baxay shirkii ay dhawaan soo
qaban-qaabiyeen Tawalde iyo Abaase Haay oo
ay ku sheegeen inay bilaabi doonaan hawlgal
ku wajahan Magaalaada Jigjiga.
Ciidamada Itoobiya ayaa si bahalnimo ah
xasuuq ugu wada dadka shacabka ee ana waxba
galabsan, kadib markii ay ku guul dareysteen
in ay xoog ku caabiyaan Ciidamadaa Jabhada
wadaniga Xoreynta Ogadeniya.
Ogaden Online News |
|
|
|
|