Chat 

Forum

Editorial
Radio Xoriyo
Studio Xoriyo
Xoriyo Website
History Centre
Radio Qoraxey
BBC Somali 11:00
BBC Somali 18:00
BBC Somali 14:00

Somali Links

News Audio Links

Newspaper Links

Educational Links

Islamic Links

 

Google
Search WWW Search www.ogaden.com

Sideed General oo ka mid ah Ciidamada Itoobiya oo la la'yahay


Aug 26, 2006 War naga soo gaadhay Caasimada Gumeysiga Itoobiya ee Adis Ababa ayaa sheegaya in la la'yahay sideed(8) General oo ka mid ahaa Ciidamada Itoobiya  ah oo aan la garanaynin meel ay ku suganyihiin.

Sida ay warar xog ogaal ahi sheegayaan kadib markii uu baxsaday General Kamal ayuu Meles Zenawi qabqabtay 8 General oo uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen baxsashada General Kamal.

Lamaga oga in la laayay iyo inay xabsi qarsoodi ah ku jiraan. Balse warar aan ka helnay xaga Ciidamada Itoobiya  ayaa sheegaya inay jirto xaalad aad u qalafsan kadib markii la waayay Saraakiishii Ciidamada, taasi oo aad looga baqayo inay isku gadoodaan Ciidamadu.

Saraakiishan la waayay ayaa u kala dhashay Qoomiyadaha Axmaarada iyo Oromo.

Si kastaba ha, ahaatee waxaa jira jahawareer iyo guud ahaanba xaalada Siyaasadeed oo
faraha ka baxday.

Waxaan wali noosuura galin inaan helno magacyada Saraakiishaas, balse waxan rajayanaa in aan u helno si deg-deg ah.


Ogaden Online News

 

 

Copyright © 1998- 2002 OGADEN ONLINE  All Rights Reserved. This site is created by Ogaden Online. Reproduction of any material on this site is prohibited without express permission of the site owner and the webmaster.