Aduunka
ilaa Qaabiil iyo Haabiil, wuxuu loolan u
dhexeeyay, nin wax-damaaciyaya iyo nin
ladamaaciyayo, nin wixiisii lagu-haysto iyo
mid wax-dadkale raadinaya. Hadaba maadaama
shacabkeenu yahay, mid mudo hal qarni kahor,
rag meel-dheer kasooduulay ay
kuqabsadeen,ilaa iyo hadana kuhaystaan
dhulkiisii iyo khayraadkiisii. Hadaba waxaan
qormo-hore kagahadalay sidii adeegyada
halgan, siyaasadda dibada iyo tagudahaba dib
u habayn loogu samaynlahaa. Inaga oo
xoogga-saaray sadex arimood: [1] ku dadaalka
midaynta Soomaalida Ogaadeenaya,[2]
kasbashada iyo midaynta qoomiyadaha Itoobiya
ku hoos dolman, [3]iyo kala-dhexmarida
gumaysiga iyo wadamada biilka siiya[ gaar
ahaan YURUB].
Waxaanse hada qormadan soo bandhigayaa,
iyada oo halgankii xaq-raadis ee talaabsaday,
uu cadawgu rabo inuu sikama-danbays ah
uminja-xaabiyo. Runtiina diyaar uma-aha
gumaysigu inuu shacabkan dulman xuquuq-u
ogolaado, ee kaliya wuxuu rabaa inuu
iska-soo oodo wadadaas xaq-doonka ee kufuran,
maadaama ay xabashi ku’caanbaxday
taariikhdeeda oo dhan umad aan ninka
taag-daran waxba u ogolayn.
Waxaanse hada ubaahanahay inaan iskudayno,
inaan dhacdadan uga-faa-iidaysano, sida
ugu-saraysa een uga-faa’iidaysankaro oon
waxkabadalo, hormarinana halgankeena.ilaase
aan fikirkeena hormarino, falkeena-halgan
ma'hormarinkaro. Culimada cilmiga "bulshadu"
waxay sheegeen in umadu qaabka ay udhaqmayso
uu kasoo-maaxayo sida ay ufikirto...
islamarkaana qaab-fikirku wuxuu kamidyahay
mushkiladaha uguwaawayn ee dunida.
Awoodaadana waxaa xadidaya, qaabka aad wax-uqiimayso.
Wuxuu sheegay qoraagii waynaa ee reer AL-jeeriya
"Maalik inb Nabi" in ay tahay mushkilada ugu
wayn ee haysata umad lagumaysto,iyada oon
awoodin inay fikirkeeda iyo shaqadeeda
ujahayso sida ay iyadu rabto, ee ay kusoo
gudoonsatay caqligeeda iyo siwaafaqsan
daneheeda. Taasina waxay kuu xaqiijinaysaa
hadalkii uu yidhi, qoraagii waynaa ee reer
Maraykan"Dale Carnegie"[ waxaan rumaysanahay,
aniga oo huba, in waxa inaga wareerinayaa
kaliya uu yahay sidaan udooran-lahayn
fikirka saxda ah. Marka aan arintaa xal
uhelana, waxaa toos uxalismaysa
mushkiladeheenii.] hadaba dhibaatadu waxaa
weeye, sida ay khubaradu cadeeyeen, aadanaha
oy ku adagtahay, inuu garto talaabadii
loobaahnaa, iyo wakhtigii loobaahnaa, sidaa
awgeed waxaa akhristow, kuu cad inay
mushkiladeenu tahay fikirkeena, oon
keenikaraynin xalkii dhibaatadeena. hadaba
waxaa hubaal ah inaan ubaahanahay, dib inaan
ugu noqono fikirkeena-halgan.
Taas oo inagu waajibinaysa inaan raadino
hab-fikir cusub iyo qaabab hor leh oon ku
xalinayno mushkiladeheena. . Waxaa
inagu-waajib ah inaan siyaasadeenana
kusar-goyno si'waafaqsan sida uu caalamku
usocdo.Maxaayeelay isbadal-waliba wuxuu
ubaahanyahay fikir cusub.
Waxay kuusheegayaan khubaradu, in hadii uu
qofku badalo qaabka uu uqiimaynjiray
mushkiladdiisa, ay dhibaatadii
uhogaansamayso isbadalkaa uu sameeyay. Waana
inaan ururino dadka inoogu caqliga, aqoonta
iyo khibradda badan, islamarkaana isticmaalo
qaabka looyaqaano
maskax-dharqinta{brainstorming}. Hogaamintu
waa inay yeelato: xikmadii GAANDI,
siyaasadii CARAFAAD iyo adkaysigii MANDEELA.
Jabhaduna waa inay muujiso, dabacsanaan
siyaasadeed oo aad u wayn{great political
flexibility},noqotaana dhaq-dhaqaaq had-iyo-jeer
raadiya qaabka ugu saraysa inuu
uga-faa'iidaysto fursad kasta oo uuhelo,
haba-yaraatee, xilikastabana dib ugu-noqda
siyaasadiisa, oo kabadala wixii wax-kabadal
ubaahan. waana in hada-kadib xooga lasaaro,
sidii halgamayaasha dhalinyarada ah
loogu-furilahaa, taba-bar xoogan oo
siyasadeed,saxaafadeed iyo
xuquuqul-insaaneed. Waxaa hubaal ah hadaan
fikirkeena badalo, oon adkaysina lanimaadno
inaan dadkeena duliga haysta sharaf ugu
badali-karo.
LAF-DHUUN-GASHAY
-
Halganka aanwadno, qaabkeen rabnaa inuu
kumidho-dhalo, ama qaabkeen rabnaa inay
xoriyadi inoogu-timaado? Tusaale,
mawaxaan rabnaa, inaan ka’adkaano
ciidanaka Itoobiya, oon ka’erino
wadankeena, mise waxaan doonaynaa inaan
qadiyadeena indhaha dunida ku
soo-jeedino, ilaa aduunyadu soo
fara-galiso?
Iyada oo ay su’aalahan jawaabtoodu u
yaalaan, siyaasiyiinta, mutacalimiinta,
iyo waayo-araga, hadana waxaa
lagama-maarmaan ah inaan
isku-baraarujino arimahan:
- Dawlad
markaad dhul kadoonayso, kaliya waxaa
lagaga-qaadikaraa, inay ucabsato dhulkaa
haysigiisa inay kuwaydo, waxkabadan/kamuhiimsan
dhulkaas. wadamada afrikaankuna waa sida
maskii layidhi madaxa ayaa laga dilaa,
oo caasimada oo kaliya uunbay ka
naaftaan. Runtiina taliska afrikaanku
ilaa uu kursiga ucabsado ama uu waayaba
matanaazulo.
Markaa anugu waxaan u'arkaa inaan
nimanka LAF-DHUUNGASHAY KUNOQONO,
taasina waxay ku'iman-kartaa inaan
kudadaalo:
- Sidaan
ugu-gaysanlayn khasaaraha ugu wayn ee
dhaqaale. Kaas oo laba dhinac dagaal
lagaga qaadayo: Dhinaca gudaha-
dagaalkeena oo dhan waa inaan ku jahayno
bur-burinta dhaqaalaha gumaysiga,
maadaama meesha uu ugu jilicsanyahay ay
halkaas tahay.
-
Dhinaca dibada:- Waa in aan isku dayno
inta aan awoodno inaan kala-dhexmaro
cadawga iyo raga biilla. Inaga oo
sigooni ah awooda u saarayna dhinaca
xuquul-insaanka, si'aan taas
uga-midho-dhalinana mudnaan-wayn
siinayna halganka"sawirka", oo waa inaan
KAAMEERADA,ka'hormarino qoriga.
maxaayeelay waxaan wada ognahay maanta
cidaad wax-u sheegtaaba i
tus-inay-kuleedahay!!
-
Uururinta, midaynta iyo ka-horgaynta
inta ugu badan een awoodno ee ah
qoomiyadaha ku hoos-dulman, xukunka ay
iska-bad-badlayaan, labada qoomiyadood
ee Tigre iyo Axmaaro. Wuxuu yidhi
khabiirkii waynaa, ee qoray kitaabka
aadka muhiimka ugu ah siyaasiyiinta[ een
jeclaan lahaa inuu ninkasta oo
siyaasiyiinteena kamid saaxiib u ahaado]
ee "The 48 laws of power" Robert
Greene,(qaybaha ugu muhiimsan
istiraatiijiyadu waa inaad cadawga
go'doomiso. Badanaaba go'doominta ayaa
ka faa'iido-badan, jarida[laynta].
noocyada go'doomineedna waxaa
ugu-sareeysa inaad kala dhexmarto isaga
iyo meeshii uu awooda ka helayay, ama
inaad ka hoos-bixiso taageerada uu
haysto.), {hadaad rabto inaad fardoolay
layso, marka-hore fardaha kaboqna-goo}
ujeedo: waa in qoomiyadahan
aayatiinkooda lasiiyo, ama dhamaan
geeska afrika lamideeyo.
Hada maxaa inala gudboon?
Hada
siyaasadeenu waxay gashay xili kala-guur ah
oo ubaahan xikmad, fikir dheeraad ah iyo
iskuduubni. Waxaana loobaahanyahay inaan
udiyaar garawno manta sidaan halgankeena
uga-samata-bixinlahayn baasahan socda,
ugagana faa'iidaysanlahayn fursadkasta oo
imankarta, sida ugusaraysa.
- Waa
inaan ogaano baasahan inaan kaliya
kaga-bixi karo isku duubni iyo maskaxda
waa inaan samayno website lagu aruriyo
nin waliba sida uu u arko in basahan
laga-dabaalankaro, fursadaha
larajaynayana laga faa'iidaysankaro.
- Hada
waxaa lafilayaa inuu Itoobiya isbadal-ka
dhoco,markaa ku dadaal sidaad ugu
diyaar-garoobilahayd, haday fursadi
timaado xiliga isbadalka inaad
kafaa'iidaysato. iskana ilaali inay
dawladii intayjirtay kudilaysay,
markay-dhacayso kusahayato haday tani
sii cimridana, waa inaan u isticmaalo,
nooca halgan ee layidhaahdo: (dawlad,
dawlad kuhoos-nool), iyo inta aan
awoodi-karo oon halgankeena
cimri-dheerar usamayno.
- Waxaa
kale ood iska'ilaalisaa inaad dawlada
imandoonta dagaal lagasho. Kama dhigna
taasi hadii itoobiya isbadal kadhoco,
inaan kahadhayno halgankeenii
taariikhiga ahaa, balse waa inaan in
mudo ah halgankeena ubadalo mid-siyaasadeed.
Marka, waa inaan raadino sidaan
kuheli-lahayn "password-ka" aan
xabashida, kaga-dhigilahayn sidii
BAALOON NEEFTII LAGA-SII-DAAYAY! iyaga
oo isdibirinaya.
maadaama oo layidhi,"hadii aadan bad-badalin
dariiqada aad ku hawlgasho,waa hubaal
inaad badali ujeedadaa".
"Hadii aad wax kabadali kari waydo
aayatiinkaaga,waxaa labadalaa jahadaada".
Iyo "umadu fursadeeda wayheli, hadii ay
yeelato wacyi[baraarug], aqoon iyo
waxqabad", waa inaan diyaarsano
istiraatiijiyad cusub oo aad looga
baaraan-dagay
Waxaanad ogaataa, inuu badanaaba
fashilku kayimaado, adkaysi-la'aanta.
Xiliganna halganka aan
ugu-baahida-badanahay, waa arimahan soo
socda, samir ama adkaysi, midnimo iyo
madaxda oon u hogaansano toosinana,
shilinka, cilmiga iyo caqligana aan
huro.Hada-kadibna waa in talada
looga-danbeeyo dadkeena ugu aqonta badan
iyo kuwa ugu khibrada badan xaga
halganka iyo siyaasada
Waana inaan ubadalo halgankeena,tabo ama
xeelado, waxaanan kuhelikaraa
taas,fikir-badan,maskax-dharqin,cilmi-baadhis
iyo khibrad-ururin.Tabaha halgankuna waa
inay kusalaysnaadaan,fikrad kutaagan
{4}afartan qodob:
-
Fikrada halganka oo jirta, sideen
dadkeena uga yarayn-karaa, baa-ba',
bayhoofka, hawl-gabka iyo
kala-qayb-qaybsanka? fikir casri ah iyo
hab-dhaqan ilbaxnimo, oy cadawga kula
loolamikaraan mudo-dheerna ugu
abuurikaraa? ururada,hay'adaha iyo wixii
adeeg-bulsho ah een haysano ama
ubaahanahayna, sideen uga-dhigi-karaa
kuwa ugu horeeya aduunka[inta awoodeena
ah dabcan]?
-
Itoobiya bur-burkeeda, sideen
uga-qaybqaadankaraa, inaga oo
halgankeena xoogiisa siyaasad kadhigayna?
- Sideen
usamaynaa "intifaado siyaasi ah" oon
dhibaatadeena dunida
kusoo-hordhigayno,cadawgana
kufashilinayno.
- Sideen
u awoodnaa inaan isu-diyaarino
fursad-kasta oo imankarta,inaga oo
isticmaalayna;cadawgu wuuburburiye,yuuna
inasahayanin,yaynaan
kahoraynin,raacina,islamarkaana aan
diyaarsano awoodii fursad-taariikhi ah
oo iman-karta aan kaga
faa'iidaysanlahayn?
Guushu waa inaad samayso waxa
ugu-sareeya eed awoodi-karto.
SIYAAD HERERI.
saabir95@hotmail.com
May 14, 2006
|