|
|
|
|
|
Jaamacada
Alamaya (Alamaya University) oo uu kacdoon ka dhacey |
Aug 26,
2006 Wararka naga soo gaadhaya Jaamacada
Alamaya (Alamaya University) ayaa sheegaya
in Jaamacadaas ay ka dhaceen qulqulatooyin
dhaliyey gacan ka hadal.
Kacdoonkan ayaa dhacay markay taarikhdu
ahayd bishan August 25, 2006 ee shalay.
Rabshadahan ayaa u dhexeeyay Ardayda
Jaamacada ee ka soo kala jeeda Qoomiyada
Romada iyo kuwa Tigreaga.
Warku wuxuu sheegayaa in ay rabshadahaas ku
dhintay inta hada la ogyahay ugu yaraan 4
ruux, halka uu dhaawacu gaadhao 113 ruux.
Jaamacada Alamaya waxay ku taalaa meel u
jirta Magaalada Harar 14km oo kaga aadan
dhinaca Waqooyiga.
Ququlatooyinkan ayaa u muuqda mid ku wajahan
xaalada siyaasadeeed ay ku sugantahay
Dawlada ka talisa Itoobiya.
Ardeyda Jaamacadaha Itoobiya ayaanan u
dhiganin waxbarshada si niyad ah, iyadoo
marba marka kasii dambaysa kasoo xumaanayso
xaaladu.
Ma jiraan ilaa iyo hada wax xal ah oo
arintaas Jaamacada laga gaadhay. Sida ay noo
xaqijiyeen qaar kamid ah Ardayda Jaamacada
dhigata ayaa sheegaya in ay aad u hoosayso
rajada laga qabo deganaanshaha iyo sdii
xasilooni loogu soo dabaali lahaa Jaamacada.
Jaamacada ayaa waxaa hada ku sugan Ciidamo
aad u tiro badan, kuwaas oo ku kla dhex jira
Ardeyda.
Ardeyda Itoobiya ayaa taariikh ahaan aad
caan ugu ah in ay abuuraan kacdoono ka dhan
ah xukumada, iyaga oo aad uga gilgisha
dhibaatooyinka xukumadu ku kacdo.
Ogaden Online News |
|
|
|
|