Chat

Forum

Commentary and analysis

GEESKAAFRIKA.COM: Lugooyo Umadeed iyo Saxaafad Wareersan.

Ogaden Online Editorial
Dec 23, 2005

Astaamaha lagu garto bulshadu markay u hoggaansan tahay nidaamka Dimoqraadiyadeed  waxaa ka mid ah inay la timaaddo xeerinta xoriyatul qawlka iyo tixgelinta afkaaraha kala duwan ee umadda. Waxay haddaba bulshadaasi tusaale cad oo ku dayasho mudan u noqon kartaa dhamaan mujtamaca u bisil nidaamka Ddimoqraadiyadeed.

Wuxuu shaqsiga ku dhex nool bulshadani xuquuq buuxda u yeelan karaa inuu si hufan u soo bandhigo  dareenkiisa khuseeya arimo noloshiisa iyo tan bulshadaba aad xasaasi ugu ah. Waxaase muhiim ah oon laga talaabi karin xeerinta dhamaan shuruucda  ku tacaluuqda bandhigga afkaarta.

Waa daw inuu qofku bananaka keeno dareenkiisa, waase dulinimo inuu qofku mala awaalo sheeko aan sal iyo raad toona lahayn isaga oo u nisbaynaya qolo kale si uu suuq-gayn ugu helo ku tiri ku teenkiisa, sow noqon mayso ka daryoo dibi dhal hadduu qofku mala awaalkiisan aan ujeeddada iyo ka jeedada lahayn uu ku soo naashnaasho mawqicyada ay umaddu wada akhrisato?

Haddaba Maamaulka Ogaden Online wuxuu gacanta ku dhigay mawqic dhib u jooge, kala geeye ah. Waana Shabakada lagu Magacaabo Geeskaafrika.com oo jiritaankiisu dhaafi la’yahay inuu bedelo wararka saxaafada caalamka isaga oo gelinaya ereyada uu isagu doono, isla markaana ka beensheegaya xogta iyo xaalaadda waaqiciga ah. ee ka jira gayiga iyaga oo aad isugu taxaluujiya inay maldahaan warbixinada sugan ee ay shacabkuna ka dheregsan yihiin. Mamaulka Shabakadan been abuurka ku can baxay oo ku nool waddanka Canada  oo ah waddan  nidaamka Dimoqraadiyadeed ay shacabkiisu heer sare ka gaadheen ayaa ah kuwo kaba dhago xidhan  khatarta ka soo wajihi karta falalkan guracan ee ay ku mashquulsan yihiin.

Shabakada Geeskaafrika.com ayaa haddaba waxay dhawaan soo daabaceen warqad ay sida ay leeyihiin ku socotay Kaligii Taliye Meles Zenawi. Fariintan oo ka socota  Urur aanan  sheeko iyo shaahid toona u jirin kana diiwaan gashanayn dhamaan qaaradaha horumaray ee dunida sida Canada, Australia,USA iyo Yurub iskuna magacaabay  Hay’adda xuquuqda deegaanka Raaso. (Raaso Human rights Group) oo isku dayaysa inay caalamka  ka iibiso sawir ah dhibaatada ka dhisan deegaanka Raaso iyada oo Shabakadan isku dayayso inay ka faa’iidaysto xaalada argagixisanimo ee caalamka ka jirta isla markaana is qabadsiinaya laba Urur oon shaqo isku lahayn, waa Ururkii horay loo mamnuucay ee Al-Itixaad iyo Jabhadda muwaadiniinta  adduunka laga ictiraafsan yahay ee xornimo u dirirka ONLF.  Iyada oo muhiimadda ka danbaysana ay tahay in maamulaka Shabakadan Geeskaafrika uu qoyska ay ka soo jeedaan hayb ahaan uu dhoobdhoobo sawir ah in labadaa Ururba ay gacan ku lahaayeen dhibkii ka dhacay deegaanka Raaso.

Si haddaba aynu tooshka ugu ifino  dhibaatooyinka daahsoon ee aynan shacabku ka warqabin ayaa wuxuu Maamulka Ogaden Online uga digayaa buslahada walaalaha ah ee wadaaga dhiig iyo dalba ee ay wada noolaanshuhu ka dhexayso qarniyo in ka badn,  inay aad uga digtoonaadaan falalka kala gaynta iyo isku dirnimada ah ee ay ku kacayaan dadka ay ka mid yihiin Qoraaga/yaasha maqaalka lagu soo malmaluuqay Geeskaafrika.com iyo Maamulka Shabakadaas. Si haddaba madawga iyo beenta qaawan ee uu Geeskaafrika.com ku kacay loogu  iftiimiyo bulshada ayaa waxaan dhawaan soo daabici doonaa bayaan ama qoraal kale. Si haddaba aynu u muujino qoraalada ay qorayaasha Shabakada Geeskaafrika.com u nisbeeyeen hay’adda la yidhaa International Crisis Group (ICG). Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa warbixintoo oo kooban. La soco qoraalka waxay ka soo minguuriyeen ama ka soo xigteen sida ay sheeganayaan hay’ada ICG oo ah mid muctarif ka ah caalamka.          

,,,,,Taariikhdu markay ahayd 3/02/2005 ayuu mudane  Mark Buchanan oo u dhashay waddanka Belguim ahna masuul ka tirsan hayadda (ICG).  Ayaa sheegay in ilaa feb/1998 ay deegaanka Raaso ee beesha sheekhaashu ay ku nooshahay lagu bilaabay olole noociisu yahay dagaal gaadmo ah oo ay si wada jir ah u soo abaabuleen Ururka Al- itixaad/ONLF iyo ashkhaas laga soo kala soocay Maamulka Jigjiga ee Gobolka Soomaalida iyo Maamulka federaalkaba.. waxaana  sidaas ku samaysmay maleeshiyo Ogaadeen ah oo xadgudubyo aad u fool xun oo isugu jira dil dhac boob,  iyo fara xumaynba ay halkaa ugu gaysteen beelo waligoodba wadaagay darisnimo islaanimimo iyo ehelnimo intaba. Mudane Buchnan waxaa sidoo kale laga soo xigtay inuu yidhi rag ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Gobolka Mr Cabdi Rashid Duulane, Sarhaye, Khadar Macalin iyo xubno kale oo dhamaan hayb ahaan ka soo jeeda qabiilka Ogaadeen kana kala socda is mamaul Goboleedka dhulka ka jira iyo midka dawladda federaalka inay dhamaantood ay ku wada lug lahaayeen falalka dambiga ah ee shacabkaa lagula kacay.

Inkasta oo ay aad u adag tahay in la fahmo dulucda ujeeddada qoraha marka aynu xeerino naxwaha iyo is haysadka qoridda luqada afka qalaad ee uu maqaalkiisu ku soo baxay, isla markaana aan la kala saari karin weedhaha uu isagu iska soo malmauuqday iyo inta uu leeyahay waxaan ka soo xigtay Mudane Mark Buchanan, haddana  tallaabadii ugu horaysay ee aann qaadnay waxay ahayd bal inaan dhex jibaaxno matxafka iyo kaydka wararka iyo warbixinada ee hay’adda (ICG) ee sida fudud looga heli karo shabakadooda.. anaga oo ku raadjoogna inaan ka sal gaadhno wixii wabixin ah ee khuseeya Dhulka Ogadenia waliba taariikhda uu qoruhu cayimay 1994 to December 17th, 2005.  Nasiib daro, waxba waan ka waynay. Kaadi badane waa loo gogol badiyaaye, Si aan u sii xaqiijino bal in warbixintani ay ku jiri karto Kayda u khaaska ah Hay’adda (Internal Data Base) ayaa waxaan la xidhiidhnay xafiiska hay’addan u qaabilsan qaybta Warbaahinta. Waxaa isla markiiba warqad jawaab celin ah aan ka helnay kaaliyaha Xafiiska warbaahinta marwada lagu magacaabo Juliette Le Doré oo nagu wargalisay in aysan wax war ah haba yaraatee ka hayn sheekadaa.

Si haddaba aynu banaanka u soo dhigno been abuurka uu qoraha Shabakada Geeskaafrika.com soo daabacay iyo Ninka uu ku Magacaabay Mark Buchanan  ee sida uu  sheeganayo ah Mudanaha hay’adda ka tirsan ee uu la xidhiidhay ayaa waxaan qoraalka oo aan waxba laga bedeelin u dirnay Hay’adda ICG. Jawaabta aynu ka helnay xafiiska warbaahinta ee hay’addan ICG ayaa waxay si cad ugu soo bayaamiyeen inuusan jirin shaqaale ama masuul lagu magacaabo Mark Buchanan  oo ka tirsan xafiiskooda ku yaal caasimadda waddanka Belgium ee la yidha Brussels.

Waana kan waydiimihii iyo jawaabihii ina dhex maray anaga iyo xafiiskooda warbaahinta.    

Warcelintii ku aaddanayd su’aashanadii hore:_

-----Original Message-----                      
From: Juliette Le Dore [mailto:jledore@crisisgroup.org]
Sent: Thursday, December 15, 2005 04:23 AM
To: editorial@ogaden.com
Subject: request.

Mudane Hassan.

Waad ku mahadsan tahay waydiintaadii ku saabsanayd hay’addan. Hase yeeshee waxaa nasiib daro ah inaysan jirin wax arin ah oo ku tacaluqda arimaha Ogadenia (Ethiopia)  waliba muddada aad ku xustay warqaddaada. Waa suuro gal inana u sii dhaba galno arinkan haddaad faahfaahin dheeri ah na siiso sida magaca hawl-wadeenkeena iyo  hawsha uu qabtay.

Xidhiidh wacan

Juliette Le Doré 
Media Assistant
International Crisis Group
149 Avenue Louise - Level 24
B-1050 Brussels, Belgium


Fariintii kale ee ka timid hay’adda ICG ee caddaynaysay inuusan jirin hawl-wadeen ka tirsan hay’addooda oo ah shaqsiga uu qoruhu u nasbeeyey qoraalka laguna magacaabo. Mark Buchnan:_

  -----Original Message-----
From: Juliette Le Dore [mailto:jledore@crisisgroup.org]
Sent: Thursday, December 22, 2005 09:07 AM
To: editorial@ogaden.com
Subject: FW: request (Followup).

     Mudane Xassan

Warbixinta aad raadinayso ma hayno anagu,  mudanaha aad ku magacawday Mr Buchnan.na waligii shaqaale nooma noqon.

 Nasiib wacan

Juliette Le Doré 
Media Assistant
International Crisis Group
149 Avenue Louise - Level 24
B-1050 Brussels, Belgium.

Ma aha markii u horaysay ee ay shabakadan isku dayo inuu tashwiish  ku furo bulshada iskuna dayo inuu colaad ka dhex alooso umadda Ogadenia degta ee gumaysigu haysto. Khiddadaha foosha xun ee uu Geeskaafrika.com iyo mamaulkiisuba isticmaali jireen waxaa ka mid ah inay isku ladhaan warar ay ka sameeyeen Ururka Al-Itixada iyo Jabhadda waddaniga ONLF si ay u daboolaan qaddiyadda gobinodoon ee ay ku taagan tahay Jabhadda ONLF.  Waana sababta keentay in mudo hada 2 sano qiyaastii laga joogo ay Shbakada Angelfire oo bixiysa in ay shabakadaha kale si bilaash ah Hosting ugu sameyso uga ceshatey Geeskaafrika.com, kadib markii ay ku kaceen in ay bedelaan warar ka so baxay hay’ad warbaahineed. Waxayse hadda la soo baxeen tab cusub oo ah inay si aan gabasho lahayn ugu been abuurtaan ururo heer caalami ah, sida Ururada International Crisis Group, iyo Ururka  Ilaalinta Xuquuqul aadamiga (Human Rights Watch). Iyaga oo isku dayaya inay ku maaweeliyaan dhacdo aan sal iyo raad toona lahayn. Xataa waxay gaadheen in Madaxa Sare ee Wasaarada Caddaalada ee Maraykanka, midkii hore iyo kan hada xilka haya ay ka dhigtaan ciyaar in ay u adeegsadaan qoraalka ay mal-maluuqeen. Waxaa is waydiin mudan sidee ayuu qofku isku qabadsiin karaa wararkooda aan sugnayn  ee ay kaga hadlayaan socdaaladii iyo ujeeddooyinkii eedaysanihii lagu soo oogay qaraxii uu la damacsanaa Moolkii ku yaalay magaalada Ohio. Iyada oo dhamaan xogtii iyo warbixinadii ku saabsanaa eedaysanahaasi ay wada tibaaxayeen in lagu tuhunsanaa inuu xidhiidh iyo iskaashi la lahaa ururka Alqacida. Mana aysan jirin hal weedh oo muujinaysa in shaqsigaasi wax shaqo ah ku lahaa amaba uu ahaa nin ay soo tababartay ONLF.

Xogta dhabta ah ee sugan waxay tahay “in eedaysanuhu laftiisu uu ogaa inay u qorshaysnayd inuu u safro Ogadenia (Ethiopia) si uu u soo qaato tababaro caskari uu ugu diyaargaroobayo Jihad

 Kaliya maskaxda ay riyo-maalmeedku dahaartay ee qoraha iyo mamaulka Shebakada Geeskaafrika.com ayey malaha Ogadenia noqotay meel Al Qacida iyo Al-Itixad lagu tuhmo.

Waxaan u soo ban baxaynaa qoraha Shabakadan iyo cid alla ciddii kale ee ay khusayso arinkani inay la yimaaddaan hal shay oo xaqiiq sugan ah!!

Waxaa sidii qorax aan sacabada lagu qarin karin oo kale banaanka u soo baxday oon ogaanay darasaad dheer ka dib in ujeeddada biyo kama dhibcaanka ah ee uu Geeskaafrika.com u abuuran yahayba ay tahay inuu alifo dacaayado raqiis ah isagana been abuurto  ururada iyo hay’adaha caalamiga ah, wuxuu sidoo kale Geeskaafrika.com u samaysan yahay inuu maaweelo iyo waxaan jirin fidiyo si uu u lugooyo wayn ugu gaysto dadka hayb ahaanta u samaystay jaraa’idkan ee qurbaha isaga wada nool.  Khiyaano iyo lugooyo loo gaysto qoyska aad ka dhalatay la garay waxaase wax aad looga fajaco noqotay in qolyaha ku nool waddamada horumaray sida Canada, USA. Australia ee ka soo toosa guryaha danyarta la siiyo ee qaboojiye-yaal iyo kulayliya yaal casri ah ku wada rakiban yihiin in ay isku qanciyeen inay taakulayn iyo mucaawamo kaga heli karaan  Senetarada iyo Mudanayaasha Baarlamanka ku jira iyagoo soo hor dhigaya warar ay iska samaysteen? Waxaya qoraayaasha Geeskaafrika.com iska iloobeen in caamada lafteedu ay si fudud ku ogaan karaan qoraaladan is wada burinaya ay soo xarxariiqeen.

Waxaa qoraalada Shabakadan laga garan karaa inaysan garan Karin cawaaqib xumida ka iman kara  ku tiri ku teen la dhaashdhaasho loona nisbeeyo cid aan shaqo ku lahayn si ay u baahiyaan ujeeddadooda maldahan

Tixgelin
Maamulka Ogaden Online
Editorial@ogaden.com
Dec 23, 2005


Qoraalkan oo Luuqada Ingiirska ah:
Geeskaafrika.com: Misleading the Masses through a Bogus Media


 

Copyright © 1998-2002 OGADEN ONLINE   All Rights Reserved.This site is created by Ogaden Online.  
Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.